1In that day, this song will be sung in the land of Judah: “We have a strong city. God appoints salvation for walls and bulwarks.
1Oo maalintaas dalka Yahuudah waxaa lagaga gabyi doonaa gabaygan, Annagu magaalo xoog badan baannu leennahay, oo Rabbigu wuxuu derbiyo iyo qalcado nooga dhigi doonaa badbaado.
2Open the gates, that the righteous nation may enter: the one which keeps faith.
2Irdaha fura, quruunta xaqa ah oo runta xajisa ha soo gashee.
3You will keep whoever’s mind is steadfast in perfect peace, because he trusts in you.
3Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay.
4Trust in Yahweh forever; for in Yah, Yahweh, is an everlasting Rock.
4Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.
5For he has brought down those who dwell on high, the lofty city. He lays it low. He lays it low even to the ground. He brings it even to the dust.
5Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa.
6The foot shall tread it down; Even the feet of the poor, and the steps of the needy.”
6Oo cagahaa ku tuman doona, waana cagaha masaakiinta iyo tallaabooyinka saboolka baahan.
7The way of the just is uprightness. You who are upright make the path of the righteous level.
7Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya.
8Yes, in the way of your judgments, Yahweh, have we waited for you. Your name and your renown are the desire of our soul.
8Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada.
9With my soul have I desired you in the night. Yes, with my spirit within me will I seek you earnestly; for when your judgments are in the earth, the inhabitants of the world learn righteousness.
9Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan.
10Let favor be shown to the wicked, yet he will not learn righteousness. In the land of uprightness he will deal wrongfully, and will not see Yahweh’s majesty.
10Kan sharka ah haddii raalli laga noqdo isagu innaba xaqnimo ma barto, oo dalka qummanaanta ayuu caddaaladdarro ku samayn doonaa, oo haybadda Rabbigana ma uu fiirin doono.
11Yahweh, your hand is lifted up, yet they don’t see; but they will see your zeal for the people, and be disappointed. Yes, fire will consume your adversaries.
11Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.
12Yahweh, you will ordain peace for us, for you have also worked all our works for us.
12Rabbiyow, nabad baad na siin doontaa, oo weliba shuqulladayadii oo dhan baad noo wada samaysay.
13Yahweh our God, other lords besides you have had dominion over us, but by you only will we make mention of your name.
13Rabbiyow, Ilaahayagow, sayidyo kale oo aan adiga ahayn ayaa noo talin jiray, laakiinse adiga keliya ayaannu xusuusannaa oo magacaaga soo qaadnaa.
14The dead shall not live. The deceased shall not rise. Therefore have you visited and destroyed them, and caused all memory of them to perish.
14Iyagu way dhinteen, soona noolaan maayaan, way baabbe'een, soona sarakici maayaan, oo sidaas daraaddeed waad soo booqatay oo baabbi'isay, oo xusuustoodii oo dhanna waad tirtirtay.
15You have increased the nation, O Yahweh. You have increased the nation! You are glorified! You have enlarged all the borders of the land.
15Quruunta waad kordhisay, Rabbiyow, quruunta waad kordhisay, oo adiga waa lagu ammaanay, oo dalka soohdimihiisii oo dhanna waad wada ballaadhisay.
16Yahweh, in trouble they have visited you. They poured out a prayer when your chastening was on them.
16Rabbiyow, markay dhibaataysnaayeen way ku doondooneen, oo markaad edbinaysayna aad bay kuu baryeen.
17Like as a woman with child, who draws near the time of her delivery, is in pain and cries out in her pangs; so we have been before you, Yahweh.
17Rabbiyow, naag uur leh oo ku soo dhowaatay shinkii ay dhali lahayd, siday u xanuunsato oo ay foosheeda ugu qayliso ayaannu hortaada ku noqonnay.
18We have been with child. We have been in pain. We gave birth, it seems, only to wind. We have not worked any deliverance in the earth; neither have the inhabitants of the world fallen.
18Annagu waannu uuraysannay, oo xanuunkii foosha ayaa na qabtay, oo waxaannu noqonnay sidii wax dabayl dhalay, oo dhulkana samatabbixin kuma aannu samayn, oo dadka dunida degganuna ma ay dhalan.
19Your dead shall live. My dead bodies shall arise. Awake and sing, you who dwell in the dust; for your dew is like the dew of herbs, and the earth will cast forth the dead.
19Kuwaagii dhintay way soo noolaan doonaan, meydadkuna way soo sara kici doonaan. Kuwiinna ciidda ku dhex jirow, soo toosa oo gabya! Rabbiyow, dharabkaagu waa sida dharabka geedaha nooleeya, oo dhulkuna meydadkuu soo xoori doonaa.
20Come, my people, enter into your rooms, and shut your doors behind you. Hide yourself for a little moment, until the indignation is past.
20Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso.Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
21For, behold, Yahweh comes forth out of his place to punish the inhabitants of the earth for their iniquity. The earth also will disclose her blood, and will no longer cover her slain.
21Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.