1Unless Yahweh builds the house, they labor in vain who build it. Unless Yahweh watches over the city, the watchman guards it in vain.
1Haddaan Rabbigu guriga dhisin, Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan, Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
2It is vain for you to rise up early, to stay up late, eating the bread of toil; for he gives sleep to his loved ones.
2Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
3Behold, children are a heritage of Yahweh. The fruit of the womb is his reward.
3Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
4As arrows in the hand of a mighty man, so are the children of youth.
4Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.
5Happy is the man who has his quiver full of them. They won’t be disappointed when they speak with their enemies in the gate.
5Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.