World English Bible

Somali

Jeremiah

48

1Of Moab. Thus says Yahweh of Armies, the God of Israel: Woe to Nebo! for it is laid waste; Kiriathaim is disappointed, it is taken; Misgab is put to shame and broken down.
1Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.
2The praise of Moab is no more; in Heshbon they have devised evil against her: Come, and let us cut her off from being a nation. You also, Madmen, shall be brought to silence: the sword shall pursue you.
2Dalka Moo'aab ammaan dambe ma leh. Xeshboon baa shar loogu hindisay, oo waxaa la yidhaahdaa, Kaalaya oo aynu baabbi'innee si ayan quruun u sii ahaan.Madmeenay, adigana waa lagu baabbi'in doonaa, oo seef baa ku eryan doonta.
3The sound of a cry from Horonaim, desolation and great destruction!
3Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.
4Moab is destroyed; her little ones have caused a cry to be heard.
4Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen.
5For by the ascent of Luhith with continual weeping shall they go up; for at the descent of Horonaim they have heard the distress of the cry of destruction.
5Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda.
6Flee, save your lives, and be like the heath in the wilderness.
6Carara, oo naftiinna badbaadiya, oo waxaad noqotaan sida geed xun oo cidlada ku yaal oo kale.
7For, because you have trusted in your works and in your treasures, you also shall be taken: and Chemosh shall go forth into captivity, his priests and his princes together.
7Waayo, waxaad isku hallaysay shuqulladaada iyo khasnadahaaga, oo sidaas daraaddeed adigana waa lagu qabsan doonaa, oo Kemooshna maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa, iyo amiirradiisaba.
8The destroyer shall come on every city, and no city shall escape; the valley also shall perish, and the plain shall be destroyed; as Yahweh has spoken.
8Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.
9Give wings to Moab, that she may fly and get her away: and her cities shall become a desolation, without any to dwell therein.
9Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn.
10Cursed is he who does the work of Yahweh negligently; and cursed is he who keeps back his sword from blood.
10Inkaaru ha ku dhacdo kii shuqulka Rabbiga si dayac ah u sameeya, oo inkaaru ha ku dhacdo kii seeftiisa dib uga celiya inay dhiig daadiso.
11Moab has been at ease from his youth, and he has settled on his lees, and has not been emptied from vessel to vessel, neither has he gone into captivity: therefore his taste remains in him, and his scent is not changed.
11Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin.
12Therefore behold, the days come, says Yahweh, that I will send to him those who pour off, and they shall pour him off; and they shall empty his vessels, and break their bottles in pieces.
12Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan isaga u soo diri doono kuwa wax shuba, isagayna shubayaan, oo weelashiisay madhinayaan, oo jalxadihiisana wada burburinayaan.
13Moab shall be ashamed of Chemosh, as the house of Israel was ashamed of Bethel their confidence.
13Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa.
14How do you say, We are mighty men, and valiant men for the war?
14Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka?
15Moab is laid waste, and they are gone up into his cities, and his chosen young men are gone down to the slaughter, says the King, whose name is Yahweh of Armies.
15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.
16The calamity of Moab is near to come, and his affliction hurries fast.
16Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.
17All you who are around him, bemoan him, and all you who know his name; say, How is the strong staff broken, the beautiful rod!
17Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay!
18You daughter who dwells in Dibon, come down from your glory, and sit in thirst; for the destroyer of Moab has come up against you, he has destroyed your strongholds.
18Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag.
19Inhabitant of Aroer, stand by the way, and watch: ask him who flees, and her who escapes; say, What has been done?
19Kuwiinna Carooceer degganow, bal jidka dhiniciisa istaaga, oo bal wax fiiriya, oo kan sii cararaya iyo tan sii baxsanaysa waxaad weyddiisaan waxa dhacay.
20Moab is disappointed; for it is broken down: wail and cry; tell it by the Arnon, that Moab is laid waste.
20Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.
21Judgment has come on the plain country, on Holon, and on Jahzah, and on Mephaath,
21Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad,
22and on Dibon, and on Nebo, and on Beth Diblathaim,
22iyo Diibon, iyo Neboo, iyo Beytdiblaatayim,
23and on Kiriathaim, and on Beth Gamul, and on Beth Meon,
23iyo Qiryaatayim, iyo Beytgaamuul, iyo Beytmecoon,
24and on Kerioth, and on Bozrah, and on all the cities of the land of Moab, far or near.
24iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba.
25The horn of Moab is cut off, and his arm is broken, says Yahweh.
25Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.
