1ܡܟܝܠ ܐܚܝ ܚܕܘ ܒܡܪܢ ܗܢܝܢ ܟܕ ܗܢܝܢ ܕܐܟܬܘܒ ܠܟܘܢ ܠܐ ܡܐܢܐ ܠܝ ܡܛܠ ܕܠܟܘܢ ܡܙܗܪܢ ܀
1Walaalahayow, ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Rabbiga ku farxa. Sida xaqiiqadaa anigu inaan isla wixii idiin soo qoro dhib iguma aha, laakiinse idinka way idiin roon tahay.
2ܐܙܕܗܪܘ ܡܢ ܟܠܒܐ ܐܙܕܗܪܘ ܡܢ ܦܥܠܐ ܒܝܫܐ ܐܙܕܗܪܘ ܡܢ ܦܤܩ ܒܤܪܐ ܀
2Eeyaha iska jira, oo iska jira kuwa sharka sameeya, oo iska jira gudniinta beenta ah,
3ܓܙܘܪܬܐ ܓܝܪ ܚܢܢ ܐܝܬܝܢ ܐܝܠܝܢ ܕܦܠܚܝܢܢ ܠܐܠܗܐ ܒܪܘܚܐ ܘܡܫܬܒܗܪܝܢܢ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܘܠܐ ܬܟܝܠܝܢܢ ܥܠ ܒܤܪܐ ܀
3waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,
4ܟܕ ܠܝ ܐܝܬ ܗܘܐ ܠܝ ܬܘܟܠܢܐ ܐܦ ܥܠ ܒܤܪܐ ܐܢ ܓܝܪ ܐܢܫ ܤܒܪ ܕܬܘܟܠܢܗ ܒܒܤܪܐ ܗܘ ܝܬܝܪ ܡܢܗ ܐܢܐ ܀
4in kastoo aan aniga qudhayduba jidhka ku kalsoonahay, haddii nin u malaynayo inuu jidhka ku kalsoon yahay anigu waan ka sii daranahay.
5ܓܙܝܪܐ ܒܪ ܬܡܢܝܐ ܝܘܡܝܢ ܡܢ ܛܘܗܡܐ ܕܐܝܤܪܝܠ ܡܢ ܫܒܛܐ ܕܒܢܝܡܝܢ ܥܒܪܝܐ ܒܪ ܥܒܪܝܐ ܒܢܡܘܤܐ ܦܪܝܫܝܐ ܀
5Aniga waxaa lay guday maalintii siddeedaad, oo waxaan ahay jinsiga reer binu Israa'iil, oo waxaan ka ahay qabiilka Benyaamiin, oo waxaan ahay Cibraani ka mid ah Cibraaniyada; oo xagga sharcigana waxaan ahay Farrisi;
6ܒܛܢܢܐ ܪܕܘܦܐ ܕܥܕܬܐ ܘܒܙܕܝܩܘܬܐ ܕܢܡܘܤܐ ܕܠܐ ܪܫܝܢ ܗܘܝܬ ܀
6xagga qiiradana waxaan ahaa mid silcin jiray kiniisadda, xagga xaqnimada sharciga ku jirtana waxaan ahaa eedlaawe.
7ܐܠܐ ܗܠܝܢ ܕܝܘܬܪܢܐ ܗܘܝ ܠܝ ܚܘܤܪܢܐ ܚܫܒܬ ܐܢܝܢ ܡܛܠ ܡܫܝܚܐ ܀
7Habase yeeshee waxyaalihii faa'iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey.
8ܐܦ ܚܫܒ ܐܢܐ ܠܗܝܢ ܟܠܗܝܢ ܚܘܤܪܢܐ ܡܛܠ ܪܒܘܬܐ ܕܝܕܥܬܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܪܝ ܗܘ ܕܡܛܠܬܗ ܟܠܡܕܡ ܚܤܪܬ ܘܐܝܟ ܙܒܠܐ ܚܫܒܬ ܕܠܡܫܝܚܐ ܐܬܪ ܀
8Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo
9ܘܐܫܬܟܚ ܒܗ ܟܕ ܠܝܬ ܠܝ ܙܕܝܩܘܬܐ ܕܢܦܫܝ ܗܝ ܕܡܢ ܢܡܘܤܐ ܐܠܐ ܗܝ ܕܡܢ ܗܝܡܢܘܬܐ ܕܡܫܝܚܐ ܕܐܝܬܝܗ ܙܕܝܩܘܬܐ ܕܡܢ ܐܠܗܐ ܀
9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,
10ܕܒܗ ܐܫܬܘܕܥ ܠܝܫܘܥ ܘܠܚܝܠܐ ܕܩܝܡܬܗ ܘܐܫܬܘܬܦ ܒܚܫܘܗܝ ܘܐܬܕܡܐ ܒܡܘܬܗ ܀
10inaan ogaado isaga iyo xoogga sarakiciddiisa iyo wadawadaagidda xanuunsigiisa, anigoo isaga xagga dhimashadiisa ugu ekaanaya,
11ܕܠܡܐ ܐܫܟܚ ܐܡܛܐ ܠܩܝܡܬܐ ܕܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܀
11si kasta ha ahaatee haddii aan gaadhi karo sarakicidda kuwii dhintay.
