1ܟܕ ܢܚܬ ܕܝܢ ܡܢ ܛܘܪܐ ܢܩܦܘܗܝ ܟܢܫܐ ܤܓܝܐܐ ܀
1Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay.
2ܘܗܐ ܓܪܒܐ ܚܕ ܐܬܐ ܤܓܕ ܠܗ ܘܐܡܪ ܡܪܝ ܐܢ ܨܒܐ ܐܢܬ ܡܫܟܚ ܐܢܬ ܠܡܕܟܝܘܬܝ ܀
2Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa.
3ܘܦܫܛ ܐܝܕܗ ܝܫܘܥ ܩܪܒ ܠܗ ܘܐܡܪ ܨܒܐ ܐܢܐ ܐܬܕܟܐ ܘܒܗ ܒܫܥܬܐ ܐܬܕܟܝ ܓܪܒܗ ܀
3Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,
4ܘܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܚܙܝ ܠܡܐ ܠܐܢܫ ܐܡܪ ܐܢܬ ܐܠܐ ܙܠ ܚܘܐ ܢܦܫܟ ܠܟܗܢܐ ܘܩܪܒ ܩܘܪܒܢܐ ܐܝܟ ܕܦܩܕ ܡܘܫܐ ܠܤܗܕܘܬܗܘܢ ܀
4oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
5ܟܕ ܥܠ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܠܟܦܪܢܚܘܡ ܩܪܒ ܠܗ ܩܢܛܪܘܢܐ ܚܕ ܘܒܥܐ ܗܘܐ ܡܢܗ ܀
5Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya
6ܘܐܡܪ ܡܪܝ ܛܠܝܝ ܪܡܐ ܒܒܝܬܐ ܘܡܫܪܝ ܘܒܝܫܐܝܬ ܡܫܬܢܩ ܀
6oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya.
7ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܐܢܐ ܐܬܐ ܘܐܤܝܘܗܝ ܀
7Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa.
8ܥܢܐ ܩܢܛܪܘܢܐ ܗܘ ܘܐܡܪ ܡܪܝ ܠܐ ܫܘܐ ܐܢܐ ܕܬܥܘܠ ܬܚܝܬ ܡܛܠܠܝ ܐܠܐ ܒܠܚܘܕ ܐܡܪ ܒܡܠܬܐ ܘܢܬܐܤܐ ܛܠܝܝ ܀
8Markaasaa boqol-u-taliyihii u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid, laakiin hadal keliya dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.
9ܐܦ ܐܢܐ ܓܝܪ ܓܒܪܐ ܐܢܐ ܕܬܚܝܬ ܫܘܠܛܢܐ ܘܐܝܬ ܬܚܝܬ ܐܝܕܝ ܐܤܛܪܛܝܘܛܐ ܘܐܡܪ ܐܢܐ ܠܗܢܐ ܕܙܠ ܘܐܙܠ ܘܠܐܚܪܢܐ ܕܬܐ ܘܐܬܐ ܘܠܥܒܕܝ ܕܥܒܕ ܗܕܐ ܘܥܒܕ ܀
9Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.
10ܟܕ ܫܡܥ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܐܬܕܡܪ ܘܐܡܪ ܠܕܐܬܝܢ ܥܡܗ ܐܡܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܐܦ ܠܐ ܒܐܝܤܪܐܝܠ ܐܫܟܚܬ ܐܝܟ ܗܕܐ ܗܝܡܢܘܬܐ ܀
10Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, wuxuuna ku yidhi kuwii la socday, Runtii waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidan u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin.
11ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܝܢ ܕܤܓܝܐܐ ܢܐܬܘܢ ܡܢ ܡܕܢܚܐ ܘܡܢ ܡܥܪܒܐ ܘܢܤܬܡܟܘܢ ܥܡ ܐܒܪܗܡ ܘܐܝܤܚܩ ܘܝܥܩܘܒ ܒܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܀
11Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,
12ܒܢܝܗ ܕܝܢ ܕܡܠܟܘܬܐ ܢܦܩܘܢ ܠܚܫܘܟܐ ܒܪܝܐ ܬܡܢ ܢܗܘܐ ܒܟܝܐ ܘܚܘܪܩ ܫܢܐ ܀
12laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.
