الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Chronicles

2

1هؤلاء بنو اسرائيل. رأوبين شمعون لاوي ويهوذا يساكر وزبولون
1Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,
2دان يوسف وبنيامين نفتالي جاد واشير.
2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.
3بنو يهوذا عير واونان وشيلة. ولد الثلاثة من بنت شوع الكنعانية. وكان عير بكر يهوذا شريرا في عيني الرب فاماته.
3Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay.
4وثامار كنته ولدت له فارص وزارح. كل بني يهوذا خمسة.
4Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan.
5ابنا فارص حصرون وحامول.
5Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul.
6وبنو زارح زمري وايثان وهيمان وكلكول ودارع. الجميع خمسة.
6Wiilashii Seraxna waxay ahaayeen Simrii, iyo Eetaan, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Daarac, oo dhammaantoodna waxay ahaayeen shan.
7وابن كرمي عخار مكدّر اسرائيل الذي خان في الحرام.
7Ina Karmiina wuxuu ahaa Caakaar oo ahaa kii reer binu Israa'iil dhibay, oo ku xadgudbay alaabtii la xaaraameeyey.
8وابن ايثان عزريا.
8Ina Eetaanna wuxuu ahaa Casaryaah.
9وبنو حصرون الذين ولدوا له يرحمئيل ورام وكلوباي.
9Oo weliba Xesroon wiilashiisii u dhashay waxay ahaayeen Yeraxme'eel, iyo Raam, iyo Keluubay.
10ورام ولد عمّيناداب وعمّيناداب ولد نحشون رئيس بني يهوذا
10Oo Raam wuxuu dhalay Cammiinaadaab, Cammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, oo reer Yahuudah amiir u ahaan jiray.
11ونحشون ولد سلمو وسلمو ولد بوعز
11Oo Naxshoon wuxuu dhalay Salmaa, Salmaana wuxuu dhalay Bocas,
12وبوعز ولد عوبيد وعوبيد ولد يسّى.
12Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,
13ويسّى ولد بكره اليآب وابيناداب الثاني وشمعى الثالث
13Yesayna wuxuu dhalay curadkiisii oo ahaa Elii'aab, iyo Abiinaadaab oo ahaa wiilkiisii labaad, iyo Shimcaa oo ahaa wiilkiisii saddexaad,
14ونثنئيل الرابع وردّاي الخامس
14iyo Netaneel oo ahaa kii afraad, iyo Radday oo ahaa kii shanaad,
15واوصم السادس وداود السابع.
15iyo Osem oo ahaa kii lixaad, iyo Daa'uud oo ahaa kii toddobaad,
16واختاهم صروية وابيجايل. وبنو صروية ابشاي ويوآب وعسائيل ثلاثة.
16oo walaalahoodii gabdhaha ahaana waxay ahaayeen Seruuyaah iyo Abiigayil, oo Seruuyaah wiilasheediina waxay ahaayeen Abishay, iyo Yoo'aab, iyo Casaaheel, oo waxay ahaayeen saddex.
17وابيجايل ولدت عماسا وابو عماسا يثر الاسمعيلي
17Abiigayilna waxay dhashay Camaasaa, oo Camaasaa aabbihiisna wuxuu ahaa Yeter oo reer Ismaaciil ahaa.
18وكالب بن حصرون ولد من عزوبة امرأته ومن يريعوث. وهؤلاء بنوها ياشر وشوباب واردون.
18Kaaleeb ina Xesroonna wuxuu carruur ka dhalay naagtiisii Casuubaah, iyo Yeriicood, oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilasheedii, waana Yeesher, iyo Shoobaab, iyo Ardoon.
19وماتت عزوبة فاتخذ كالب لنفسه أفرات فولدت له حور.
19Oo Casuubaahna way dhimatay, oo Kaaleeb wuxuu guursaday Efraad, oo iyana isagay u dhashay Xuur.
20وحور ولد اوري واوري ولد بصلئيل.
20Xuurna wuxuu dhalay Uurii, Uuriina wuxuu dhalay Besaleel.
21وبعد دخل حصرون على بنت ماكير ابي جلعاد واتخذها وهو ابن ستين سنة فولدت له سجوب.
21Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey ina Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub.
22وسجوب ولد يائير وكان له ثلاث وعشرون مدينة في ارض جلعاد.
22Seguubna wuxuu dhalay Yaa'iir, oo dalka reer Gilecaad ku lahaa saddex iyo labaatan magaalo.
23واخذ جشور وارام حوّوث يائير منهم مع قناة وقراها ستين مدينة. كل هؤلاء بنو ماكير ابي جلعاد.
