Syriac: NT

Somali

Matthew

13

1ܒܗܘ ܕܝܢ ܝܘܡܐ ܢܦܩ ܝܫܘܥ ܡܢ ܒܝܬܐ ܘܝܬܒ ܥܠ ܝܕ ܝܡܐ ܀
1Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda,
2ܘܐܬܟܢܫܘ ܠܘܬܗ ܟܢܫܐ ܤܓܝܐܐ ܐܝܟ ܕܢܤܩ ܢܬܒ ܠܗ ܒܐܠܦܐ ܘܟܠܗ ܟܢܫܐ ܩܐܡ ܗܘܐ ܥܠ ܤܦܪ ܝܡܐ ܀
2oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen.
3ܘܤܓܝ ܡܡܠܠ ܗܘܐ ܥܡܗܘܢ ܒܦܠܐܬܐ ܘܐܡܪ ܗܐ ܢܦܩ ܙܪܘܥܐ ܕܢܙܪܘܥ ܀
3Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero,
4ܘܟܕ ܙܪܥ ܐܝܬ ܕܢܦܠ ܥܠ ܝܕ ܐܘܪܚܐ ܘܐܬܬ ܦܪܚܬܐ ܘܐܟܠܬܗ ܀
4oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.
5ܘܐܚܪܢܐ ܢܦܠ ܥܠ ܫܘܥܐ ܐܝܟܐ ܕܠܝܬ ܗܘܐ ܡܕܪܐ ܤܓܝܐܐ ܘܒܪ ܫܥܬܗ ܫܘܚ ܡܛܠ ܕܠܝܬ ܗܘܐ ܥܘܡܩܐ ܕܐܪܥܐ ܀
5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,
6ܟܕ ܕܢܚ ܕܝܢ ܫܡܫܐ ܚܡ ܘܡܛܠ ܕܠܝܬ ܗܘܐ ܠܗ ܥܩܪܐ ܝܒܫ ܀
6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.
7ܘܐܚܪܢܐ ܢܦܠ ܒܝܬ ܟܘܒܐ ܘܤܠܩܘ ܟܘܒܐ ܘܚܢܩܘܗܝ ܀
7Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay.
8ܘܐܚܪܢܐ ܢܦܠ ܒܐܪܥܐ ܛܒܬܐ ܘܝܗܒ ܦܐܪܐ ܐܝܬ ܕܡܐܐ ܘܐܝܬ ܕܫܬܝܢ ܘܐܝܬ ܕܬܠܬܝܢ ܀
8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.
9ܡܢ ܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܕܢܫܡܥ ܢܫܡܥ ܀
9Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
10ܘܩܪܒܘ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܘܐܡܪܝܢ ܠܗ ܠܡܢܐ ܒܦܠܐܬܐ ܡܡܠܠ ܐܢܬ ܥܡܗܘܢ ܀
10Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula hadashaa?
11ܗܘ ܕܝܢ ܥܢܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܕܠܟܘܢ ܗܘ ܝܗܝܒ ܠܡܕܥ ܐܪܙܐ ܕܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܠܗܢܘܢ ܕܝܢ ܠܐ ܝܗܝܒ ܀
11Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.
12ܠܡܢ ܓܝܪ ܕܐܝܬ ܠܗ ܢܬܝܗܒ ܠܗ ܘܢܬܝܬܪ ܠܗ ܀
12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
13ܘܠܡܢ ܕܠܝܬ ܠܗ ܘܗܘ ܕܐܝܬ ܠܗ ܢܫܬܩܠ ܡܢܗ ܡܛܠ ܗܢܐ ܒܦܠܐܬܐ ܡܡܠܠ ܐܢܐ ܥܡܗܘܢ ܡܛܠ ܕܚܙܝܢ ܘܠܐ ܚܙܝܢ ܘܫܡܥܝܢ ܘܠܐ ܫܡܥܝܢ ܘܠܐ ܡܤܬܟܠܝܢ ܀
13Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan.
14ܘܫܠܡܐ ܒܗܘܢ ܢܒܝܘܬܗ ܕܐܫܥܝܐ ܕܐܡܪ ܕܫܡܥܐ ܬܫܡܥܘܢ ܘܠܐ ܬܤܬܟܠܘܢ ܘܡܚܙܐ ܬܚܙܘܢ ܘܠܐ ܬܕܥܘܢ ܀
14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.
