1ܓܠܝܢܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܝܗܒ ܠܗ ܐܠܗܐ ܠܡܚܘܝܘ ܠܥܒܕܘܗܝ ܡܐ ܕܝܗܝܒ ܠܡܗܘܐ ܒܥܓܠ ܘܫܘܕܥ ܟܕ ܫܠܚ ܒܝܕ ܡܠܐܟܗ ܠܥܒܕܗ ܝܘܚܢܢ ܀
1Tanu waa muujintii Ciise Masiix oo Ilaah isaga siiyey inuu tuso addoommadiisa waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. Oo isagu wuxuu taas tusay addoonkiisii Yooxanaa isagoo malaa'igtiisa u soo diraya isaga,
2ܗܘ ܕܐܤܗܕ ܠܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܘܠܤܗܕܘܬܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܟܠ ܡܐ ܕܚܙܐ ܀
2kaasoo ka markhaati furay erayga Ilaah iyo markhaatifuridda Ciise Masiix, iyo wixii uu isagu arkay oo dhan.
3ܛܘܒܘܗܝ ܠܡܢ ܕܩܪܐ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܫܡܥܝܢ ܡܠܐ ܕܢܒܝܘܬܐ ܗܕܐ ܘܢܛܪܝܢ ܐܝܠܝܢ ܕܟܬܝܒܢ ܒܗ ܙܒܢܐ ܓܝܪ ܩܪܒ ܀
3Waxaa barakaysan ka akhriya iyo kuwa maqla erayadii wax sii sheegidda, oo xajiya waxyaalaha ku qoran, waayo, wakhtigii wuu dhow yahay.
4ܝܘܚܢܢ ܠܫܒܥ ܥܕܬܐ ܕܒܐܤܝܐ ܛܝܒܘܬܐ ܠܟܘܢ ܘܫܠܡܐ ܡܢ ܗܘ ܕܐܝܬܘܗܝ ܘܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܘܐܬܐ ܘܡܢ ܫܒܥ ܪܘܚܐ ܐܝܠܝܢ ܕܩܕܡ ܟܘܪܤܝܗ ܀
4Anigoo Yooxanaa ah waxaan waxyaalahan u soo qorayaa toddobada kiniisadood oo Aasiya ku yaal. Nimco iyo nabadu ha idiinka yimaadeen kan jira oo jiray oo iman doona, iyo xagga toddobada ruux oo carshigiisa hor jooga,
5ܘܡܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܤܗܕܐ ܡܗܝܡܢܐ ܒܘܟܪܐ ܕܡܝܬܐ ܘܪܫܐ ܕܡܠܟܐ ܕܐܪܥܐ ܗܘ ܕܡܚܒ ܠܢ ܘܫܪܐ ܠܢ ܡܢ ܚܛܗܝܢ ܒܕܡܗ ܀
5iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,
6ܘܥܒܕ ܠܢ ܡܠܟܘܬܐ ܟܗܢܝܬܐ ܠܐܠܗܐ ܘܐܒܘܗܝ ܘܠܗ ܬܫܒܘܚܬܐ ܘܐܘܚܕܢܐ ܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܐܡܝܢ ܀
6oo boqortooyo inaga dhigay inaynu wadaaddo u ahaanno Ilaaha ah Aabbihiis, isaga ammaanu ha u ahaato iyo dowladnimo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.
7ܗܐ ܐܬܐ ܥܡ ܥܢܢܐ ܘܢܚܙܝܢܝܗܝ ܟܠ ܥܝܢܐ ܘܐܦ ܐܝܠܝܢ ܕܕܩܪܘܗܝ ܘܢܪܩܕܢ ܥܠܘܗܝ ܟܠ ܫܪܒܬܐ ܕܐܪܥܐ ܐܝܢ ܘܐܡܝܢ ܀
7Bal eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga arki doona il kasta iyo kuwii isaga wareemay; oo qabiilooyinka dhulka oo dhammuna isagay u barooran doonaan. Haah, saas ha ahaato. Aamiin.
8ܐܢܐ ܐܠܦ ܘܬܘ ܐܡܪ ܡܪܝܐ ܐܠܗܐ ܗܘ ܕܐܝܬܘܗܝ ܘܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܘܐܬܐ ܗܘ ܕܐܚܝܕ ܟܠ ܀
8Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, oo ah kan jira oo jiray oo iman doona, iyo Qaadirka.
9ܐܢܐ ܝܘܚܢܢ ܗܘ ܐܚܘܟܘܢ ܘܒܪ ܫܘܬܦܟܘܢ ܒܐܘܠܨܢܐ ܘܒܡܤܝܒܪܢܘܬܐ ܕܒܝܫܘܥ ܗܘܝܬ ܒܓܙܪܬܐ ܕܡܬܩܪܝܐ ܦܛܡܘܤ ܡܛܠ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܘܡܛܠ ܤܗܕܘܬܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
9Anigoo Yooxanaa ah oo walaalkiin ah iyo mid idinkala qayb galay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada ku jira Ciise, waxaan gasiiradda Batmos la yidhaahdo u joogay erayga Ilaah iyo u markhaatifuridda Ciise aawadood.
