Syriac: NT

Somali

Revelation

22

1ܘܚܘܝܢܝ ܢܗܪܐ ܕܡܝܐ ܚܝܐ ܕܟܝܐ ܐܦ ܢܗܝܪܐ ܐܝܟ ܓܠܝܕܐ ܘܢܦܩ ܡܢ ܟܘܪܤܝܗ ܕܐܠܗܐ ܘܕܐܡܪܐ ܀
1Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,
2ܘܡܨܥܬ ܫܘܩܝܗ ܡܟܐ ܘܡܟܐ ܥܠ ܢܗܪܐ ܩܝܤܐ ܕܚܝܐ ܕܥܒܕ ܦܐܪܐ ܬܪܥܤܪ ܘܒܟܠ ܝܪܚ ܝܗܒ ܦܐܪܘܗܝ ܘܛܪܦܘܗܝ ܠܐܤܝܘܬܐ ܕܥܡܡܐ ܀
2iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin.
3ܘܟܠ ܚܪܡܐ ܠܐ ܢܗܘܐ ܬܡܢ ܘܟܘܪܤܝܗ ܕܐܠܗܐ ܘܕܐܡܪܐ ܒܗ ܢܗܘܐ ܘܥܒܕܘܗܝ ܢܫܡܫܘܢܝܗܝ ܀
3Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan,
4ܘܢܚܙܘܢ ܐܦܘܗܝ ܘܫܡܗ ܥܠ ܒܝܬ ܥܝܢܝܗܘܢ ܀
4oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda.
5ܘܠܠܝܐ ܠܐ ܢܗܘܐ ܬܡܢ ܘܠܐ ܢܬܒܥܐ ܠܗܘܢ ܢܘܗܪܐ ܘܫܪܓܐ ܘܢܘܗܪܗ ܕܫܡܫܐ ܡܛܠ ܕܡܪܝܐ ܐܠܗܐ ܡܢܗܪ ܠܗܘܢ ܘܡܠܟܗܘܢ ܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܀
5Oo mar dambe habeen ma jiri doono, oo iyana uma baahnaan doonaan laambad iftiinkeed iyo iftiinka qorraxda toona; waayo, waxaa iyaga iftiimin doona Rabbiga Ilaaha ah, oo iyana waxay talin doonaan weligood iyo weligood.
6ܘܐܡܪ ܠܝ ܗܠܝܢ ܡܠܐ ܡܗܝܡܢܢ ܘܫܪܝܪܢ ܘܡܪܝܐ ܐܠܗܐ ܕܪܘܚܬܐ ܕܢܒܝܐ ܩܕܝܫܐ ܫܕܪ ܠܡܠܐܟܗ ܠܡܚܘܝܘ ܠܥܒܕܘܗܝ ܡܐ ܕܝܗܝܒ ܠܡܗܘܐ ܒܥܓܠ ܀
6Oo markaasay malaa'igtii waxay igu tidhi, Erayadanu waa aamin iyo run; oo Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada nebiyada ayaa malaa'igtiisii u soo diray inuu addoommadiisa tuso waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan.
7ܘܗܐ ܐܬܐ ܐܢܐ ܒܥܓܠ ܛܘܒܘܗܝ ܠܡܢ ܕܢܛܪ ܡܠܐ ܕܢܒܝܘܬܐ ܕܟܬܒܐ ܗܢܐ ܀
7Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba waxaa barakaysan kii xajiya erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray.
8ܐܢܐ ܝܘܚܢܢ ܕܚܙܐ ܘܫܡܥ ܗܠܝܢ ܘܟܕ ܚܙܝܬ ܘܫܡܥܬ ܢܦܠܬ ܠܡܤܓܕ ܩܕܡ ܪܓܠܘܗܝ ܕܡܠܐܟܐ ܕܡܚܘܐ ܠܝ ܗܠܝܢ ܀
8Anigoo Yooxanaa ah waxaan ahay kii maqlay oo arkay waxyaalahan. Oo markii aan maqlay oo aan arkay, ayaan ku hor dhacay cagihii malaa'igtii i tustay waxyaalahan, si aan u caabudo.
9ܘܐܡܪ ܠܝ ܚܙܝ ܠܐ ܟܢܬܟ ܐܝܬܝ ܘܕܐܚܝܟ ܢܒܝܐ ܘܕܐܝܠܝܢ ܕܢܛܪܝܢ ܗܠܝܢ ܡܠܐ ܕܟܬܒܐ ܗܢܐ ܠܐܠܗܐ ܤܓܘܕ ܀
9Oo haddana waxay igu tidhi, Iska jir oo saas ha yeelin, waayo, anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo nebiyada walaalaha ah iyo kuwa xajiya erayada kitaabkan; haddaba Ilaah caabud.
10ܘܐܡܪ ܠܝ ܠܐ ܬܚܬܘܡ ܡܠܐ ܕܢܒܝܘܬܐ ܕܟܬܒܐ ܗܢܐ ܙܒܢܐ ܓܝܪ ܩܪܒ ܀
10Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay.
11ܘܕܡܥܘܠ ܬܘܒ ܢܥܘܠ ܘܕܨܥ ܬܘܒ ܢܨܛܥܨܥ ܘܙܕܝܩܐ ܬܘܒ ܢܥܒܕ ܙܕܝܩܘܬܐ ܘܩܕܝܫܐ ܬܘܒ ܢܬܩܕܫ ܀
