1ܗܝܕܝܢ ܩܪܒܘ ܠܘܬ ܝܫܘܥ ܦܪܝܫܐ ܘܤܦܪܐ ܕܡܢ ܐܘܪܫܠܡ ܘܐܡܪܝܢ ܀
1Markaas waxaa Yeruusaalem Ciise uga yimid niman Farrisiin iyo culimmo ah, oo waxay ku yidhaahdeen,
2ܠܡܢܐ ܬܠܡܝܕܝܟ ܥܒܪܝܢ ܥܠ ܡܫܠܡܢܘܬܐ ܕܩܫܝܫܐ ܘܠܐ ܡܫܝܓܝܢ ܐܝܕܝܗܘܢ ܡܐ ܕܐܟܠܝܢ ܠܚܡܐ ܀
2Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan.
3ܥܢܐ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܠܡܢܐ ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܥܒܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܥܠ ܦܘܩܕܢܐ ܕܐܠܗܐ ܡܛܠ ܡܫܠܡܢܘܬܟܘܢ ܀
3Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis?
4ܐܠܗܐ ܓܝܪ ܐܡܪ ܝܩܪ ܠܐܒܘܟ ܘܠܐܡܟ ܘܡܢ ܕܡܨܚܐ ܠܐܒܘܗܝ ܘܠܐܡܗ ܡܡܬ ܢܡܘܬ ܀
4Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.
5ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܐܡܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܟܠ ܡܢ ܕܢܐܡܪ ܠܐܒܐ ܐܘ ܠܐܡܐ ܩܘܪܒܢܝ ܡܕܡ ܕܬܬܗܢܐ ܡܢܝ ܘܠܐ ܢܝܩܪ ܠܐܒܘܗܝ ܐܘ ܠܐܡܗ ܀
5Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey,
6ܘܒܛܠܬܘܢ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܡܛܠ ܡܫܠܡܢܘܬܐ ܕܝܠܟܘܢ ܀
6aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen.
7ܢܤܒܝ ܒܐܦܐ ܫܦܝܪ ܐܬܢܒܝ ܥܠܝܟܘܢ ܐܫܥܝܐ ܘܐܡܪ ܀
7Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,
8ܥܡܐ ܗܢܐ ܒܤܦܘܬܗ ܗܘ ܡܝܩܪ ܠܝ ܠܒܗܘܢ ܕܝܢ ܤܓܝ ܪܚܝܩ ܡܢܝ ܀
8Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.
9ܘܤܪܝܩܐܝܬ ܕܚܠܝܢ ܠܝ ܟܕ ܡܠܦܝܢ ܝܘܠܦܢܐ ܕܦܘܩܕܢܐ ܕܒܢܝܢܫܐ ܀
9Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.
10ܘܩܪܐ ܠܟܢܫܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܫܡܥܘ ܘܐܤܬܟܠܘ ܀
10Markaasuu dadkii badnaa u yeedhay oo ku yidhi, Maqla oo garta.
11ܠܐ ܗܘܐ ܡܕܡ ܕܥܐܠ ܠܦܘܡܐ ܡܤܝܒ ܠܒܪܢܫܐ ܐܠܐ ܡܕܡ ܕܢܦܩ ܡܢ ܦܘܡܐ ܗܘ ܗܘ ܡܤܝܒ ܠܒܪܢܫܐ ܀
11Ma aha waxa afka gala waxa ninka nijaaseeyaa, laakiin waxa afka ka soo baxa, kaas ayaa ninka nijaaseeya.
12ܗܝܕܝܢ ܩܪܒܘ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܘܐܡܪܝܢ ܠܗ ܝܕܥ ܐܢܬ ܕܦܪܝܫܐ ܕܫܡܥܘ ܡܠܬܐ ܗܕܐ ܐܬܟܫܠܘ ܀
12Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Ma og tahay Farrisiintii inay ka xumaadeen markay hadalkii maqleen?
13ܗܘ ܕܝܢ ܥܢܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܟܠ ܢܨܒܬܐ ܐܝܕܐ ܕܠܐ ܢܨܒܗ ܐܒܝ ܕܒܫܡܝܐ ܬܬܥܩܪ ܀
13Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa.