15ܐܬܥܒܝ ܠܗ ܓܝܪ ܠܒܗ ܕܥܡܐ ܗܢܐ ܘܒܐܕܢܝܗܘܢ ܝܩܝܪܐܝܬ ܫܡܥܘ ܘܥܝܢܝܗܘܢ ܥܡܨܘ ܕܠܐ ܢܚܙܘܢ ܒܥܝܢܝܗܘܢ ܘܢܫܡܥܘܢ ܒܐܕܢܝܗܘܢ ܘܢܤܬܟܠܘܢ ܒܠܒܗܘܢ ܘܢܬܦܢܘܢ ܘܐܤܐ ܐܢܘܢ ܀
15Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
16ܕܝܠܟܘܢ ܕܝܢ ܛܘܒܝܗܝܢ ܠܥܝܢܝܟܘܢ ܕܚܙܝܢ ܘܠܐܕܢܝܟܘܢ ܕܫܡܥܢ ܀
16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.
17ܐܡܝܢ ܓܝܪ ܐܡܪܢܐ ܠܟܘܢ ܕܤܓܝܐܐ ܢܒܝܐ ܘܙܕܝܩܐ ܐܬܪܓܪܓܘ ܕܢܚܙܘܢ ܡܕܡ ܕܚܙܝܢ ܐܢܬܘܢ ܘܠܐ ܚܙܘ ܘܠܡܫܡܥ ܡܕܡ ܕܫܡܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܘܠܐ ܫܡܥܘ ܀
17Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebiyo badan iyo niman xaq ah ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.
18ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܫܡܥܘ ܡܬܠܐ ܕܙܪܥܐ ܀
18Haddaba maqla masaalkii beerreyga.
19ܟܠ ܕܫܡܥ ܡܠܬܐ ܕܡܠܟܘܬܐ ܘܠܐ ܡܤܬܟܠ ܒܗ ܐܬܐ ܒܝܫܐ ܘܚܛܦ ܡܠܬܐ ܕܙܪܝܥܐ ܒܠܒܗ ܗܢܘ ܗܘ ܕܥܠ ܝܕ ܐܘܪܚܐ ܐܙܕܪܥ ܀
19Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray.
20ܗܘ ܕܝܢ ܕܥܠ ܫܘܥܐ ܐܙܕܪܥ ܗܘ ܗܘ ܕܫܡܥ ܡܠܬܐ ܘܒܪ ܫܥܬܗ ܒܚܕܘܬܐ ܡܩܒܠ ܠܗ ܀
20Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata.
21ܠܝܬ ܠܗ ܕܝܢ ܥܩܪܐ ܒܗ ܐܠܐ ܕܙܒܢܐ ܗܘ ܘܡܐ ܕܗܘܐ ܐܘܠܨܢܐ ܐܘ ܪܕܘܦܝܐ ܡܛܠ ܡܠܬܐ ܥܓܠ ܡܬܟܫܠ ܀
21Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortii dhib ama silec ugu dhaco erayga aawadiis, markiiba waa ka xumaadaa.
22ܗܘ ܕܝܢ ܕܒܝܬ ܟܘܒܐ ܐܙܕܪܥ ܗܘ ܗܘ ܕܫܡܥ ܡܠܬܐ ܘܪܢܝܐ ܕܥܠܡܐ ܗܢܐ ܘܛܘܥܝܝ ܕܥܘܬܪܐ ܚܢܩܝܢ ܠܗ ܠܡܠܬܐ ܘܕܠܐ ܦܐܪܐ ܗܘܝܐ ܀
22Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.
23ܗܘ ܕܝܢ ܕܥܠ ܐܪܥܐ ܛܒܬܐ ܐܙܕܪܥ ܗܘ ܗܘ ܕܫܡܥ ܡܠܬܝ ܘܡܤܬܟܠ ܘܝܗܒ ܦܐܪܐ ܘܥܒܕ ܐܝܬ ܕܡܐܐ ܘܐܝܬ ܕܫܬܝܢ ܘܐܝܬ ܕܬܠܬܝܢ ܀
23Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.
24ܐܚܪܢܐ ܡܬܠܐ ܐܡܬܠ ܠܗܘܢ ܘܐܡܪ ܕܡܝܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܠܓܒܪܐ ܕܙܪܥ ܙܪܥܐ ܛܒܐ ܒܩܪܝܬܗ ܀
24Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray.