11Oo kii xaqdaranu xaqdarro ha sii sameeyo; oo kii nijaas ahna nijaas ha laga sii dhigo; kii xaq ahuna xaqnimo ha sii sameeyo; kii quduus ahuna quduus ha laga sii dhigo.
12ܗܐ ܐܬܐ ܐܢܐ ܡܚܕܐ ܘܐܓܪܝ ܥܡܝ ܘܐܬܠ ܠܟܠܢܫ ܐܝܟ ܥܒܕܗ ܀
12Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay.
13ܐܢܐ ܐܠܦ ܘܐܢܐ ܬܘ ܩܕܡܝܐ ܘܐܚܪܝܐ ܘܫܘܪܝܐ ܘܫܘܠܡܐ ܀
13Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhammaadka.
14ܛܘܒܝܗܘܢ ܠܕܥܒܕܝܢ ܦܘܩܕܢܘܗܝ ܢܗܘܐ ܫܘܠܛܢܗܘܢ ܥܠ ܩܝܤܐ ܕܚܝܐ ܘܒܬܪܥܐ ܢܥܠܘܢ ܠܡܕܝܢܬܐ ܀
14Haddaba waxaa barakaysan kuwa khamiisyadooda maydha, si ay amar ugu lahaadaan inay u yimaadaan geedka nolosha, oo ay magaalada irdaha ka soo galaan.
15ܘܙܢܝܐ ܘܩܛܘܠܐ ܘܦܠܚܝ ܦܬܟܪܐ ܠܒܪ ܘܛܡܐܐ ܘܚܪܫܐ ܘܟܠ ܚܙܝܝ ܘܥܒܕܝ ܕܓܠܘܬܐ ܀
15Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega.
16ܐܢܐ ܝܫܘܥ ܫܕܪܬ ܠܡܠܐܟܝ ܕܢܤܗܕ ܒܟܘܢ ܗܠܝܢ ܩܕܡ ܥܕܬܐ ܐܢܐ ܐܢܐ ܥܩܪܐ ܘܫܪܒܬܗ ܕܕܘܝܕ ܘܥܡܗ ܘܟܘܟܒ ܨܦܪܐ ܢܗܝܪܐ ܀
16Oo anigoo Ciise ah ayaan malaa'igtaydii u soo diray inay waxyaalahan idiinku markhaati furto kiniisadaha aawadood. Anigu waxaan ahay xididkii iyo farcankii Daa'uud, iyo xiddigta waaberi oo dhalaalaysa.
17ܘܪܘܚܐ ܘܟܠܬܐ ܐܡܪܝܢ ܬܐ ܘܕܫܡܥ ܢܐܡܪ ܬܐ ܘܕܨܗܐ ܢܐܬܐ ܘܢܤܒ ܡܝܐ ܚܝܐ ܡܓܢ ܀
17Ruuxa iyo aroosadduba waxay yidhaahdaan, Kaalay. Oo kii maqlaana ha yidhaahdo, Kaalay. Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.
18ܡܤܗܕ ܐܢܐ ܠܟܠ ܕܫܡܥ ܡܠܬܐ ܕܢܒܝܘܬܐ ܕܟܬܒܐ ܗܢܐ ܕܐܝܢܐ ܕܢܤܝܡ ܥܠܝܗܝܢ ܢܤܝܡ ܥܠܘܗܝ ܐܠܗܐ ܡܚܘܬܐ ܕܟܬܝܒܢ ܒܟܬܒܐ ܗܢܐ ܀
18Oo anigu waxaan ku idhaahdaa nin kasta oo maqla erayadii wax sii sheegidda ee kitaabkan lagu qoray, Haddii nin wax ku daro iyaga, Ilaah wuxuu isaga ku dari doonaa belaayooyinka kitaabkan ku qoran;
19ܘܐܝܢܐ ܕܡܒܨܪ ܡܢ ܡܠܐ ܕܟܬܒܐ ܕܢܒܝܘܬܐ ܗܕܐ ܢܒܨܪ ܐܠܗܐ ܡܢܬܗ ܡܢ ܩܝܤܐ ܕܚܝܐ ܘܡܢ ܡܕܝܢܬܐ ܩܕܝܫܬܐ ܐܝܠܝܢ ܕܟܬܝܒܢ ܒܟܬܒܐ ܗܢܐ ܀
19oo haddii nin wax ka qaado erayadii kitaabka wax sii sheegiddan, isna Ilaah baa qaybtiisa ka qaadi doona geedka nolosha iyo magaalada quduuska ah iyo waxyaalaha kitaabkan ku qoran.
20ܐܡܪ ܟܕ ܡܤܗܕ ܗܠܝܢ ܐܝܢ ܐܬܐ ܐܢܐ ܒܥܓܠ ܬܐ ܡܪܝܐ ܝܫܘܥ ܀
20Haddaba kan waxyaalahan ka markhaati furayaa, wuxuu leeyahay, Haah, anigu dhaqsaan u imanayaa. Aamiin, Rabbi Ciisow, kaalay.Nimcada Rabbi Ciise ha la jirto quduusiinta oo dhan. Aamiin.
21
21Nimcada Rabbi Ciise ha la jirto quduusiinta oo dhan. Aamiin.