Syriac: NT

Somali

Romans

6

1ܡܢܐ ܗܟܝܠ ܢܐܡܪ ܢܩܘܐ ܒܗ ܒܚܛܝܬܐ ܕܛܝܒܘܬܐ ܬܬܝܬܪ ܀
1Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato?
2ܚܤ ܐܝܠܝܢ ܓܝܪ ܕܡܝܬܢ ܠܚܛܝܬܐ ܐܝܟܢܐ ܢܚܐ ܒܗ ܬܘܒ ܀
2Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa?
3ܐܘ ܠܐ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܐܝܠܝܢ ܕܥܡܕܢ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܒܡܘܬܗ ܗܘ ܥܡܕܢ ܀
3Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa?
4ܐܬܩܒܪܢ ܥܡܗ ܒܡܥܡܘܕܝܬܐ ܠܡܘܬܐ ܕܐܝܟܢܐ ܕܩܡ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܒܬܫܒܘܚܬܐ ܕܐܒܘܗܝ ܗܟܢܐ ܐܦ ܚܢܢ ܒܚܝܐ ܚܕܬܐ ܢܗܠܟ ܀
4Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno.
5ܐܢ ܓܝܪ ܐܟܚܕ ܐܬܢܨܒܢ ܥܡܗ ܒܕܡܘܬܐ ܕܡܘܬܗ ܗܟܢܐ ܐܦ ܒܩܝܡܬܗ ܢܗܘܐ ܀
5Haddaynu isaga kula midownay dhimasho tiisa u eg, de sidaas oo kalena sarakicid tiisa u eg waynu kula midoobi doonnaa.
6ܝܕܥܝܢܢ ܓܝܪ ܕܒܪܢܫܢ ܥܬܝܩܐ ܐܙܕܩܦ ܥܡܗ ܕܢܬܒܛܠ ܦܓܪܐ ܕܚܛܝܬܐ ܕܬܘܒ ܠܐ ܢܫܡܫ ܠܚܛܝܬܐ ܀
6Waynu og nahay in dabiicaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baabba'o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga.
7ܐܝܢܐ ܕܡܝܬ ܓܝܪ ܐܬܚܪܪ ܠܗ ܡܢ ܚܛܝܬܐ ܀
7Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay.
8ܐܢ ܗܟܝܠ ܡܝܬܢ ܥܡ ܡܫܝܚܐ ܢܗܝܡܢ ܕܥܡܗ ܥܡ ܡܫܝܚܐ ܢܚܐ ܀
8Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno.
9ܝܕܥܝܢܢ ܓܝܪ ܕܡܫܝܚܐ ܩܡ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܘܬܘܒ ܠܐ ܡܐܬ ܘܡܘܬܐ ܠܐ ܡܫܬܠܛ ܒܗ ܀
9Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso.
10ܕܡܝܬ ܓܝܪ ܠܚܛܝܬܐ ܗܘ ܡܝܬ ܚܕܐ ܙܒܢ ܘܕܚܝ ܚܝ ܗܘ ܠܐܠܗܐ ܀
10Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay.
11ܗܟܢܐ ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܚܫܘܒܘ ܢܦܫܟܘܢ ܕܡܝܬܐ ܐܢܬܘܢ ܠܚܛܝܬܐ ܘܚܝܐ ܐܢܬܘܢ ܠܐܠܗܐ ܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
11Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.
12ܠܐ ܗܟܝܠ ܬܡܠܟ ܚܛܝܬܐ ܒܦܓܪܟܘܢ ܡܝܬܐ ܐܝܟ ܕܬܫܬܡܥܘܢ ܠܪܓܝܓܬܗ ܀
12Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan.
13ܘܐܦ ܠܐ ܬܛܝܒܘܢ ܗܕܡܝܟܘܢ ܙܝܢܐ ܕܥܘܠܐ ܠܚܛܝܬܐ ܐܠܐ ܛܝܒܘ ܢܦܫܟܘܢ ܠܐܠܗܐ ܐܝܟ ܐܢܫܐ ܕܡܢ ܡܝܬܐ ܚܝܝܬܘܢ ܘܗܕܡܝܟܘܢ ܙܝܢܐ ܢܗܘܘܢ ܠܟܐܢܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܀
13Xubnihiinnana dembiga ha u siinina sida qalabka xaqdarrada, laakiin Ilaah isa siiya sida idinkoo ah kuwo ka soo noolaaday kuwii dhintay, xubnihiinnana Ilaah u siiya sida qalabka xaqnimada.