25ܘܟܕ ܕܡܟܘ ܐܢܫܐ ܐܬܐ ܒܥܠܕܒܒܗ ܘܙܪܥ ܙܝܙܢܐ ܒܝܢܬ ܚܛܐ ܘܐܙܠ ܀
25Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey.
26ܟܕ ܕܝܢ ܝܥܐ ܥܤܒܐ ܘܥܒܕ ܦܐܪܐ ܗܝܕܝܢ ܐܬܚܙܝܘ ܐܦ ܙܝܙܢܐ ܀
26Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay.
27ܘܩܪܒܘ ܥܒܕܘܗܝ ܕܡܪܐ ܒܝܬܐ ܘܐܡܪܘ ܠܗ ܡܪܢ ܠܐ ܗܐ ܙܪܥܐ ܛܒܐ ܙܪܥܬ ܒܩܪܝܬܟ ܡܢ ܐܝܡܟܐ ܐܝܬ ܒܗ ܙܝܙܢܐ ܀
27Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid?
28ܗܘ ܕܝܢ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܓܒܪܐ ܒܥܠܕܒܒܐ ܥܒܕ ܗܕܐ ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܥܒܕܘܗܝ ܨܒܐ ܐܢܬ ܢܐܙܠ ܢܓܒܐ ܐܢܘܢ ܀
28Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno?
29ܗܘ ܕܝܢ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܕܠܡܐ ܟܕ ܡܓܒܝܢ ܐܢܬܘܢ ܙܝܙܢܐ ܬܥܩܪܘܢ ܥܡܗܘܢ ܐܦ ܚܛܐ ܀
29Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan.
30ܫܒܘܩܘ ܪܒܝܢ ܬܪܝܗܘܢ ܐܟܚܕܐ ܥܕܡܐ ܠܚܨܕܐ ܘܒܙܒܢܐ ܕܚܨܕܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܚܨܘܕܐ ܓܒܘ ܠܘܩܕܡ ܙܝܙܢܐ ܘܐܤܘܪܘ ܐܢܘܢ ܡܐܤܪܝܬܐ ܕܢܐܩܕܘܢ ܚܛܐ ܕܝܢ ܟܢܫܘ ܐܢܝܢ ܠܐܘܨܪܝ ܀
30Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururisaan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.
31ܐܚܪܢܐ ܡܬܠܐ ܐܡܬܠ ܠܗܘܢ ܘܐܡܪ ܕܡܝܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܠܦܪܕܬܐ ܕܚܪܕܠܐ ܕܢܤܒ ܓܒܪܐ ܙܪܥܗ ܒܩܪܝܬܗ ܀
31Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray.
32ܘܗܝ ܙܥܘܪܝܐ ܗܝ ܡܢ ܟܠܗܘܢ ܙܪܥܘܢܐ ܡܐ ܕܝܢ ܕܪܒܬ ܪܒܐ ܗܝ ܡܢ ܟܠܗܘܢ ܝܪܩܘܢܐ ܘܗܘܝܐ ܐܝܠܢܐ ܐܝܟ ܕܬܐܬܐ ܦܪܚܬܐ ܕܫܡܝܐ ܬܩܢ ܒܤܘܟܝܗ ܀
32Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.
33ܐܚܪܢܐ ܡܬܠܐ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܕܡܝܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܠܚܡܝܪܐ ܗܘ ܕܫܩܠܬ ܐܢܬܬܐ ܛܡܪܬ ܒܬܠܬ ܤܐܝܢ ܕܩܡܚܐ ܥܕܡܐ ܕܟܠܗ ܚܡܥ ܀
33Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
34ܗܠܝܢ ܟܠܗܝܢ ܡܠܠ ܝܫܘܥ ܒܦܠܐܬܐ ܠܟܢܫܐ ܘܕܠܐ ܦܠܐܬܐ ܠܐ ܡܡܠܠ ܗܘܐ ܥܡܗܘܢ ܀
34Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaalla'aan kulama uu hadlin iyaga.