10ܘܗܘܝܬ ܒܪܘܚ ܒܝܘܡܐ ܕܚܕܒܫܒܐ ܘܫܡܥܬ ܡܢ ܒܤܬܪܝ ܩܠܐ ܪܒܐ ܐܝܟ ܫܝܦܘܪܐ ܀
10Maalintii Rabbiga waxaan ku jiray Ruuxa, oo waxaan meel iga dambaysa ka maqlay cod weyn oo ah sidii buun oo leh,
11ܕܐܡܪ ܐܝܠܝܢ ܕܚܙܝܬ ܟܬܘܒ ܒܟܬܒܐ ܘܫܕܪ ܠܫܒܥ ܥܕܬܐ ܠܐܦܤܘܤ ܘܠܙܡܘܪܢܐ ܘܠܦܪܓܡܘܤ ܘܠܬܐܘܛܝܪܐ ܘܠܤܪܕܝܤ ܘܠܦܝܠܕܠܦܝܐ ܘܠܠܕܝܩܝܐ ܀
11Wixii aad aragtid buug ku qor, oo waxaad u sii dirtaa toddobada kiniisadood; kuwaas oo ah tan Efesos, iyo tan Simurna, iyo tan Bergamos, iyo tan Tu'ateyra, iyo tan Sardis, iyo tan Filadelfiya, iyo tan La'odikiya.
12ܘܗܦܟܬ ܠܡܕܥ ܩܠܐ ܐܝܢܐ ܕܡܠܠ ܥܡܝ ܘܟܕ ܥܛܦܬ ܚܙܝܬ ܫܒܥ ܡܢܪܢ ܕܕܗܒܐ ܀
12Oo anna dib baan u jeestay inaan arko codkii ila hadlay, oo markii aan dib u jeestay waxaan arkay toddoba laambadood oo dahab ah.
13ܘܒܡܨܥܬܐ ܕܡܢܪܬܐ ܐܝܟ ܕܡܘܬܐ ܕܒܪܢܫܐ ܘܠܒܝܫ ܐܦܘܕܐ ܘܐܤܝܪ ܨܝܕ ܬܕܘܗܝ ܐܤܪܐ ܕܕܗܒܐ ܀
13Oo laambadaha badhtankooda waxaan ku arkay mid u eg bini-aadan oo qaba khamiis dheer, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suun dahab ah.
14ܪܫܗ ܕܝܢ ܘܤܥܪܗ ܚܘܪ ܐܝܟ ܥܡܪܐ ܘܐܝܟ ܬܠܓܐ ܘܥܝܢܘܗܝ ܐܝܟ ܫܠܗܒܝܬܐ ܕܢܘܪܐ ܀
14Oo madaxiisa iyo timihiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis,
15ܘܪܓܠܘܗܝ ܒܕܡܘܬܐ ܕܢܚܫܐ ܠܒܢܝܐ ܕܡܚܡ ܒܐܬܘܢܐ ܘܩܠܗ ܐܝܟ ܩܠܐ ܕܡܝܐ ܤܓܝܐܐ ܀
15oo cagihiisuna waxay u ekaayeen naxaas dhalaalaysa sidii iyadoo foorno lagu safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa codka biyo badan.
16ܘܐܝܬ ܠܗ ܒܐܝܕܗ ܕܝܡܝܢܐ ܫܒܥܐ ܟܘܟܒܝܢ ܘܡܢ ܦܘܡܗ ܢܦܩܐ ܪܘܡܚܐ ܚܪܝܦܬܐ ܘܚܙܬܗ ܐܝܟ ܫܡܫܐ ܡܚܘܝܐ ܒܚܝܠܗ ܀
16Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa.
17ܘܟܕ ܚܙܝܬܗ ܢܦܠܬ ܥܠ ܪܓܠܘܗܝ ܐܝܟ ܡܝܬܐ ܘܤܡ ܥܠܝ ܐܝܕܗ ܕܝܡܝܢܐ ܠܡܐܡܪ ܠܐ ܬܕܚܠ ܕܐܢܐ ܐܝܬܝ ܩܕܡܝܐ ܘܐܚܪܝܐ ܀
17Oo markii aan arkay ayaan ku hor dhacay sidii mid dhintay. Oo markaasuu gacantiisii midigta ahayd i saaray, oo wuxuu igu yidhi, Ha cabsan. Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya,
18ܘܕܚܝ ܘܕܡܝܬܐ ܗܘܝܬ ܘܗܐ ܚܝܐ ܐܝܬܝ ܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܐܡܝܢ ܘܐܝܬ ܠܝ ܩܠܝܕܐ ܕܡܘܬܐ ܘܕܫܝܘܠ ܀
18iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo Haadees.
19ܟܬܘܒ ܗܟܝܠ ܡܐ ܕܚܙܝܬ ܘܐܝܠܝܢ ܕܐܝܬܝܗܝܢ ܘܥܬܝܕܢ ܠܡܗܘܐ ܒܬܪ ܗܠܝܢ ܀
19Haddaba waxaad qortaa waxyaalahaad aragtay iyo waxyaalaha hadda jira iyo waxyaalaha hadda ka dib dhici doona.Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood.
20ܐܪܙܐ ܕܫܒܥܐ ܟܘܟܒܝܢ ܐܝܠܝܢ ܕܚܙܝܬ ܥܠ ܝܡܝܢܝ ܘܫܒܥ ܡܢܪܬܐ ܫܒܥܐ ܟܘܟܒܝܢ ܡܠܐܟܐ ܕܫܒܥ ܥܕܬܐ ܐܝܬܝܗܘܢ ܘܡܢܪܬܐ ܫܒܥ ܕܕܗܒܐ ܐܝܠܝܢ ܕܚܙܝܬ ܫܒܥ ܐܢܝܢ ܥܕܬܐ ܀
20Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood.