1ܒܥܢܐ ܗܟܝܠ ܡܢܟܘܢ ܐܚܝ ܒܪܚܡܘܗܝ ܕܐܠܗܐ ܕܬܩܝܡܘܢ ܦܓܪܝܟܘܢ ܕܒܚܬܐ ܚܝܬܐ ܘܩܕܝܫܬܐ ܘܡܩܒܠܬܐ ܠܐܠܗܐ ܒܬܫܡܫܬܐ ܡܠܝܠܬܐ ܀
1Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.
2ܘܠܐ ܬܬܕܡܘܢ ܠܥܠܡܐ ܗܢܐ ܐܠܐ ܐܫܬܚܠܦܘ ܒܚܘܕܬܐ ܕܪܥܝܢܝܟܘܢ ܘܗܘܝܬܘܢ ܦܪܫܝܢ ܐܝܢܐ ܗܘ ܨܒܝܢܐ ܕܐܠܗܐ ܛܒܐ ܘܡܩܒܠܐ ܘܓܡܝܪܐ ܀
2Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.
3ܐܡܪ ܐܢܐ ܕܝܢ ܒܛܝܒܘܬܐ ܕܐܬܝܗܒܬ ܠܝ ܠܟܠܟܘܢ ܕܠܐ ܬܗܘܘܢ ܡܬܪܥܝܢ ܠܒܪ ܡܢ ܡܐ ܕܘܠܐ ܕܬܬܪܥܘܢ ܐܠܐ ܬܗܘܘܢ ܡܬܪܥܝܢ ܒܢܟܦܘܬܐ ܟܠܢܫ ܐܝܟ ܕܦܠܓ ܠܗ ܐܠܗܐ ܗܝܡܢܘܬܐ ܒܡܫܘܚܬܐ ܀
3Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah.
4ܐܝܟܢܐ ܓܝܪ ܕܒܚܕ ܦܓܪܐ ܗܕܡܐ ܤܓܝܐܐ ܐܝܬ ܠܢ ܘܟܠܗܘܢ ܗܕܡܐ ܠܐ ܗܘܐ ܚܕ ܤܘܥܪܢܐ ܐܝܬ ܠܗܘܢ ܀
4Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,
5ܗܟܢܐ ܐܦ ܚܢܢ ܕܤܓܝܐܐ ܚܢܢ ܚܕ ܚܢܢ ܦܓܪ ܒܡܫܝܚܐ ܚܕ ܚܕ ܡܢܢ ܕܝܢ ܗܕܡܐ ܚܢܢ ܕܚܕܕܐ ܀
5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.
6ܐܠܐ ܐܝܬ ܠܢ ܡܘܗܒܬܐ ܡܫܚܠܦܬܐ ܐܝܟ ܛܝܒܘܬܐ ܕܐܬܝܗܒܬ ܠܢ ܐܝܬ ܕܢܒܝܘܬܐ ܐܝܟ ܡܫܘܚܬܐ ܕܗܝܡܢܘܬܗ ܀
6Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna.
7ܘܐܝܬ ܕܬܫܡܫܬܐ ܐܝܬ ܠܗ ܒܬܫܡܫܬܗ ܘܐܝܬ ܕܡܠܦܢܐ ܗܘ ܒܝܘܠܦܢܗ ܀
7Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;
8ܘܐܝܬ ܕܡܒܝܐܢܐ ܗܘ ܒܒܘܝܐܗ ܘܕܝܗܒ ܒܦܫܝܛܘܬܐ ܘܕܩܐܡ ܒܪܫܐ ܒܚܦܝܛܘܬܐ ܘܕܡܪܚܡ ܒܦܨܝܚܘܬܐ ܀
8kii wax waaniyaana, si fiican wax ha u waaniyo; kii wax bixiyaana, deeqsinimo wax ha u bixiyo; kii wax u taliyaana, dadaal wax ha ugu taliyo; kii wax u naxariistaana, farxad wax ha ugu naxariisto.
9ܘܠܐ ܢܗܘܐ ܢܟܝܠ ܚܘܒܟܘܢ ܐܠܐ ܗܘܝܬܘܢ ܤܢܝܢ ܠܒܝܫܬܐ ܘܡܬܢܩܦܝܢ ܠܛܒܬܐ ܀
9Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.
