1In the beginning was the Word, and the Word was with God, and the Word was God.
1Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah.
2The same was in the beginning with God.
2Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.
3All things were made through him. Without him was not anything made that has been made.
3Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis.
4In him was life, and the life was the light of men.
4Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.
5The light shines in the darkness, and the darkness hasn’t overcome The word translated “overcome” (katelaben) can also be translated “comprehended.” It refers to getting a grip on an enemy to defeat him. it.
5Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.
6There came a man, sent from God, whose name was John.
6Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.
7The same came as a witness, that he might testify about the light, that all might believe through him.
7Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.
8He was not the light, but was sent that he might testify about the light.
8Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo.
9The true light that enlightens everyone was coming into the world.
9Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
10He was in the world, and the world was made through him, and the world didn’t recognize him.
10Wuxuu ku jiray dunida, dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga.
11He came to his own, and those who were his own didn’t receive him.
11Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga.
12But as many as received him, to them he gave the right to become God’s children, to those who believe in his name:
12Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay,
13who were born not of blood, nor of the will of the flesh, nor of the will of man, but of God.
13oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakiin waxay ka dhasheen Ilaah.
14The Word became flesh, and lived among us. We saw his glory, such glory as of the one and only Son of the Father, full of grace and truth.
14Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
15John testified about him. He cried out, saying, “This was he of whom I said, ‘He who comes after me has surpassed me, for he was before me.’”
15Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
16From his fullness we all received grace upon grace.
16Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.
17For the law was given through Moses. Grace and truth were realized through Jesus Christ.
17Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
18No one has seen God at any time. The one and only Son, NU reads “God” who is in the bosom of the Father, he has declared him.
18Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
19This is John’s testimony, when the Jews sent priests and Levites from Jerusalem to ask him, “Who are you?”
19Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay?
20He declared, and didn’t deny, but he declared, “I am not the Christ.”
20Isagu waa qirtay, mana uu inkirin, oo wuxuu qirtay oo yidhi, Anigu ma ihi Masiixa.
21They asked him, “What then? Are you Elijah?” He said, “I am not.” “Are you the prophet?” He answered, “No.”
21Markaasay weyddiiyeen, Haddaba yaad tahay? Ma Eliyaas baad tahay? Wuxuuna yidhi, Ma ihi. Ma nebigii baad tahay? Wuxuuna ku jawaabay, Maya.
22They said therefore to him, “Who are you? Give us an answer to take back to those who sent us. What do you say about yourself?”
22Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa?
23He said, “I am the voice of one crying in the wilderness, ‘Make straight the way of the Lord,’ Isaiah 40:3 as Isaiah the prophet said.”
23Wuxuu yidhi, Waxaan ahay codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga toosiya, siduu nebi Isayos u yidhi.
24The ones who had been sent were from the Pharisees.
24Kuwa la soo diray waxay ka yimaadeen Farrisiinta.
25They asked him, “Why then do you baptize, if you are not the Christ, nor Elijah, nor the prophet?”
25Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?
26John answered them, “I baptize in water, but among you stands one whom you don’t know.
26Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin
27He is the one who comes after me, who is preferred before me, whose sandal strap I’m not worthy to loosen.”
27oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo.
28These things were done in Bethany beyond the Jordan, where John was baptizing.
28Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.
29The next day, he saw Jesus coming to him, and said, “Behold, the Lamb of God, who takes away the sin of the world!
29Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya.
30This is he of whom I said, ‘After me comes a man who is preferred before me, for he was before me.’
30Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
31I didn’t know him, but for this reason I came baptizing in water: that he would be revealed to Israel.”
31Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.
32John testified, saying, “I have seen the Spirit descending like a dove out of heaven, and it remained on him.
32Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.
33I didn’t recognize him, but he who sent me to baptize in water, he said to me, ‘On whomever you will see the Spirit descending, and remaining on him, the same is he who baptizes in the Holy Spirit.’
33Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.
34I have seen, and have testified that this is the Son of God.”
34Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.
35Again, the next day, John was standing with two of his disciples,
35Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd.
36and he looked at Jesus as he walked, and said, “Behold, the Lamb of God!”
36Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah.
37The two disciples heard him speak, and they followed Jesus.
37Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.
38Jesus turned, and saw them following, and said to them, “What are you looking for?” They said to him, “Rabbi” (which is to say, being interpreted, Teacher), “where are you staying?”
38Markaasaa Ciise soo jeestay, waana arkay iyagoo raacaya, kolkaasuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Rabbi (waxaa lagu fasiraa Macallin), Xaggee baad deggan tahay?
39He said to them, “Come, and see.” They came and saw where he was staying, and they stayed with him that day. It was about the tenth hour. 4:00 PM.
39Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad.
40One of the two who heard John, and followed him, was Andrew, Simon Peter’s brother.
40Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andaros, Simoon Butros walaalkiis.
41He first found his own brother, Simon, and said to him, “We have found the Messiah!” (which is, being interpreted, Christ “Messiah” (Hebrew) and “Christ” (Greek) both mean “Anointed One”. ).
41Isagu wuxuu hortii doonay walaalkiis Simoon oo ku yidhi, Waannu helnay Masiixa (kan lagu fasiro Kiristooska).
42He brought him to Jesus. Jesus looked at him, and said, “You are Simon the son of Jonah. You shall be called Cephas” (which is by interpretation, Peter).
42Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad tahay Simoon ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfas (oo fasirkiisu yahay Butros).
43On the next day, he was determined to go out into Galilee, and he found Philip. Jesus said to him, “Follow me.”
43Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.
44Now Philip was from Bethsaida, of the city of Andrew and Peter.
44Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros.
45Philip found Nathanael, and said to him, “We have found him, of whom Moses in the law, and the prophets, wrote: Jesus of Nazareth, the son of Joseph.”
45Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf.
46Nathanael said to him, “Can any good thing come out of Nazareth?” Philip said to him, “Come and see.”
46Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag.
47Jesus saw Nathanael coming to him, and said about him, “Behold, an Israelite indeed, in whom is no deceit!”
47Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.
48Nathanael said to him, “How do you know me?” Jesus answered him, “Before Philip called you, when you were under the fig tree, I saw you.”
48Markaasaa Nataana'el wuxuu ku yidhi, Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Intaan Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay.
49Nathanael answered him, “Rabbi, you are the Son of God! You are King of Israel!”
49Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil.
50Jesus answered him, “Because I told you, ‘I saw you underneath the fig tree,’ do you believe? You will see greater things than these!”
50Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi, Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn.Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.
51He said to him, “Most certainly, I tell you, hereafter you will see heaven opened, and the angels of God ascending and descending on the Son of Man.”
51Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.