26Make him drunken; for he magnified himself against Yahweh: and Moab shall wallow in his vomit, and he also shall be in derision.
26Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.
27For wasn’t Israel a derision to you? was he found among thieves? for as often as you speak of him, you shake your head.
27Waayo, miyaan dalka Israa'iil wax lagu qoslo kuu ahayn? Miyaase isaga laga helay tuugag dhexdood? Waayo, markaad isaga ka hadashidba madaxaad ruxruxdaa.
28You inhabitants of Moab, leave the cities, and dwell in the rock; and be like the dove that makes her nest over the mouth of the abyss.
28Kuwa dalka Moo'aab degganow, magaalooyinka ka taga, oo dhagaxa weyn ku hoyda, oo waxaad la mid noqotaan sidii qoolleyda buulkeeda ka samaysata dhinacyada bohol afkeeda.
29We have heard of the pride of Moab. He is very proud; his loftiness, and his pride, and his arrogance, and the haughtiness of his heart.
29Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba.
30I know his wrath, says Yahweh, that it is nothing; his boastings have worked nothing.
30Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn.
31Therefore will I wail for Moab; yes, I will cry out for all Moab: for the men of Kir Heres shall they mourn.
31Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres.
32With more than the weeping of Jazer will I weep for you, vine of Sibmah: your branches passed over the sea, they reached even to the sea of Jazer: on your summer fruits and on your vintage the destroyer is fallen.
32Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii.
33Gladness and joy is taken away from the fruitful field and from the land of Moab; and I have caused wine to cease from the wine presses: none shall tread with shouting; the shouting shall be no shouting.
33Farxadda iyo rayraynta waa laga qaaday beertii midhaha badnayd iyo dalka Moo'aabba, oo waxaan ka dhigay in khamri macsarooyinka laga waayo, oo ciduna kuma tuman doonto iyagoo heesaya, oo heestooduna innaba hees ma noqon doonto.
34From the cry of Heshbon even to Elealeh, even to Jahaz have they uttered their voice, from Zoar even to Horonaim, to Eglath Shelishiyah: for the waters of Nimrim also shall become desolate.
34Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.
35Moreover I will cause to cease in Moab, says Yahweh, him who offers in the high place, and him who burns incense to his gods.
35Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba.
36Therefore my heart sounds for Moab like pipes, and my heart sounds like pipes for the men of Kir Heres: therefore the abundance that he has gotten is perished.
36Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.
37For every head is bald, and every beard clipped: on all the hands are cuttings, and on the waist sackcloth.
37Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan.
38On all the housetops of Moab and in its streets there is lamentation every where; for I have broken Moab like a vessel in which none delights, says Yahweh.
38Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.
39How it is broken down! How they wail! How Moab has turned the back with shame! So shall Moab become a derision and a terror to all who are around him.
39Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.
40For thus says Yahweh: Behold, he shall fly as an eagle, and shall spread out his wings against Moab.
40Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab.
41Kerioth is taken, and the strongholds are seized, and the heart of the mighty men of Moab at that day shall be as the heart of a woman in her pangs.
41Qiryood waa la qabsaday, oo qalcadihiina waa la argaggixiyey, oo ragga xoogga badan ee Moo'aab qalbigoodu wuxuu maalintaas noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.
42Moab shall be destroyed from being a people, because he has magnified himself against Yahweh.
42Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.
43Fear, and the pit, and the snare, are on you, inhabitant of Moab, says Yahweh.
43Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yaamays, iyo dabin.
44He who flees from the fear shall fall into the pit; and he who gets up out of the pit shall be taken in the snare: for I will bring on him, even on Moab, the year of their visitation, says Yahweh.
44Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yaamayska, oo kii yaamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.
45Those who fled stand without strength under the shadow of Heshbon; for a fire is gone forth out of Heshbon, and a flame from the midst of Sihon, and has devoured the corner of Moab, and the crown of the head of the tumultuous ones.
45Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda.
46Woe to you, O Moab! the people of Chemosh is undone; for your sons are taken away captive, and your daughters into captivity.
46Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay.Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.
47Yet will I bring back the captivity of Moab in the latter days, says Yahweh. Thus far is the judgment of Moab.
47Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.