13ܘܐܡܪ ܝܫܘܥ ܠܩܢܛܪܘܢܐ ܗܘ ܙܠ ܐܝܟܢܐ ܕܗܝܡܢܬ ܢܗܘܐ ܠܟ ܘܐܬܐܤܝ ܛܠܝܗ ܒܗ ܒܫܥܬܐ ܀
13Markaasaa Ciise wuxuu boqol-u-taliyihii ku yidhi, Tag. Sidaad u ramaysatay ha kuu noqoto e. Oo saacaddaas ayaa midiidinkii bogsaday.
14ܘܐܬܐ ܝܫܘܥ ܠܒܝܬܗ ܕܫܡܥܘܢ ܘܚܙܐ ܠܚܡܬܗ ܕܪܡܝܐ ܘܐܚܝܕܐ ܠܗ ܐܫܬܐ ܀
14Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan.
15ܘܩܪܒ ܠܐܝܕܗ ܘܫܒܩܬܗ ܐܫܬܐ ܘܩܡܬ ܘܡܫܡܫܐ ܗܘܬ ܠܗ ܀
15Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.
16ܟܕ ܗܘܐ ܕܝܢ ܪܡܫܐ ܩܪܒܘ ܩܕܡܘܗܝ ܕܝܘܢܐ ܤܓܝܐܐ ܘܐܦܩ ܕܝܘܝܗܘܢ ܒܡܠܬܐ ܘܠܟܠܗܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܒܝܫܐܝܬ ܥܒܝܕܝܢ ܗܘܘ ܐܤܝ ܐܢܘܢ ܀
16Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,
17ܐܝܟ ܕܢܬܡܠܐ ܡܕܡ ܕܐܬܐܡܪ ܒܝܕ ܐܫܥܝܐ ܢܒܝܐ ܕܐܡܪ ܕܗܘ ܢܤܒ ܟܐܒܝܢ ܘܟܘܪܗܢܝܢ ܢܛܥܢ ܀
17si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray.
18ܟܕ ܚܙܐ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܟܢܫܐ ܤܓܝܐܐ ܕܚܕܝܪܝܢ ܠܗ ܦܩܕ ܕܢܐܙܠܘܢ ܠܥܒܪܐ ܀
18Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan.
19ܘܩܪܒ ܤܦܪܐ ܚܕ ܘܐܡܪ ܠܗ ܪܒܝ ܐܬܐ ܒܬܪܟ ܠܐܬܪ ܕܐܙܠ ܐܢܬ ܀
19Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.
20ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܠܬܥܠܐ ܢܩܥܐ ܐܝܬ ܠܗܘܢ ܘܠܦܪܚܬܐ ܕܫܡܝܐ ܡܛܠܠܐ ܒܪܗ ܕܝܢ ܕܐܢܫܐ ܠܝܬ ܠܗ ܐܝܟܐ ܕܢܤܡܘܟ ܪܫܗ ܀
20Ciise ayaa ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh.
21ܐܚܪܢܐ ܕܝܢ ܡܢ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܐܡܪ ܠܗ ܡܪܝ ܐܦܤ ܠܝ ܠܘܩܕܡ ܐܙܠ ܐܩܒܘܪ ܐܒܝ ܀
21Mid kale oo xertiisa ah ayaa ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso.
22ܝܫܘܥ ܕܝܢ ܐܡܪ ܠܗ ܬܐ ܒܬܪܝ ܘܫܒܘܩ ܠܡܝܬܐ ܩܒܪܝܢ ܡܝܬܝܗܘܢ ܀
22Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.
23ܘܟܕ ܤܠܩ ܝܫܘܥ ܠܤܦܝܢܬܐ ܤܠܩܘ ܥܡܗ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܀
23Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.