35ܐܝܟ ܕܢܬܡܠܐ ܡܕܡ ܕܐܬܐܡܪ ܒܝܕ ܢܒܝܐ ܕܐܡܪ ܐܦܬܚ ܦܘܡܝ ܒܡܬܠܐ ܘܐܒܥ ܟܤܝܬܐ ܕܡܢ ܩܕܡ ܬܪܡܝܬܗ ܕܥܠܡܐ ܀
35Si ay u noqoto wixii nebiga lagaga dhex hadlay isagoo leh, Afkayga waxaan ku furayaa masaallo, Oo wax qarsoonna tan iyo aasaaskii dunida ayaan ku dhawaaqayaa.
36ܗܝܕܝܢ ܝܫܘܥ ܫܒܩ ܠܟܢܫܐ ܘܐܬܐ ܠܒܝܬܐ ܘܩܪܒܘ ܠܘܬܗ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܘܐܡܪܝܢ ܠܗ ܦܫܩ ܠܢ ܡܬܠܐ ܗܘ ܕܙܝܙܢܐ ܘܕܩܪܝܬܐ ܀
36Markaasuu dadkii badnaa ka tegey oo guriga galay. Xertiisii ayaa u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo caddee masaalkii gocondhadii beerta.
37ܗܘ ܕܝܢ ܥܢܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܗܘ ܕܙܪܥ ܙܪܥܐ ܛܒܐ ܐܝܬܘܗܝ ܒܪܗ ܕܐܢܫܐ ܀
37Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha,
38ܘܩܪܝܬܐ ܐܝܬܝܗ ܥܠܡܐ ܙܪܥܐ ܕܝܢ ܛܒܐ ܒܢܝܗ ܐܢܘܢ ܕܡܠܟܘܬܐ ܙܝܙܢܐ ܕܝܢ ܐܝܬܝܗܘܢ ܒܢܘܗܝ ܕܒܝܫܐ ܀
38beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh.
39ܒܥܠܕܒܒܐ ܕܝܢ ܕܙܪܥ ܐܢܘܢ ܐܝܬܘܗܝ ܤܛܢܐ ܚܨܕܐ ܕܝܢ ܐܝܬܘܗܝ ܫܘܠܡܗ ܕܥܠܡܐ ܚܨܘܕܐ ܕܝܢ ܡܠܐܟܐ ܀
39Oo cadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dhammaadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa'igo.
40ܐܝܟܢܐ ܗܟܝܠ ܕܡܬܓܒܝܢ ܙܝܙܢܐ ܘܝܩܕܝܢ ܒܢܘܪܐ ܗܟܢܐ ܢܗܘܐ ܒܫܘܠܡܗ ܕܥܠܡܐ ܗܢܐ ܀
40Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu.
41ܢܫܕܪ ܒܪܗ ܕܐܢܫܐ ܡܠܐܟܘܗܝ ܘܢܓܒܘܢ ܡܢ ܡܠܟܘܬܗ ܟܠܗܘܢ ܡܟܫܘܠܐ ܘܟܠܗܘܢ ܥܒܕܝ ܥܘܠܐ ܀
41Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala.
42ܘܢܪܡܘܢ ܐܢܘܢ ܒܐܬܘܢܐ ܕܢܘܪܐ ܬܡܢ ܢܗܘܐ ܒܟܝܐ ܘܚܘܪܩ ܫܢܐ ܀
42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
43ܗܝܕܝܢ ܙܕܝܩܐ ܢܢܗܪܘܢ ܐܝܟ ܫܡܫܐ ܒܡܠܟܘܬܗ ܕܐܒܘܗܘܢ ܡܢ ܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܕܢܫܡܥ ܢܫܡܥ ܀
43Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.
44ܬܘܒ ܕܡܝܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܠܤܝܡܬܐ ܕܡܛܫܝܐ ܒܩܪܝܬܐ ܗܝ ܕܐܫܟܚܗ ܓܒܪܐ ܘܛܫܝܗ ܘܡܢ ܚܕܘܬܗ ܐܙܠ ܙܒܢ ܟܠ ܕܐܝܬ ܠܗ ܘܙܒܢܗ ܠܩܪܝܬܐ ܗܝ ܀
44Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.
45ܬܘܒ ܕܡܝܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܠܓܒܪܐ ܬܓܪܐ ܕܒܥܐ ܗܘܐ ܡܪܓܢܝܬܐ ܛܒܬܐ ܀
45Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya.