14ܘܚܛܝܬܐ ܠܐ ܡܫܬܠܛܐ ܥܠܝܟܘܢ ܠܐ ܓܝܪ ܐܝܬܝܟܘܢ ܬܚܝܬ ܢܡܘܤܐ ܐܠܐ ܬܚܝܬ ܛܝܒܘܬܐ ܀
14Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.
15ܡܢܐ ܗܟܝܠ ܢܚܛܐ ܕܠܐ ܗܘܝܢ ܬܚܝܬ ܢܡܘܤܐ ܐܠܐ ܬܚܝܬ ܛܝܒܘܬܐ ܚܤ ܀
15Waa sidee haddaba? Sharciga kuma hoos jirno, oo waxaynu ku hoos jirnaa nimcada, sidaas daraaddeed miyaan dembaabnaa? Yaanay noqon!
16ܠܐ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܠܡܢ ܕܡܛܝܒܝܢ ܐܢܬܘܢ ܢܦܫܟܘܢ ܕܬܫܬܡܥܘܢ ܠܗ ܠܥܒܕܘܬܐ ܕܝܠܗ ܐܢܬܘܢ ܥܒܕܐ ܕܗܘ ܕܡܫܬܡܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܗ ܐܢ ܠܚܛܝܬܐ ܘܐܢ ܠܡܫܡܥ ܐܕܢܐ ܕܟܐܢܘܬܐ ܀
16Ma waydaan ogayn inaad addoommo u tihiin kii aad isu siisaan sida addoommo addeeca, oo aad addoommadiisa tihiin kii aad addeecdaan, ama ha noqoto dembiga idiin kaxeeya xagga dhimashada ama addeecidda idiin kaxaysa xagga xaqnimada?
17ܛܝܒܘ ܕܝܢ ܠܐܠܗܐ ܕܥܒܕܐ ܗܘܝܬܘܢ ܕܚܛܝܬܐ ܘܐܫܬܡܥܬܘܢ ܡܢ ܠܒܐ ܠܕܡܘܬܐ ܕܝܘܠܦܢܐ ܕܐܫܬܠܡܬܘܢ ܠܗ ܀
17Laakiinse mahad Ilaah baa leh, waayo, waxaad ahaan jirteen addoommadii dembiga, haatanse qalbigiinaad ka addeecdeen caynaddii waxbariddii laydin siiyey;
18ܘܟܕ ܐܬܚܪܪܬܘܢ ܡܢ ܚܛܝܬܐ ܐܫܬܥܒܕܬܘܢ ܠܟܐܢܘܬܐ ܀
18oo idinkoo dembiga laydinka xoreeyey, xaqnimada ayaad addoommo u noqoteen.
19ܐܝܟ ܕܒܝܬ ܒܢܝܢܫܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܡܛܠ ܟܪܝܗܘܬܐ ܕܒܤܪܟܘܢ ܕܐܝܟܢܐ ܕܛܝܒܬܘܢ ܗܕܡܝܟܘܢ ܠܥܒܕܘܬܐ ܕܛܢܦܘܬܐ ܘܕܥܘܠܐ ܗܟܢܐ ܐܦ ܗܫܐ ܛܝܒܘ ܗܕܡܝܟܘܢ ܠܥܒܕܘܬܐ ܕܟܐܢܘܬܐ ܘܕܩܕܝܫܘܬܐ ܀
19Sida dadkaan u hadlayaa jidhkiinna itaaldarradiisa aawadeed. Waayo, sidii aad xubnihiinna uga dhigi jirteen addoommadii wasakhnimada iyo dembiga inaad dembi fashaan, sidaas oo kalena haatan xubnihiinna ka dhiga addoommadii xaqnimada quduusnaanta aawadeed.
20ܟܕ ܥܒܕܐ ܗܘܝܬܘܢ ܓܝܪ ܕܚܛܝܬܐ ܡܚܪܪܐ ܗܘܝܬܘܢ ܠܟܐܢܘܬܐ ܀
20Waayo, markaad addoommadii dembiga ahaan jirteen, xagga xaqnimada waxaad ahaydeen xor.
21ܘܡܢܐ ܐܕܫܐ ܐܝܬ ܗܘܐ ܠܟܘܢ ܗܝܕܝܢ ܐܝܢܐ ܕܝܘܡܢܐ ܒܗܬܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܗ ܚܪܬܗ ܓܝܪ ܐܝܬܝܗ ܡܘܬܐ ܀
21Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada.
22ܘܗܫܐ ܕܐܬܚܪܪܬܘܢ ܡܢ ܚܛܝܬܐ ܘܗܘܝܬܘܢ ܥܒܕܐ ܠܐܠܗܐ ܐܝܬ ܠܟܘܢ ܦܐܪܐ ܩܕܝܫܐ ܕܚܪܬܗܘܢ ܚܝܐ ܕܠܥܠܡ ܀
22Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah.Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.
23ܬܐܓܘܪܬܐ ܕܝܢ ܕܚܛܝܬܐ ܡܘܬܐ ܗܘ ܘܡܘܗܒܬܗ ܕܐܠܗܐ ܚܝܐ ܕܠܥܠܡ ܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
23Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.