1By the rivers of Babylon, there we sat down. Yes, we wept, when we remembered Zion.
1Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
2On the willows in its midst, we hung up our harps.
2Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
3For there, those who led us captive asked us for songs. Those who tormented us demanded songs of joy: “Sing us one of the songs of Zion!”
3Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
4How can we sing Yahweh’s song in a foreign land?
4Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?
5If I forget you, Jerusalem, let my right hand forget its skill.
5Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
6Let my tongue stick to the roof of my mouth if I don’t remember you; if I don’t prefer Jerusalem above my chief joy.
6Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.
7Remember, Yahweh, against the children of Edom, the day of Jerusalem; who said, “Raze it! Raze it even to its foundation!”
7Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom, Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
8Daughter of Babylon, doomed to destruction, he will be happy who rewards you, as you have served us.
8Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaal mariya Sidii aad nagu samaysay.Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
9Happy shall he be, who takes and dashes your little ones against the rock.
9Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.