14ܫܒܘܩܘ ܠܗܘܢ ܤܡܝܐ ܐܢܘܢ ܢܓܘܕܐ ܕܤܡܝܐ ܤܡܝܐ ܕܝܢ ܠܤܡܝܐ ܐܢ ܢܕܒܪ ܬܪܝܗܘܢ ܒܓܘܡܨܐ ܢܦܠܝܢ ܀
14Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.
15ܘܥܢܐ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܡܪܝ ܦܫܩ ܠܢ ܡܬܠܐ ܗܢܐ ܀
15Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.
16ܗܘ ܕܝܢ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܥܕܡܐ ܠܗܫܐ ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܠܐ ܡܤܬܟܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܀
16Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?
17ܠܐ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܡܕܡ ܕܥܐܠ ܠܦܘܡܐ ܠܟܪܤܐ ܗܘ ܐܙܠ ܘܡܢ ܬܡܢ ܒܬܕܟܝܬܐ ܡܫܬܕܐ ܠܒܪ ܀
17Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu xaaro?
18ܡܕܡ ܕܝܢ ܕܡܢ ܦܘܡܐ ܢܦܩ ܡܢ ܠܒܐ ܢܦܩ ܘܗܘܝܘ ܡܤܝܒ ܠܗ ܠܒܪܢܫܐ ܀
18Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.
19ܡܢ ܠܒܐ ܗܘ ܓܝܪ ܢܦܩܢ ܡܚܫܒܬܐ ܒܝܫܬܐ ܓܘܪܐ ܩܛܠܐ ܙܢܝܘܬܐ ܓܢܒܘܬܐ ܤܗܕܘܬ ܫܘܩܪܐ ܓܘܕܦܐ ܀
19Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.
20ܗܠܝܢ ܐܢܝܢ ܕܡܤܝܒܢ ܠܒܪܢܫܐ ܐܢ ܐܢܫ ܕܝܢ ܢܠܥܤ ܟܕ ܠܐ ܡܫܓܢ ܐܝܕܘܗܝ ܠܐ ܡܤܬܝܒ ܀
20Kuwan weeye waxa ninka nijaaseeyaa. Laakiin in lagu cuno faro aan la maydhin, ninka ma nijaasayso.
21ܘܢܦܩ ܡܢ ܬܡܢ ܝܫܘܥ ܘܐܬܐ ܠܬܚܘܡܐ ܕܨܘܪ ܘܕܨܝܕܢ ܀
21Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday.
22ܘܗܐ ܐܢܬܬܐ ܟܢܥܢܝܬܐ ܡܢ ܬܚܘܡܐ ܗܢܘܢ ܢܦܩܬ ܟܕ ܩܥܝܐ ܘܐܡܪܐ ܐܬܪܚܡ ܥܠܝ ܡܪܝ ܒܪܗ ܕܕܘܝܕ ܒܪܬܝ ܒܝܫܐܝܬ ܡܬܕܒܪܐ ܡܢ ܫܐܕܐ ܀
22Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.
23ܗܘ ܕܝܢ ܠܐ ܦܢܝܗ ܦܬܓܡܐ ܘܩܪܒܘ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܒܥܘ ܡܢܗ ܘܐܡܪܝܢ ܫܪܝܗ ܕܩܥܝܐ ܒܬܪܢ ܀
23Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.
24ܗܘ ܕܝܢ ܥܢܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܠܐ ܐܫܬܕܪܬ ܐܠܐ ܠܘܬ ܥܪܒܐ ܕܛܥܘ ܡܢ ܒܝܬ ܐܝܤܪܝܠ ܀
24Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee.
25ܗܝ ܕܝܢ ܐܬܬ ܤܓܕܬ ܠܗ ܘܐܡܪܬ ܡܪܝ ܥܕܪܝܢܝ ܀
25Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi.
26ܐܡܪ ܠܗ ܠܐ ܫܦܝܪ ܠܡܤܒ ܠܚܡܐ ܕܒܢܝܐ ܘܠܡܪܡܝܘ ܠܟܠܒܐ ܀
26Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro.
27ܗܝ ܕܝܢ ܐܡܪܬ ܐܝܢ ܡܪܝ ܐܦ ܟܠܒܐ ܐܟܠܝܢ ܡܢ ܦܪܬܘܬܐ ܕܢܦܠܝܢ ܡܢ ܦܬܘܪܐ ܕܡܪܝܗܘܢ ܘܚܐܝܢ ܀
27Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda.
