Somali

Psalms

130

1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.2Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.3Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?4Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.5Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.6Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.7Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.8Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.