Somali

Genesis

50

1Markaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday.2Kolkaasaa Yuusuf wuxuu addoommadiisii dhakhtarrada ahaa ku amray inay aabbihiis meydkiisa dawo mariyaan, markaasay dhakhtarradii Israa'iil dawo mariyeen.3Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.4Oo markii maalmihii loo ooyayay isaga ay dhammaadeen ayaa Yuusuf la hadlay reerkii Fircoon oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye haddaad haatan raalli iga tihiin, Fircoon iila hadla oo waxaad ku tidhaahdaan,5Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.6Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey.7Markaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan,8iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii.9Waxaana isagii raacay gaadhifardoodyo, iyo fardooley; oo waxay ahaayeen guuto aad u weyn.10Markaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay.11Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun.12Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,13maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.14Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.15Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan.16Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,17Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.18Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.19Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga?20Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo.21Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.22Oo Yuusufna dalkii Masar buu degganaa, isaga iyo reerkii aabbihiisba; oo wuxuu Yuusuf noolaa boqol iyo toban sannadood.23Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii.24Oo Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.25Yuusuf wuxuu dhaariyey reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaaye, idinkuna waa inaad lafahayga halkan ka qaaddaan.Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.26Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.