1The word of Yahweh came again to me, saying,
1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2You, son of man, take up a lamentation over Tyre;
2Wiilka Aadamow, haddana Turos aawadeed baroor kor ugu qayli,
3and tell Tyre, you who dwell at the entry of the sea, who are the merchant of the peoples to many islands, thus says the Lord Yahweh: You, Tyre, have said, I am perfect in beauty.
3oo waxaad Turos ku tidhaahdaa, Taada badda kadinkeeda ku taal, oo ah meesha ay gasiirado badan dadkoodu ka baayacmushtaraanay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Turosay, waxaad istidhi, Anigu waxaan leeyahay qurux kaamil ah.
4Your borders are in the heart of the seas; your builders have perfected your beauty.
4Soohdimahaagu waxay ku yaallaan badda dhexdeeda, oo kuwii ku dhisayna quruxdaadii way kaamileen.
5They have made all your planks of fir trees from Senir; they have taken a cedar from Lebanon to make a mast for you.
5Alwaaxda doonniyahaaga oo dhan waxay ka sameeyeen dhirta berooshka ah ee Seniir, oo Lubnaan waxay ka soo goosteen geedo kedar ah si ay daqal kaaga dhigaan.
6Of the oaks of Bashan have they made your oars; they have made your benches of ivory inlaid in boxwood, from the islands of Kittim.
6Waxay seebab kaaga sameeyeen geedihii alloonka ee Baashaan, oo kursiyadaadiina waxay ka sameeyeen alwaax gasiiradaha Kitiim laga keenay oo foolmaroodi lagu sharxay.
7Of fine linen with embroidered work from Egypt was your sail, that it might be to you for a banner; blue and purple from the islands of Elishah was your awning.
7Oo waxaa shiraaq kuu ahaa maro wanaagsan oo daabac leh oo Masar laga keenay, si ay taasu calaamad kuugu ahaato, oo waxaa kugu dednaa buluug iyo guduud gasiiradaha Eliishaah laga keenay.
8The inhabitants of Sidon and Arvad were your rowers: your wise men, Tyre, were in you, they were your pilots.
8Turosay, kuwii sixiimadahaagii seebiyey waxay ahaayeen dadka Siidoon iyo Arwaad deggan, oo kuwii xigmadda lahaa ee ku dhex joogayna waxay ahaayeen doonniyawadayaashaadii.
9The old men of Gebal and the wise men of it were in you your repairers of ship seams: all the ships of the sea with their mariners were in you to deal in your merchandise.
9Odayaashii Gebal iyo kuweedii xigmadda lahaa ee ku dhex joogay ayaa kuwa dillaacyada awda kuu ahaayeen, oo badda doonniyaheedii oo dhan iyo baxriyadoodii oo dhammuba way ku dhex joogeen si ay kuula baayacmushtaraan.
10Persia and Lud and Put were in your army, your men of war: they hanged the shield and helmet in you; they set forth your comeliness.
10Reer Faaris, iyo reer Luud, iyo reer Fuud ayaa ciidankaagii ku jiray, oo waxay kuu ahaayeen dagaalyahankaagii, oo dhexdaaday gaashaanka iyo koofiyadda dagaalka sudheen, oo waxay soo ban dhigeen quruxdaadii.
11The men of Arvad with your army were on your walls all around, and valorous men were in your towers; they hanged their shields on your walls all around; they have perfected your beauty.
11Oo derbiyadaadii kugu wareegsanaana waxaa dul joogay raggii reer Arwad iyo ciidankaagii, oo munaaradahaagiina waxaa ku jiray raggii reer Gammaadiim. Iyana gaashaammadooday derbiyadaadii kugu wareegsanaa sudheen, oo quruxdaadiina kaamil bay ka dhigeen.
12Tarshish was your merchant by reason of the multitude of all kinds of riches; with silver, iron, tin, and lead, they traded for your wares.
12Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.
13Javan, Tubal, and Meshech, they were your traffickers; they traded the persons of men and vessels of brass for your merchandise.
13Oo reer Yaawaan, iyo reer Tubal, iyo reer Meshegna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen dad noolnool iyo weelal naxaas ah.
14They of the house of Togarmah traded for your wares with horses and war horses and mules.