23Oo Geshuur iyo Araam ayaa waxay qaateen magaalooyinkii reer Yaa'iir, iyo Qenaad, iyo tuulooyinkeedii, waxayna wada ahaayeen lixdan magaalo. Oo kulli intaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis.
24وبعد وفاة حصرون في كالب افراتة ولدت له ابيّاه امرأة حصرون اشحور ابا تقوع
24Oo Xesroon markuu Kaaleeb Efraataah ku dhintay dabadeed ayaa Abiiyaah oo ahayd Xesroon naagtiisii waxay isagii u dhashay Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiis.
25وكان بنو يرحمئيل بكر حصرون البكر رام ثم بونة واورن واوصم واخيّا.
25Oo Yeraxme'eel oo ahaa curadkii Xesroon wiilashiisiina waxay ahaayeen Raam oo curadkiisii ahaa, iyo Buunaah, iyo Oren, iyo Osem, iyo Axiiyaah.
26وكانت امرأة اخرى ليرحمئيل اسمها عطارة. هي ام اونام.
26Oo Yeraxme'eelna wuxuu qabay naag kale, oo magaceeda la odhan jiray Cataaraah, oo iyana waxay ahayd Oonaam hooyadiis.
27وكان بنو رام بكر يرحمئيل معص ويمين وعاقر.
27Oo Raam oo ahaa curadkii Yeraxme'eel wiilashiisii waxay ahaayeen Macas, iyo Yaamiin, iyo Ceeqer.
28وكان ابنا اونام شمّاي وياداع. وابنا شمّاي ناداب وابيشور.
28Wiilashii Oonaamna waxay ahaayeen Shammay, iyo Yaadaac, wiilashii Shammayna waxay ahaayeen Naadaab iyo Abiishuur.
29واسم امرأة ابيشور ابيحايل وولدت له احبان وموليد.
29Oo naagtii Abiishuur magaceedana waxaa la odhan jiray Abiixayil, iyana waxay isagii u dhashay Axbaan iyo Mooliid.
30وابنا ناداب سلد وافّايم. ومات سلد بلا بنين.
30Wiilashii Naadaabna waxay ahaayeen Seled, iyo Afayim, laakiinse Seled wiilalla'aan buu ku dhintay.
31وابن افّايم يشعي وابن يشعي شيشان وابن شيشان احلاي.
31Ina Afayimna wuxuu ahaa Yishcii. Ina Yishciina wuxuu ahaa Sheeshaan. Ina Sheeshaanna wuxuu ahaa Axlay.
32وابنا ياداع اخي شمّاي يثر ويوناثان. ومات يثر بلا بنين.
32Shammay walaalkiisii oo Yaadaac ahaa wiilashiisiina waxay ahaayeen Yeter, iyo Yoonaataan, Yeterna wiilalla'aan buu ku dhintay.
33وابنا يوناثان فالت وزازا. هؤلاء هم بنو يرحمئيل.
33Wiilashii Yoonaataanna waxay ahaayeen Feled, iyo Saasaa. Kuwaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Yeraxme'eel.
34ولم يكن لشيشان بنون بل بنات. وكان لشيشان عبد مصري اسمه يرحع.
34Haddaba Sheeshaan wiilal ma lahayn, gabdho mooyaane. Oo Sheeshaan wuxuu lahaa addoon Masri ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Yarxaac.
35فاعطى شيشان ابنته ليرحع عبده امرأة فولدت له عتّاي.
35Markaasaa Sheeshaan gabadhiisii u guuriyey addoonkiisii Yarxaac la odhan jiray, oo iyana waxay isagii u dhashay Catay.
36وعتّاي ولد ناثان وناثان ولد زاباد
36Catayna wuxuu dhalay Naataan, Naataanna wuxuu dhalay Saabaad,
37وزاباد ولد افلال وافلال ولد عوبيد
37Saabaadna wuxuu dhalay Eflaal, Eflaalna wuxuu dhalay Coobeed,
38وعوبيد ولد ياهو وياهو ولد عزريا
38Coobeedna wuxuu dhalay Yeehuu, Yeehuuna wuxuu dhalay Casaryaah,
39وعزريا ولد حالص وحالص ولد إلعاسة
39Casaryaahna wuxuu dhalay Xeles, Xelesna wuxuu dhalay Elecaasaah,
40وإلعاسة ولد سسماي وسسماي ولد شلّوم
40Elecaasaahna wuxuu dhalay Sismay, Sismayna wuxuu dhalay Shalluum,
41وشلّوم ولد يقمية ويقمية ولد اليشمع
41Shalluumna wuxuu dhalay Yeqamyaah, Yeqamyaahna wuxuu dhalay Eliishaamaac.