10ܗܘܝܬܘܢ ܪܚܡܝܢ ܠܐܚܝܟܘܢ ܘܡܚܒܝܢ ܚܕ ܠܚܕ ܗܘܝܬܘܢ ܡܩܕܡܝܢ ܡܝܩܪܝܢ ܚܕ ܠܚܕ ܀
10Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.
11ܗܘܝܬܘܢ ܚܦܝܛܝܢ ܘܠܐ ܚܒܢܢܝܢ ܗܘܝܬܘܢ ܪܬܚܝܢ ܒܪܘܚ ܗܘܝܬܘܢ ܦܠܚܝܢ ܠܡܪܟܘܢ ܀
11Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.
12ܗܘܝܬܘܢ ܚܕܝܢ ܒܤܒܪܟܘܢ ܗܘܝܬܘܢ ܡܤܝܒܪܝܢ ܐܘܠܨܢܝܟܘܢ ܗܘܝܬܘܢ ܐܡܝܢܝܢ ܒܨܠܘܬܐ ܀
12Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,
13ܗܘܝܬܘܢ ܡܫܬܘܬܦܝܢ ܠܤܢܝܩܘܬܐ ܕܩܕܝܫܐ ܗܘܝܬܘܢ ܪܚܡܝܢ ܐܟܤܢܝܐ ܀
13oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.
14ܒܪܟܘ ܠܪܕܘܦܝܟܘܢ ܒܪܟܘ ܘܠܐ ܬܠܘܛܘܢ ܀
14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.
15ܚܕܘ ܥܡ ܕܚܕܝܢ ܘܒܟܘ ܥܡ ܕܒܟܝܢ ܀
15La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.
16ܘܡܕܡ ܕܡܬܪܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܥܠ ܢܦܫܟܘܢ ܐܦ ܥܠ ܐܚܝܟܘܢ ܘܠܐ ܬܬܪܥܘܢ ܪܥܝܢܐ ܪܡܐ ܐܠܐ ܩܦܘ ܠܐܝܠܝܢ ܕܡܟܝܟܝܢ ܘܠܐ ܗܘܝܬܘܢ ܚܟܝܡܝܢ ܒܪܥܝܢ ܢܦܫܟܘܢ ܀
16Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.
17ܘܠܐ ܬܦܪܥܘܢ ܠܐܢܫ ܒܝܫܬܐ ܚܠܦ ܒܝܫܬܐ ܐܠܐ ܢܬܒܛܠ ܠܟܘܢ ܕܬܥܒܕܘܢ ܛܒܬܐ ܩܕܡ ܒܢܝܢܫܐ ܟܠܗܘܢ ܀
17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.
18ܘܐܢ ܡܫܟܚܐ ܐܝܟ ܕܡܢ ܠܘܬܟܘܢ ܥܡ ܟܠܒܪܢܫ ܫܠܡܐ ܥܒܕܘ ܀
18Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.
19ܘܠܐ ܗܘܝܬܘܢ ܬܒܥܝܢ ܢܦܫܟܘܢ ܚܒܝܒܝ ܐܠܐ ܗܒܘ ܐܬܪܐ ܠܪܘܓܙܐ ܟܬܝܒ ܗܘ ܓܝܪ ܕܐܢ ܠܐ ܬܥܒܕ ܕܝܢܐ ܠܢܦܫܟ ܐܢܐ ܐܥܒܕ ܕܝܢܟ ܐܡܪ ܐܠܗܐ ܀
19Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.
20ܘܐܢ ܟܦܢ ܒܥܠܕܒܒܟ ܐܘܟܠܝܗܝ ܘܐܢ ܨܗܐ ܐܫܩܝܗܝ ܘܐܢ ܗܠܝܢ ܬܥܒܕ ܠܗ ܓܘܡܪܐ ܕܢܘܪܐ ܬܩܒܪ ܥܠ ܩܪܩܦܬܗ ܀
20Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah.Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.
21ܠܐ ܬܙܟܝܟܘܢ ܒܝܫܬܐ ܐܠܐ ܙܟܐܘܗ ܠܒܝܫܬܐ ܒܛܒܬܐ ܀
21Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.