14Oo kuwii reer Togarmaahna waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen fardo iyo fardo la fuulo iyo baqlo.
15The men of Dedan were your traffickers; many islands were the market of your hand: they brought you in exchange horns of ivory and ebony.
15Dadkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.
16Syria was your merchant by reason of the multitude of your handiworks: they traded for your wares with emeralds, purple, and embroidered work, and fine linen, and coral, and rubies.
16Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.
17Judah, and the land of Israel, they were your traffickers: they traded for your merchandise wheat of Minnith, and confections, and honey, and oil, and balm.
17Dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iilna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen sarreenkii Minniid, iyo fannag macaan, iyo malab, iyo saliid, iyo beeyo.
18Damascus was your merchant for the multitude of your handiworks, by reason of the multitude of all kinds of riches, with the wine of Helbon, and white wool.
18Dimishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.
19Vedan and Javan traded with yarn for your wares: bright iron, cassia, and calamus, were among your merchandise.
19Wedaan iyo Yaawaan waxay alaabtaada kaga baayacmushtareen dun, oo alaabtaadana waxaa ka mid ahaa bir dhalaalaysa iyo kasiya iyo kalamus.
20Dedan was your trafficker in precious cloths for riding.
20Dedaan waxay kaga baayacmushtari jirtay dharka qaaliga ah ee fardaha lagu saldhaysto.
21Arabia, and all the princes of Kedar, they were the merchants of your hand; in lambs, and rams, and goats, in these were they your merchants.
21Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.
22The traffickers of Sheba and Raamah, they were your traffickers; they traded for your wares with the chief of all spices, and with all precious stones, and gold.
22Oo reer Shebaa iyo reer Racmaahna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen xawaashka ugu fiican, iyo dhagxan kasta oo qaali ah, iyo dahab.
23Haran and Canneh and Eden, the traffickers of Sheba, Asshur and Chilmad, were your traffickers.
23Oo waxaa kaloo kula baayacmushtari jiray Xaaraan, iyo Kanneeh, iyo Ceeden, iyo baayacmushtariyaashii Shebaa, iyo Ashuur, iyo Kilmad oo dhan.
24These were your traffickers in choice wares, in wrappings of blue and embroidered work, and in chests of rich clothing, bound with cords and made of cedar, among your merchandise.
24Kuwaasu waxay ahaan jireen baayacmushtariyaasha kaa iibin jiray alaab door ah oo cayn kasta ah oo ahaa dhar buluug ah, iyo daabac, iyo sanaaduuq uu dhar qaali ahu ka buuxo oo ay xadhko ku xidhxidhan yihiin oo alwaax kedar ah laga sameeyey.
25The ships of Tarshish were your caravans for your merchandise: and you were replenished, and made very glorious in the heart of the seas.
25Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.
26Your rowers have brought you into great waters: the east wind has broken you in the heart of the seas.
26Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.
27Your riches, and your wares, your merchandise, your mariners, and your pilots, your repairers of ship seams, and the dealers in your merchandise, and all your men of war, who are in you, with all your company which is in the midst of you, shall fall into the heart of the seas in the day of your ruin.
27Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.
28At the sound of the cry of your pilots the suburbs shall shake.
28Kuwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.
29All who handled the oar, the mariners, and all the pilots of the sea, shall come down from their ships; they shall stand on the land,
29Oo kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.
30and shall cause their voice to be heard over you, and shall cry bitterly, and shall cast up dust on their heads, they shall wallow themselves in the ashes:
30Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
31and they shall make themselves bald for you, and clothe them with sackcloth, and they shall weep for you in bitterness of soul with bitter mourning.
31Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.
32In their wailing they shall take up a lamentation for you, and lament over you, saying, Who is there like Tyre, like her who is brought to silence in the midst of the sea?
32Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?
33When your wares went forth out of the seas, you filled many peoples; you enriched the kings of the earth with the multitude of your riches and of your merchandise.
33Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.
34In the time that you were broken by the seas in the depths of the waters, your merchandise and all your company fell in your midst.
34Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.
35All the inhabitants of the islands are astonished at you, and their kings are horribly afraid; they are troubled in their face.
35Dadka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.
36The merchants among the peoples hiss at you; you are become a terror, and you shall nevermore have any being.
36Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.