Syriac: NT

Somali

Revelation

3

1ܘܠܡܠܐܟܐ ܕܒܥܕܬܐ ܕܤܪܕܝܤ ܟܬܘܒ ܗܟܢܐ ܐܡܪ ܗܘ ܕܐܝܬ ܠܗ ܫܒܥ ܪܘܚܝܢ ܕܐܠܗܐ ܘܫܒܥܐ ܟܘܟܒܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܥܒܕܝܟ ܘܫܡܐ ܕܐܝܬ ܠܟ ܘܕܚܝܐ ܐܢܬ ܘܕܡܝܬܐ ܐܢܬ ܀
1Kiniisadda Sardis ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
2ܘܗܘܝ ܥܝܪܐ ܘܩܝܡ ܕܫܪܟܐ ܕܐܝܠܝܢ ܕܥܬܝܕ ܗܘܝܬ ܠܡܡܬ ܠܐ ܓܝܪ ܐܫܟܚܬܟ ܕܡܫܡܠܝܢ ܥܒܕܝܟ ܩܕܡ ܐܠܗܐ ܀
2Haddaba soo jeed, oo adkee waxyaalaha kuu hadhay oo dhimashada ku dhow; waayo, shuqulladaadii ma aan helin iyagoo kaamil ku ah Ilaahayga hortiisa.
3ܐܬܕܟܪ ܐܝܟܢ ܫܡܥܬ ܘܢܤܒܬ ܐܙܕܗܪ ܘܬܘܒ ܘܐܢܕܝܢ ܠܐ ܬܬܥܝܪ ܐܬܐ ܐܢܐ ܥܠܝܟ ܐܝܟ ܓܢܒܐ ܘܠܐ ܬܕܥ ܐܝܕܐ ܫܥܬܐ ܐܬܐ ܥܠܝܟ ܀
3Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobad keen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.
4ܐܠܐ ܐܝܬ ܠܝ ܩܠܝܠ ܫܡܗܐ ܒܤܪܕܝܤ ܐܝܠܝܢ ܕܠܐ ܛܘܫܘ ܡܐܢܝܗܘܢ ܘܡܗܠܟܝܢ ܩܕܡܝ ܒܚܘܪܐ ܘܫܘܝܢ ܐܢܘܢ ܀
4Laakiinse waxaad Sardis ku leedahay dhawr qof oo aan dharkooda nijaasayn; oo anigay ila socon doonaan iyagoo dhar cad qaba; maxaa yeelay, way istaahilaan.
5ܕܙܟܐ ܗܟܢܐ ܡܬܥܛܦ ܡܐܢܐ ܚܘܪܐ ܘܠܐ ܐܠܚܐ ܫܡܗ ܡܢ ܤܦܪܐ ܕܚܝܐ ܘܐܘܕܐ ܒܫܡܗ ܩܕܡ ܐܒܝ ܘܩܕܡ ܡܠܐܟܘܗܝ ܀
5Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda.
6ܐܝܢܐ ܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܢܫܡܥ ܡܢܐ ܪܘܚܐ ܡܡܠܠ ܠܥܕܬܐ ܀
6Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
7ܘܠܡܠܐܟܐ ܕܥܕܬܐ ܕܦܝܠܕܠܦܝܐ ܟܬܘܒ ܗܟܢܐ ܐܡܪ ܩܕܝܫܐ ܫܪܝܪܐ ܗܘ ܕܐܝܬ ܠܗ ܩܠܝܕܐ ܕܕܘܝܕ ܐܝܢܐ ܕܦܬܚ ܘܠܝܬ ܕܐܚܕ ܘܐܚܕ ܘܠܝܬ ܕܦܬܚ ܀
7Kiniisadda Filadelfiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
8ܝܕܥ ܐܢܐ ܥܒܕܝܟ ܘܗܐ ܝܗܒܬ ܩܕܡܝܟ ܬܪܥܐ ܦܬܝܚܐ ܐܝܢܐ ܕܠܐ ܐܢܫ ܡܨܐ ܠܡܐܚܕܗ ܡܛܠ ܕܩܠܝܠ ܚܝܠܐ ܐܝܬ ܠܟ ܘܡܠܬܝ ܢܛܪܬ ܘܒܫܡܝ ܠܐ ܟܦܪܬ ܀
8Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay wuxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.
9ܘܗܐ ܝܗܒ ܐܢܐ ܡܢ ܟܢܘܫܬܐ ܕܤܛܢܐ ܡܢ ܐܝܠܝܢ ܕܐܡܪܝܢ ܥܠ ܢܦܫܗܘܢ ܕܝܗܘܕܝܐ ܐܢܘܢ ܘܠܐ ܐܝܬܝܗܘܢ ܐܠܐ ܡܕܓܠܝܢ ܗܐ ܐܥܒܕ ܠܗܘܢ ܕܢܐܬܘܢ ܘܢܤܓܕܘܢ ܩܕܡ ܪܓܠܝܟ ܘܢܕܥܘܢ ܕܐܢܐ ܐܚܒܬܟ ܀
9Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.