46ܟܕ ܕܝܢ ܐܫܟܚ ܡܪܓܢܝܬܐ ܚܕܐ ܝܩܝܪܬ ܕܡܝܐ ܐܙܠ ܙܒܢ ܟܠ ܡܐ ܕܐܝܬ ܠܗ ܘܙܒܢܗ ܀
46Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.
47ܬܘܒ ܕܡܝܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܠܡܨܝܕܬܐ ܕܢܦܠܬ ܒܝܡܐ ܘܡܢ ܟܠ ܓܢܤ ܟܢܫܬ ܀
47Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabag badda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey.
48ܘܟܕ ܡܠܬ ܐܤܩܘܗ ܠܤܦܪܝ ܝܡܐ ܘܝܬܒܘ ܓܒܝܘ ܘܛܒܐ ܐܪܡܝܘ ܒܡܐܢܐ ܘܒܝܫܐ ܫܕܘ ܠܒܪ ܀
48Kan markuu buuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteen oo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way tuureen.
49ܗܟܢܐ ܢܗܘܐ ܒܫܘܠܡܗ ܕܥܠܡܐ ܢܦܩܘܢ ܡܠܐܟܐ ܘܢܦܪܫܘܢ ܒܝܫܐ ܡܢ ܒܝܢܝ ܙܕܝܩܐ ܀
49Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah,
50ܘܢܪܡܘܢ ܐܢܘܢ ܒܐܬܘܢܐ ܕܢܘܪܐ ܬܡܢ ܢܗܘܐ ܒܟܝܐ ܘܚܘܪܩ ܫܢܐ ܀
50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
51ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܝܫܘܥ ܐܤܬܟܠܬܘܢ ܟܠܗܝܢ ܗܠܝܢ ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܐܝܢ ܡܪܢ ܀
51Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen, Haah.
52ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܡܛܠ ܗܢܐ ܟܠ ܤܦܪܐ ܕܡܬܬܠܡܕ ܠܡܠܟܘܬ ܫܡܝܐ ܕܡܐ ܠܓܒܪܐ ܡܪܐ ܒܝܬܐ ܕܡܦܩ ܡܢ ܤܝܡܬܗ ܚܕܬܬܐ ܘܥܬܝܩܬܐ ܀
52Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.
53ܘܗܘܐ ܕܟܕ ܫܠܡ ܝܫܘܥ ܡܬܠܐ ܗܠܝܢ ܫܢܝ ܡܢ ܬܡܢ ܀
53Kolkii Ciise masaalladan dhammeeyey, ayuu halkaas ka tegey.
54ܘܐܬܐ ܠܡܕܝܢܬܗ ܘܡܠܦ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܒܟܢܘܫܬܗܘܢ ܐܝܟܢܐ ܕܢܬܗܪܘܢ ܘܢܐܡܪܘܢ ܐܝܡܟܐ ܠܗ ܠܗܢܐ ܚܟܡܬܐ ܗܕܐ ܘܚܝܠܐ ܀
54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?
55ܠܐ ܗܘܐ ܗܢܐ ܒܪܗ ܕܢܓܪܐ ܠܐ ܐܡܗ ܡܬܩܪܝܐ ܡܪܝܡ ܘܐܚܘܗܝ ܝܥܩܘܒ ܘܝܘܤܐ ܘܫܡܥܘܢ ܘܝܗܘܕܐ ܀
55Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas?
56ܘܐܚܘܬܗ ܟܠܗܝܢ ܠܐ ܗܐ ܠܘܬܢ ܐܢܝܢ ܐܝܡܟܐ ܠܗ ܗܟܝܠ ܠܗܢܐ ܗܠܝܢ ܟܠܗܝܢ ܀
56Gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Haddaba kanu xaggee buu waxyaalahan oo dhan ka helay?
57ܘܡܬܟܫܠܝܢ ܗܘܘ ܒܗ ܗܘ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܠܝܬ ܢܒܝܐ ܕܨܥܝܪ ܐܠܐ ܒܡܕܝܢܬܗ ܘܒܒܝܬܗ ܀ 58 ܘܠܐ ܥܒܕ ܬܡܢ ܚܝܠܐ ܤܓܝܐܐ ܡܛܠ ܠܐ ܗܝܡܢܘܬܗܘܢ ܀
57Wayna ka xumaadeen, laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa iyo gurigiisa dhexdooda maahee.Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysadla'aantooda aawadeed.
58
58Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysadla'aantooda aawadeed.