42وبنو كالب اخي يرحمئيل ميشاع بكره. هو ابو زيف. وبنو مريشة ابي حبرون.
42Yeraxme'eel walaalkiis Kaaleeb wiilashiisiina waxay ahaayeen curadkiisii Meeshaac, oo Siif aabbihiis ahaa, iyo wiilashii Maareeshaah oo ahaa Xebroon aabbihiis.
43وبنو حبرون قورح وتفّوح وراقم وشامع.
43Wiilashii Xebroonna waxay ahaayeen Qorax, iyo Tafuu'ax, iyo Reqem, iyo Shemac.
44وشامع ولد راقم ابا يرقعا. وراقم ولد شمّاي.
44Shemacna wuxuu dhalay Raxam, oo ahaa Yorqecaam aabbihiis, Reqemna wuxuu dhalay Shammay.
45وابن شمّاي معون ومعون ابو بيت صور.
45Shammay wiilkiisiina wuxuu ahaa Maacoon, Maacoonna wuxuu ahaa Beytsuur aabbihiis.
46وعيفة سرية كالب ولدت حاران وموصا وجازيز. وحاران ولد جازيز.
46Ceefah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Xaaraan, iyo Moosaa, iyo Gaasees, oo Xaaraanna wuxuu dhalay Gaasees.
47وبنو يهداي رجم ويوثام وجيشان وفلط وعيفة وشاعف.
47Wiilashii Yaahdayna waxay ahaayeen Regem, iyo Yootam, iyo Geeshaan, iyo Feled, iyo Ceefah, iyo Shacaf.
48واما معكة سرية كالب فولدت شبر وترحنة.
48Macakaah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Sheber iyo Tirxanaah.
49وولدت شاعف ابا مدمنّة وشوا ابا مكبينا وابا جبعا. وبنت كالب عكسة
49Oo waxay kaloo dhashay Shacaf oo ahaa Madmannaah aabbihiis, iyo Shewaa oo ahaa Makbeenaa aabbihiis, iyo Gibecaa aabbihiis, oo Kaaleeb gabadhiisana waxaa la odhan jiray Caksaah.
50هؤلاء هم بنو كالب بن حور بكر افراتة. شوبال ابو قرية يعاريم
50Oo kuwanu waxay wada ahaayeen ilmaha Kaaleeb, kaasoo ahaa ina Xuur, oo ahaa curadkii Efraataah, iyo Shoobaal oo ahaa Qiryad Yecaariim aabbihiis,
51وسلما ابو بيت لحم وحاريف ابو بيت جادير.
51iyo Salmaa oo ahaa Beytlaxam aabbihiis, iyo Xaareef oo ahaa Beytgaadeer aabbihiis.
52وكان لشوبال ابي قرية يعاريم بنون هرواه وحصي همّنوحوت
52Shoobaal oo ahaa Qiryad Yecaariim aabbihiisna wuxuu lahaa wiilal, Haaro'eh iyo reer Menuxood badhkiis.
53وعشائر قرية يعاريم اليثري والفوتي والشماتي والمشراعي. من هؤلاء خرج الصرعي والاشتاولي.
53Oo reer Qiryad Yecaariim qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Yeter, iyo reer Fuutii, iyo reer Shumaatii, iyo reer Mishraacii, oo kuwaas waxaa ka soo farcamay reer Sorcaah, iyo reer Eshtaa'ool.
54بنو سلما بيت لحم والنطوفاتي وعطروت بيت يوآب وحصي المنوحي الصرعي.
54Wiilashii Salmaana waxay ahaayeen Beytlaxam, iyo reer Netofaah, iyo Cataarood Beytyoo'aab, iyo reer Maanahad badhkiis, iyo reer Sorcii.Oo karraaniyadii Yacbees degganaa qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Tircaatii, iyo reer Shimcaatiim, iyo reer Suukaatiim. Intaasu waa reer Qeynkii ka soo farcamay Xammad oo ahaa reer Reekaab aabbahood.
55وعشائر الكتبة سكان يعبيص ترعاتيم وشمعاتيم وسوكاتيم. هم القينيون الخارجون من حمّة ابي بيت ركاب
55Oo karraaniyadii Yacbees degganaa qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Tircaatii, iyo reer Shimcaatiim, iyo reer Suukaatiim. Intaasu waa reer Qeynkii ka soo farcamay Xammad oo ahaa reer Reekaab aabbahood.