28ܗܝܕܝܢ ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܐܘ ܐܢܬܬܐ ܪܒܐ ܗܝ ܗܝܡܢܘܬܟܝ ܢܗܘܐ ܠܟܝ ܐܝܟ ܕܨܒܝܐ ܐܢܬܝ ܘܐܬܐܤܝܬ ܒܪܬܗ ܡܢ ܗܝ ܫܥܬܐ ܀
28Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.
29ܘܫܢܝ ܡܢ ܬܡܢ ܝܫܘܥ ܘܐܬܐ ܥܠ ܓܢܒ ܝܡܐ ܕܓܠܝܠܐ ܘܤܠܩ ܠܛܘܪܐ ܘܝܬܒ ܬܡܢ ܀
29Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay.
30ܘܩܪܒܘ ܠܘܬܗ ܟܢܫܐ ܤܓܝܐܐ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܥܡܗܘܢ ܚܓܝܪܐ ܘܤܡܝܐ ܘܚܪܫܐ ܘܦܫܝܓܐ ܘܐܚܪܢܐ ܤܓܝܐܐ ܘܐܪܡܝܘ ܐܢܘܢ ܠܘܬ ܪܓܠܘܗܝ ܕܝܫܘܥ ܘܐܤܝ ܐܢܘܢ ܀
30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.
31ܐܝܟ ܕܢܬܕܡܪܘܢ ܟܢܫܐ ܗܢܘܢ ܕܚܙܝܢ ܚܪܫܐ ܕܡܡܠܠܝܢ ܘܦܫܝܓܐ ܕܡܬܚܠܡܝܢ ܘܚܓܝܪܐ ܕܡܗܠܟܝܢ ܘܤܡܝܐ ܕܚܙܝܢ ܘܫܒܚܘ ܠܐܠܗܐ ܕܝܤܪܝܠ ܀
31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
32ܗܘ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܩܪܐ ܠܬܠܡܝܕܘܗܝ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܡܬܪܚܡ ܐܢܐ ܥܠ ܟܢܫܐ ܗܢܐ ܕܗܐ ܬܠܬܐ ܝܘܡܝܢ ܩܘܝܘ ܠܘܬܝ ܘܠܝܬ ܠܗܘܢ ܡܐ ܕܢܐܟܠܘܢ ܘܕܐܫܪܐ ܐܢܘܢ ܟܕ ܨܝܡܝܢ ܠܐ ܨܒܐ ܐܢܐ ܕܠܡܐ ܢܥܘܦܘܢ ܒܐܘܪܚܐ ܀
32Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.
33ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܐܝܡܟܐ ܠܢ ܒܚܘܪܒܐ ܠܚܡܐ ܕܢܤܒܥ ܟܢܫܐ ܗܢܐ ܟܠܗ ܀
33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?
34ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܝܫܘܥ ܟܡܐ ܠܚܡܝܢ ܐܝܬ ܠܟܘܢ ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܫܒܥܐ ܘܩܠܝܠ ܢܘܢܐ ܕܩܕܩܐ ܀
34Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo wuxoogaa kalluun yaryar ah.
35ܘܦܩܕ ܠܟܢܫܐ ܕܢܤܬܡܟܘܢ ܥܠ ܐܪܥܐ ܀
35Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan.
36ܘܫܩܠ ܠܗܠܝܢ ܫܒܥܐ ܠܚܡܝܢ ܘܠܢܘܢܐ ܘܫܒܚ ܘܩܨܐ ܘܝܗܒ ܠܬܠܡܝܕܘܗܝ ܘܬܠܡܝܕܐ ܝܗܒܘ ܠܟܢܫܐ ܀
36Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahad naqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen.
37ܘܐܟܠܘ ܟܠܗܘܢ ܘܤܒܥܘ ܘܫܩܠܘ ܬܘܬܪܐ ܕܩܨܝܐ ܡܠܐ ܫܒܥܐ ܐܤܦܪܝܕܝܢ ܀
37Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.
38ܗܢܘܢ ܕܝܢ ܕܐܟܠܘ ܗܘܝܢ ܗܘܘ ܐܪܒܥܐ ܐܠܦܝܢ ܓܒܪܐ ܤܛܪ ܡܢ ܢܫܐ ܘܛܠܝܐ ܀ 39 ܘܟܕ ܫܪܐ ܠܟܢܫܐ ܤܠܩ ܠܐܠܦܐ ܘܐܬܐ ܠܬܚܘܡܐ ܕܡܓܕܘ ܀
38Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.
39
39Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.