10ܥܠ ܕܢܛܪܬ ܡܠܬܐ ܕܡܤܝܒܪܢܘܬܝ ܘܐܢܐ ܐܛܪܟ ܡܢ ܢܤܝܘܢܐ ܕܥܬܝܕ ܕܢܐܬܐ ܥܠ ܟܠܗ ܬܐܒܝܠ ܕܢܢܤܐ ܠܥܡܘܪܝܗ ܕܐܪܥܐ ܀
10Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.
11ܐܬܐ ܐܢܐ ܡܚܕܐ ܐܚܘܕ ܗܘ ܡܐ ܕܐܝܬ ܠܟ ܕܠܐ ܐܢܫ ܢܤܒ ܟܠܝܠܟ ܀
11Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.
12ܘܕܙܟܐ ܐܥܒܕܗ ܥܡܘܕܐ ܒܗܝܟܠܐ ܕܐܠܗܐ ܘܠܒܪ ܠܐ ܢܦܘܩ ܬܘܒ ܘܐܟܬܘܒ ܥܠܘܗܝ ܫܡܐ ܕܐܠܗܝ ܘܫܡܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܚܕܬܐ ܐܘܪܫܠܡ ܐܝܕܐ ܕܢܚܬܐ ܡܢ ܐܠܗܝ ܘܫܡܐ ܕܝܠܝ ܚܕܬܐ ܀
12Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.
13ܘܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܢܫܡܥ ܡܢܐ ܪܘܚܐ ܡܡܠܠ ܠܥܕܬܐ ܀
13Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
14ܘܠܡܠܐܟܐ ܕܥܕܬܐ ܕܠܐܝܕܝܩܝܐ ܟܬܘܒ ܗܟܢܐ ܐܡܪ ܐܡܝܢ ܤܗܕܐ ܡܗܝܡܢܐ ܘܫܪܝܪܐ ܘܪܫܝܬܐ ܕܒܪܝܬܗ ܕܐܠܗܐ ܀
14Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
15ܝܕܥ ܐܢܐ ܥܒܕܝܟ ܠܐ ܩܪܝܪܐ ܐܢܬ ܘܠܐ ܚܡܝܡܐ ܕܘܠܐ ܗܘܐ ܕܐܘ ܩܪܝܪܐ ܬܗܘܐ ܐܘ ܚܡܝܡܐ ܀
15Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood.
16ܘܐܝܬܝܟ ܦܫܘܪܐ ܘܠܐ ܩܪܝܪܐ ܘܠܐ ܚܡܝܡܐ ܥܬܝܕ ܐܢܐ ܠܡܬܒܘܬܟ ܡܢ ܦܘܡܝ ܀
16Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa.
17ܡܛܠ ܕܐܡܪܬ ܕܥܬܝܪܐ ܐܢܬ ܘܥܬܪܬ ܘܥܠ ܡܕܡ ܠܐ ܤܢܝܩ ܐܢܐ ܘܠܐ ܝܕܥ ܐܢܬ ܕܐܢܬ ܗܘ ܡܚܝܠܐ ܘܕܘܝܐ ܘܡܤܟܢܐ ܘܥܪܛܠܝܐ ܀
17Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.
18ܡܠܟ ܐܢܐ ܠܟ ܕܬܙܒܢ ܡܢܝ ܕܗܒܐ ܕܒܚܝܪ ܡܢ ܢܘܪܐ ܕܬܥܬܪ ܘܡܐܢܐ ܚܘܪܐ ܠܡܬܥܛܦܘ ܘܠܐ ܬܬܓܠܐ ܒܗܬܬܐ ܕܥܪܛܠܝܘܬܟ ܘܫܝܦܐ ܟܚܘܠ ܕܬܚܙܐ ܀
18Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid.
19ܐܢܐ ܠܐܝܠܝܢ ܕܪܚܡ ܐܢܐ ܡܟܤ ܐܢܐ ܘܪܕܐ ܐܢܐ ܛܢ ܗܟܝܠ ܘܬܘܒ ܀
19In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobad keen.
20ܗܐ ܩܡܬ ܥܠ ܬܪܥܐ ܘܐܩܘܫ ܐܢ ܐܢܫ ܫܡܥ ܒܩܠܝ ܘܢܦܬܚ ܬܪܥܐ ܘܐܥܘܠ ܘܐܚܫܡ ܥܡܗ ܘܗܘ ܥܡܝ ܀
20Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.
21ܘܕܙܟܐ ܐܬܠ ܠܗ ܠܡܬܒ ܥܡܝ ܥܠ ܟܘܪܤܝܐ ܕܝܠܝ ܐܝܟܢܐ ܕܐܢܐ ܙܟܝܬ ܘܝܬܒܬ ܥܡ ܐܒܝ ܥܠ ܟܘܪܤܝܐ ܕܝܠܗ ܀
21Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa.Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
22ܡܢ ܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܢܫܡܥ ܡܢܐ ܪܘܚܐ ܡܡܠܠ ܠܥܕܬܐ ܀
22Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.