12ܠܐ ܗܘܐ ܡܢ ܟܕܘ ܢܤܒܬ ܐܘ ܡܢ ܟܕܘ ܐܬܓܡܪܬ ܐܠܐ ܪܗܛ ܐܢܐ ܕܠܡܐ ܐܕܪܟ ܠܡܕܡ ܕܡܛܠܬܗ ܐܕܪܟܢܝ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
12Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay.
13ܐܚܝ ܐܢܐ ܥܠ ܢܦܫܝ ܠܐ ܪܢܐ ܐܢܐ ܕܐܕܪܟܬ ܚܕܐ ܕܝܢ ܝܕܥ ܐܢܐ ܕܕܒܤܬܪܝ ܛܥܐ ܐܢܐ ܘܠܩܕܡܝ ܡܫܬܘܫܛ ܐܢܐ ܀
13Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya.
14ܘܪܗܛ ܐܢܐ ܠܘܩܒܠ ܢܝܫܐ ܕܐܤܒ ܙܟܘܬܐ ܕܩܪܝܢܐ ܕܠܥܠ ܕܐܠܗܐ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
14Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix.
15ܐܝܠܝܢ ܕܓܡܝܪܝܢ ܗܟܝܠ ܗܠܝܢ ܢܬܪܥܘܢ ܘܐܢ ܡܕܡ ܐܚܪܢܝܐܝܬ ܡܬܪܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܦ ܗܕܐ ܐܠܗܐ ܢܓܠܐ ܠܟܘܢ ܀
15Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona.
16ܒܪܡ ܠܗܕܐ ܕܡܛܝܢ ܒܚܕ ܫܒܝܠܐ ܢܫܠܡ ܘܒܚܕܐ ܐܘܝܘܬܐ ܀
16Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno.
17ܐܬܕܡܘ ܒܝ ܐܚܝ ܘܗܘܝܬܘܢ ܡܬܒܩܝܢ ܒܐܝܠܝܢ ܕܗܟܢܐ ܡܗܠܟܝܢ ܐܝܟ ܕܡܘܬܐ ܕܒܢ ܚܙܝܬܘܢ ܀
17Walaalayaalow, idinku kulligiin igu wada dayda, oo u fiirsada kuwa sidaas u socda xataa sidaad annaga masaal noogu haysataan.
18ܐܝܬ ܓܝܪ ܤܓܝܐܐ ܕܐܚܪܢܝܐܝܬ ܡܗܠܟܝܢ ܗܢܘܢ ܕܙܒܢܝܢ ܤܓܝܐܢ ܐܡܪܬ ܠܟܘܢ ܥܠܝܗܘܢ ܗܫܐ ܕܝܢ ܟܕ ܒܟܐ ܐܢܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܗܢܘܢ ܕܒܥܠܕܒܒܐ ܐܢܘܢ ܕܙܩܝܦܗ ܕܡܫܝܚܐ ܀
18Waayo, waxaa jira kuwa badan oo socda oo aan marar badan wax idiinka sheegay, oo aan haddana anigoo ooyaya idiin sheegayo inay yihiin cadaawayaasha iskutallaabta Masiixa,
19ܕܚܪܬܗܘܢ ܐܒܕܢܐ ܗܝ ܗܢܘܢ ܕܐܠܗܗܘܢ ܟܪܤܗܘܢ ܘܬܫܒܘܚܬܗܘܢ ܒܗܬܬܗܘܢ ܗܠܝܢ ܕܬܪܥܝܬܗܘܢ ܒܐܪܥܐ ܗܝ ܀
19oo kuwaas dhammaadkoodu waa halligaad, ilaahooduna waa caloosha, ammaantooduna waxay ku jirtaa ceebtooda, oo waxay ka fikiraan waxyaalaha dunida.
20ܕܝܠܢ ܕܝܢ ܦܘܠܚܢܢ ܒܫܡܝܐ ܗܘ ܘܡܢ ܬܡܢ ܡܤܟܝܢܢ ܠܡܚܝܢܐ ܠܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
20Laakiinse innaga waddaninimadeennu waxay ku jirtaa jannada halkaasoo aynu weliba ka sugayno Badbaadiye kaas oo ah Rabbi Ciise Masiix.Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.
21ܕܗܘ ܢܚܠܦ ܦܓܪܐ ܕܡܘܟܟܢ ܕܢܗܘܐ ܒܕܡܘܬܐ ܕܦܓܪܐ ܕܫܘܒܚܗ ܐܝܟ ܚܝܠܗ ܪܒܐ ܗܘ ܕܒܗ ܟܠ ܐܫܬܥܒܕ ܠܗ ܀
21Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.