الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Chronicles

1

1آدم شيث انوش
1Aadan, Seed, Enoos,
2قينان مهللئيل يارد
2Qiinaan, Mahalaleel, Yaared,
3اخنوخ متوشالح لامك
3Enoog, Metushelax, Lameg,
4نوح سام حام يافث
4Nuux, Sheem, Xaam, iyo.
5بنو يافث جومر وماجوج وماداي وياوان وتوبال وماشك وتيراس.
5Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.
6وبنو جومر أشكناز وريفاث وتوجرمة.
6Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Diifad, iyo Togarmaah.
7وبنو ياوان اليشة وترشيشة وكتيم ودودانيم.
7Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishaah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim, iyo Rodaaniim.
8بنو حام كوش ومصرايم وفوط وكنعان.
8Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud iyo Kancaan.
9وبنو كوش سبا وحويلة وسبتا ورعما وسبتكا. وبنو رعما شبا وددان.
9Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaa, iyo Racmaah, iyo Sabteka. Wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan.
10وكوش ولد نمرود الذي ابتدأ يكون جبارا في الارض.
10Kuushna wuxuu dhalay Nimrod, wuxuuna noqday mid dhulka xoog weyn ku leh.
11ومصرايم ولد لوديم وعناميم ولهابيم ونفتوحيم
11Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim, iyo Naftuxiim,
12وفتروسيم وكسلوحيم الذين خرج منهم فلشتيم وكفتوريم.
12iyo Fatrusiim, iyo Kasluxiim oo ay reer Falastiin ka soo farcamay, iyo Kaftoriim.
13وكنعان ولد صيدون بكره وحثّا
13Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo curadkiisii ahaa, iyo Xeed,
14واليبوسي والاموري والجرجاشي
14iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash,
15والحوّي والعرقيّ والسيني
15iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini,
16والاروادي والصماريّ والحماثيّ
16iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad.
17بنو سام عيلام واشور وارفكشاد ولود وارام وعوص وحول وجاثر وماشك.
17Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg.
18وارفكشاد ولد شالح وشالح ولد عابر.
18Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber.
19ولعابر ولد ابنان اسم الواحد فالج لان في ايامه قسمت الارض. واسم اخيه يقطان.
19Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.
20ويقطان ولد الموداد وشالف وحضرموت ويارح
20Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,
21وهدورام وأوزال ودقلة
21iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah,
22وعيبال وأبيمايل وشبا
22iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa,
23وأوفير وحويلة ويوباب. كل هؤلاء بنو يقطان
23iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.
24سام ارفكشاد شالح
24Sheem, Arfaksad, Sheelaah,
25عابر فالج رعو
25Ceeber, Feleg, Recu,
26سروج ناحور تارح
26Seruug, Naaxoor, Terax,
27ابرام وهو ابراهيم.
27Aabraam (kaasoo ah Ibraahim).
28ابنا ابراهيم اسحق واسماعيل.
28Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.
29هذه مواليدهم. بكر اسماعيل نبايوت وقيدار وأدبئيل ومبسام
29Oo intanu waa qarniyadoodii, Ismaaciil curadkiisii wuxuu ahaa, Nebayod, dabadeedna wuxuu dhalay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam,
30ومشماع ودومة ومسّا وحدد وتيما
30iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa,
31ويطور ونافيش وقدمة. هؤلاء هم بنو اسماعيل
31iyo Hadad, iyo Teemaa, iyo Yetuur, iyo Naafiish, iyo Qedemah. Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil.
32واما بنو قطورة سرية ابراهيم فانها ولدت زمران ويقشان ومدان ومديان ويشباق وشوحا. وابنا يقشان شبا وددان.
32Oo kuwanuna waa wiilashii Qetuurah, taas oo ahayd Ibraahim naagtiisii addoonta ahayd. Iyadu waxay dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. Yoqshaan wiilashiisiina waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan.
33وبنو مديان عيفة وعفر وحنوك وابيداع وألدعة. فكل هؤلاء بنو قطورة.
33Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac, iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen Qetuurah wiilasheedii.
34وولد ابراهيم اسحق وابنا اسحق عيسو واسرائيل
34Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.
35بنو عيسو اليفاز ورعوئيل ويعوش ويعلام وقورح.
35Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.
36بنو اليفاز تيمان واومار وصفي وجعثام وقناز وتمناع وعماليق.
36Wiilashii Eliifasna waxay ahaayeen Teemaan, iyo Oomaar, iyo Sefii, iyo Gactaam, iyo Qenas, iyo Timnac, iyo Camaaleq.
37بنو رعوئيل نحث وزارح وشمّة ومزّة.
37Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.
38وبنو سعير لوطان وشوبال وصبعون وعنى ودبشون وإيصر وديشان.
38Wiilashii Seciirna waxay ahaayeen Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan.
39وابنا لوطان حوري وهومام. واخت لوطان تمناع
39Wiilashii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Hoomaam, oo Timnacna waxay ahayd Lootaan walaashiis.
40بنو شوبال عليان ومناحة وعيبال وشفي واونام. وابنا صبعون أيّة وعنى.
40Wiilashii Shoobaalna waxay ahaayeen Calyaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefii, iyo Oonaam. Wiilashii Sibecoonna waxay ahaayeen Ayah, iyo Canah.
41ابن عنى ديشون وبنو ديشون حمران وأشبان ويثران وكران.
41Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.
42بنو إيصر بلهان وزعوان ويعقان. وابنا ديشان عوص واران
42Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.
43هؤلاء هم الملوك الذين ملكوا في ارض ادوم قبلما ملك ملك لبني اسرائيل. بالع بن بعور. واسم مدينته دنهابة.
43Haddaba kuwanu waa boqorradii u talin jiray dalka reer Edom, intaan boqorna u talin reer binu Israa'iil, Belac ina Becoor, oo magaaladiisana magaceeda waxaa la odhan jiray Dinhaabah.
44ومات بالع فملك مكانه يوباب بن زارح من بصرة.
44Markaasaa Belac dhintay oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.
45ومات يوباب فملك مكانه حوشام من ارض التيماني.
45Markaasaa Yoobaab dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Xushaam oo ka yimid dalka reer Teemaan.
46ومات حوشام فملك مكانه هدد بن بدد الذي كسّر مديان في بلاد موآب واسم مدينته عويت
46Markaasaa Xushaam dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad ina Bedad, kaasoo Midyaan ku dilay beertii Moo'aab dhexdeeda, oo magaaladiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.
47ومات هدد فملك مكانه سملة من مسريقة.
47Markaasaa Hadad dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Samlah oo ahaa reer Masreqah.
48ومات سملة فملك مكانه شاول من رحوبوت النهر.
48Markaasaa Samlah dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Shaa'uul oo ka yimid Rexobod oo Webiga ku ag tiil.
49ومات شاول فملك مكانه بعل حانان بن عكبور.
49Markaasaa Shaa'uul dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Bacal Xaanaan ina Caqboor.
50ومات بعل حانان فملك مكانه هدد واسم مدينته فاعي واسم امرأته مهيطبئيل بنت مطرد بنت ماء الذهب.
50Markaasaa Bacal Xaanaan dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad, oo isna magaaladiisu waxay ahayd Faacuu, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Meheetabeel oo ay dhashay Matreed, iyana waxay ahayd ina Meesaahaab.
51ومات هدد فكانت امراء ادوم امير تمناع امير علوة امير يتيت
51Hadadna wuu dhintay. Oo ugaasyadii reer Edomna waxay ahaayeen ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,
52امير اهوليبامة امير ايلة امير فينون
52iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon,
53امير قناز امير تيمان امير مبصار
53iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar,iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Intaasu waa ugaasyadii reer Edom.
54امير مجديئيل امير عيرام. هؤلاء امراء ادوم
54iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Intaasu waa ugaasyadii reer Edom.