1ܘܚܙܝܬ ܐܚܪܢܐ ܡܠܐܟܐ ܕܢܚܬ ܡܢ ܫܡܝܐ ܘܡܥܛܦ ܥܢܢܐ ܘܩܫܬܐ ܕܫܡܝܐ ܥܠ ܪܫܗ ܘܚܙܘܗ ܐܝܟ ܫܡܫܐ ܘܪܓܠܘܗܝ ܐܝܟ ܥܡܘܕܐ ܕܢܘܪܐ ܀
1Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,
2ܘܐܝܬ ܠܗ ܒܐܝܕܗ ܟܬܒܘܢܐ ܦܬܝܚܐ ܘܤܡ ܪܓܠܗ ܕܝܡܝܢܐ ܥܠ ܝܡܐ ܕܤܡܠܐ ܕܝܢ ܥܠ ܐܪܥܐ ܀
2oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka,
3ܘܩܥܐ ܒܩܠܐ ܪܡܐ ܐܝܟ ܐܪܝܐ ܕܓܤܪ ܘܟܕ ܩܥܐ ܡܠܠܘ ܫܒܥܐ ܪܥܡܝܢ ܒܩܠܝܗܘܢ ܀
3oo markaasay ku dhawaaqday cod weyn oo u eg libaax ciyaya, oo markay qaylisay ayaa toddobadii onkodba onkodeen.
4ܘܟܕ ܡܠܠܘ ܫܒܥܐ ܪܥܡܝܢ ܡܛܝܒ ܗܘܝܬ ܠܡܟܬܒ ܘܫܡܥܬ ܩܠܐ ܡܢ ܫܡܝܐ ܕܫܒܥܐ ܕܐܡܪ ܚܬܘܡ ܗܘ ܡܐ ܕܡܠܠܘ ܫܒܥܐ ܪܥܡܝܢ ܘܠܐ ܬܟܬܒܝܘܗܝ ܀
4Oo markii toddobadii onkod onkodeen, waxaan ku dhowaa inaan wax qoro; markaasaan maqlay cod samada ka leh, Shaabad ku xidh waxyaalaha toddobada onkod ay ku onkodeen, oo ha qorin.
5ܘܡܠܐܟܐ ܗܘ ܕܚܙܝܬ ܕܩܐܡ ܥܠ ܝܡܐ ܘܥܠ ܝܒܫܐ ܕܐܪܝܡ ܐܝܕܗ ܠܫܡܝܐ ܀
5Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay,
6ܘܝܡܐ ܒܗܘ ܕܚܝ ܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܗܘ ܕܒܪܗ ܠܫܡܝܐ ܘܕܒܗ ܘܠܐܪܥܐ ܘܕܒܗ ܕܬܘܒ ܙܒܢܐ ܠܐ ܢܗܘܐ ܀
6oo inaan wakhti mar dambe jirayn ayay ugu dhaaratay kan weligiis iyo weligiisba nool, oo abuuray samada iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo dhulka iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo badda iyo waxyaalaha ku dhex jiraba.
7ܐܠܐ ܒܝܘܡܬܐ ܕܡܠܐܟܐ ܕܫܒܥܐ ܡܐ ܕܥܬܝܕ ܠܡܙܥܩ ܘܐܫܬܠܡ ܐܪܙܗ ܕܐܠܗܐ ܗܘ ܕܤܒܪ ܠܥܒܕܘܗܝ ܢܒܝܐ ܀
7Laakiinse wakhtiga codka malaa'igta toddobaad markay ku dhow dahay inay ka dhawaajiso ayaa waxaa dhammaan doona qarsoodiga Ilaah siduu ugu bishaareeyey nebiyadii addoommadiisa ahaa.
8ܘܩܠܐ ܫܡܥܬ ܡܢ ܫܡܝܐ ܬܘܒ ܕܡܡܠܠ ܥܡܝ ܘܐܡܪ ܙܠ ܤܒ ܠܟܬܒܘܢܐ ܕܒܐܝܕܗ ܕܡܠܐܟܐ ܕܩܐܡ ܥܠ ܐܪܥܐ ܘܥܠ ܝܡܐ ܀
8Oo haddana waxaan mar kale maqlay codkii aan samada ka maqlay oo igu leh, Tag oo qaado buugga furan oo ku jira gacanta malaa'igta ku taagan badda iyo dhulka.
9ܘܐܙܠܬ ܠܘܬ ܡܠܐܟܐ ܟܕ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܗ ܠܡܬܠ ܠܝ ܠܟܬܒܘܢܐ ܘܐܡܪ ܠܝ ܤܒ ܘܐܟܘܠܝܗܝ ܘܢܡܪ ܠܟ ܟܪܤܟ ܐܠܐ ܒܦܘܡܟ ܢܗܘܐ ܐܝܟ ܕܒܫܐ ܀
9Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale.
10ܘܢܤܒܬ ܠܟܬܒܘܢܐ ܡܢ ܐܝܕܗ ܕܡܠܐܟܐ ܘܐܟܠܬܗ ܘܐܝܬ ܗܘܐ ܒܦܘܡܝ ܐܝܟ ܕܒܫܐ ܚܠܝܐ ܘܟܕ ܐܟܠܬܗ ܡܪܬ ܟܪܤܝ ܀
10Markaasaan buuggii yaraa ka qaatay malaa'igta gacanteedii, waanan cunay, oo intuu afkayga ku jiray wuxuu u macaanaa sida malab oo kale; oo markii aan cunay ayaa calooshaydii qadhaadh noqotay.Oo iyana waxay igu tidhi. Waa inaad mar kale wax ka sii sheegtid dad badan iyo quruumo badan iyo afaf badan iyo boqorro badan.
11ܘܐܡܪ ܠܝ ܝܗܝܒ ܠܟ ܬܘܒ ܙܒܢܐ ܠܡܬܢܒܝܘ ܥܠ ܥܡܡܐ ܘܐܡܘܬܐ ܘܠܫܢܐ ܘܡܠܟܐ ܤܓܝܐܐ ܀
11Oo iyana waxay igu tidhi. Waa inaad mar kale wax ka sii sheegtid dad badan iyo quruumo badan iyo afaf badan iyo boqorro badan.