24ܘܗܐ ܙܘܥܐ ܪܒܐ ܗܘܐ ܒܝܡܐ ܐܝܟܢܐ ܕܐܠܦܐ ܬܬܟܤܐ ܡܢ ܓܠܠܐ ܗܘ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܕܡܝܟ ܗܘܐ ܀
24Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.
25ܘܩܪܒܘ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܐܥܝܪܘܗܝ ܘܐܡܪܝܢ ܠܗ ܡܪܢ ܦܨܢ ܐܒܕܝܢ ܚܢܢ ܀
25Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye.
26ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܝܫܘܥ ܠܡܢܐ ܕܚܘܠܬܢܝܢ ܐܢܬܘܢ ܙܥܘܪܝ ܗܝܡܢܘܬܐ ܗܝܕܝܢ ܩܡ ܘܟܐܐ ܒܪܘܚܐ ܘܒܝܡܐ ܘܗܘܐ ܫܠܝܐ ܪܒܐ ܀
26Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.
27ܐܢܫܐ ܕܝܢ ܐܬܕܡܪܘ ܘܐܡܪܝܢ ܡܢܘ ܗܢܐ ܕܪܘܚܐ ܘܝܡܐ ܡܫܬܡܥܝܢ ܠܗ ܀
27Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
28ܘܟܕ ܐܬܐ ܝܫܘܥ ܠܥܒܪܐ ܠܐܬܪܐ ܕܓܕܪܝܐ ܐܪܥܘܗܝ ܬܪܝܢ ܕܝܘܢܐ ܕܢܦܩܝܢ ܡܢ ܒܝܬ ܩܒܘܪܐ ܒܝܫܐ ܕܛܒ ܐܝܟ ܕܠܐ ܐܢܫ ܢܫܟܚ ܢܥܒܪ ܒܗܝ ܐܘܪܚܐ ܀
28Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.
29ܘܩܥܘ ܘܐܡܪܝܢ ܡܐ ܠܢ ܘܠܟ ܝܫܘܥ ܒܪܗ ܕܐܠܗܐ ܐܬܝܬ ܠܟܐ ܩܕܡ ܙܒܢܐ ܕܬܫܢܩܢ ܀
29Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?
30ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܠܗܠ ܡܢܗܘܢ ܒܩܪܐ ܕܚܙܝܪܐ ܤܓܝܐܐ ܕܪܥܝܐ ܀
30Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa.
31ܗܢܘܢ ܕܝܢ ܫܐܕܐ ܒܥܝܢ ܗܘܘ ܡܢܗ ܘܐܡܪܝܢ ܐܢ ܡܦܩ ܐܢܬ ܠܢ ܐܦܤ ܠܢ ܕܢܐܙܠ ܠܒܩܪܐ ܕܚܙܝܪܐ ܀
31Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah,
32ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܝܫܘܥ ܙܠܘ ܘܡܚܕܐ ܢܦܩܘ ܘܥܠܘ ܒܚܙܝܪܐ ܘܟܠܗ ܒܩܪܐ ܗܝ ܬܪܨܬ ܠܥܠ ܠܫܩܝܦܐ ܘܢܦܠܘ ܒܝܡܐ ܘܡܝܬܘ ܒܡܝܐ ܀
32oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday.
33ܗܢܘܢ ܕܝܢ ܕܪܥܝܢ ܗܘܘ ܥܪܩܘ ܘܐܙܠܘ ܠܡܕܝܢܬܐ ܘܚܘܝܘ ܟܠܡܕܡ ܕܗܘܐ ܘܕܗܢܘܢ ܕܝܘܢܐ ܀ 34 ܘܢܦܩܬ ܟܠܗ ܡܕܝܢܬܐ ܠܐܘܪܥܗ ܕܝܫܘܥ ܘܟܕ ܚܙܐܘܗܝ ܒܥܘ ܡܢܗ ܕܢܫܢܐ ܡܢ ܬܚܘܡܝܗܘܢ ܀
33Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray.Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.
34
34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.