الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Chronicles

23

1لما شاخ داود وشبع اياما ملّك سليمان ابنه على اسرائيل.
1Haddaba Daa'uud wuu gaboobay, wuuna da' weynaa, markaasuu reer binu Israa'iil boqor uga dhigay wiilkiisii Sulaymaan.
2وجمع كل رؤساء اسرائيل والكهنة واللاويين.
2Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.
3فعدّ اللاويون من ابن ثلاثين سنة فما فوق فكان عددهم حسب رؤوسهم من الرجال ثمانية وثلاثين الفا.
3Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.
4من هؤلاء للمناظرة على عمل بيت الرب اربعة وعشرون الفا. وستة آلاف عرفاء وقضاة.
4Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,
5واربعة آلاف بوابون واربعة آلاف مسبحون للرب بالآلات التي عملت للتسبيح.
5oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.
6وقسمهم داود فرقا لبني لاوي لجرشون وقهات ومراري.
6Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
7من الجرشونيين لعدان وشمعي.
7Reer Gershoon waxaa ahaa Lacdaan iyo Shimcii.
8بنو لعدان الراس يحيئيل ثم زيثام ويوئيل ثلاثة.
8Wiilashii Lacdaan waxay ahaayeen saddex, waana Yexii'eel oo madax ahaa, iyo Seetaam, iyo Yoo'eel.
9بنو شمعي شلوميث وحزيئيل وهاران ثلاثة. هؤلاء رؤوس آباء للعدان.
9Wiilashii Shimciina waxay ahaayeen saddex, waana Shelomood, iyo Xasii'eel, iyo Xaaraan, kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinkii reer Lacdaan.
10وبنو شمعي يحث وزينا ويعوش وبريعة. هؤلاء بنو شمعي اربعة
10Oo waxaa wiilashii Shimcii ahaa Yaaxad, iyo Siinaa, iyo Yecuush, iyo Beriicaah. Afartaasuba waxay ahaayeen wiilashii Shimcii.
11وكان يحث الراس وزيزة الثاني. اما يعوش وبريعة فلم يكثرا الاولاد فكانوا في الاحصاء لبيت اب واحد
11Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.
12بنو قهات عمرام ويصهار وحبرون وعزيئيل اربعة.
12Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen afar, waana Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon iyo Cusii'eel.
13ابنا عمرام هرون وموسى. وأفرز هرون لتقديسه قدس اقداس هو وبنوه الى الابد ليوقد امام الرب ويخدمه ويبارك باسمه الى الابد.
13Wiilashii Camraamna waxay ahaayeen Haaruun iyo Muuse, oo Haaruun waxaa gooni looga dhigay inay isagii iyo wiilashiisuba weligood quduus ka dhigaan waxyaalaha ugu wada quduusan iyo inay Rabbiga hortiisa foox ku shidaan, oo ay u adeegaan oo ay weligoodba magiciisa ku duceeyaan.
14واما موسى رجل الله فدعي بنوه مع سبط لاوي.
14Laakiinse Muuse oo ahaa nin Ilaah wiilashiisii waxaa lagu tiriyey qabiilka reer Laawi.
15ابنا موسى جرشوم واليعزر.
15Wiilashii Muusena waxay ahaayeen Gershoom iyo Eliiceser.
16بنو جرشوم شبوئيل الراس.
16Ina Gershoomna wuxuu ahaa Shebuu'eel oo madax ahaa.
17وكان ابن اليعزر رحبيا الراس ولم يكن لاليعزر بنون آخرون. واما بنو رحبيا فكانوا كثيرين جدا.
17Ina Eliiceserna wuxuu ahaa Rexabyaah oo madax ahaa. Oo Eliiceser innaba wiilal kale ma lahayn, laakiinse Rexabyaah wiilashiisu aad bay u badnaayeen.
18بنو يصهار شلوميث الراس.
18Ina Isehaarna wuxuu ahaa Shelomiid oo madax ahaa.
19بنو حبرون يريا الراس وامريا الثاني ويحزيئيل الثالث ويقمعام الرابع.
19Wiilashii Xebroonna waxay ahaayeen Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.
20ابنا عزيئيل ميخا الراس ويشّيّا الثاني.
20Wiilashii Cusii'eelna waxay ahaayeen Miikaah oo madax ahaa, iyo Yishiyaah oo ahaa kii labaad.
21ابنا مراري محلي وموشى. ابنا محلي العازار وقيس.
21Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Wiilashii Maxliina waxay ahaayeen Elecaasaar iyo Qiish.
22ومات العازار ولم يكن له بنون بل بنات فأخذهنّ بنو قيس اخوتهنّ
22Oo Elecaasaarna wuxuu dhintay isagoo gabdho keliya mooyaane aan wiilal lahayn, oo waxaa gabdhihiisii guursaday reer Qiish oo ahaa ilma-adeerradood.
23بنو موشي محلي وعادر ويريموث ثلاثة
23Wiilashii Mushiina waxay ahaayeen saddex, waana Maxlii iyo Ceeder iyo Yereemood.
24هؤلاء بنو لاوي حسب بيوت آبائهم رؤوس الآباء حسب احصائهم في عدد الاسماء حسب رؤوسهم عاملو العمل لخدمة بيت الرب من ابن عشرين سنة فما فوق.
24Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.
25لان داود قال قد اراح الرب اله اسرائيل شعبه فسكن في اورشليم الى الابد.
25Waayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem.
26وليس للاويين بعد ان يحملوا المسكن وكل آنيته لخدمته.
26Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan.
27لانه حسب كلام داود الاخير عدّ بنو لاوي من ابن عشرين سنة فما فوق.
27Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.
28لانهم كانوا يقفون بين يدي بني هرون على خدمة بيت الرب في الدور والمخادع وعلى تطهير كل قدس وعمل خدمة بيت الله
28Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.
29وعلى خبز الوجوه ودقيق التقدمة ورقاق الفطير وما يعمل على الصاج والمربوكات وعلى كل كيل وقياس
29Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan,
30ولاجل الوقوف كل صباح لحمد الرب وتسبيحه وكذلك في المساء.
30iyo inay subax kasta u istaagaan inay Rabbiga ku mahad naqaan oo ammaanaan, oo haddana habeenkiina saasoo kalay yeeli jireen.
31ولكل اصعاد محرقات للرب في السبوت والاهلّة والمواسم بالعدد حسب المرسوم عليهم دائما امام الرب
31Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd,wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.
32وليحرسوا حراسة خيمة الاجتماع وحراسة القدس وحراسة بني هرون اخوتهم في خدمة بيت الرب
32wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.