1وهذه فرق بني هرون. بنو هرون ناداب وابيهو العازار وايثامار.
1Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
2ومات ناداب وابيهو قبل ابيهما ولم يكن لهما بنون فكهن العازار وايثامار.
2Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.
3وقسمهم داود وصادوق من بني العازار واخيمالك من بني ايثامار حسب وكالتهم في خدمتهم.
3Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.
4ووجد لبني العازار رؤوس رجال اكثر من بني ايثامار فانقسموا لبني العازار رؤوسا لبيت آبائهم ستة عشر ولبني ايثامار لبيت آبائهم ثمانية.
4Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen.
5وانقسموا بالقرعة هؤلاء مع هؤلاء لان رؤساء القدس ورؤساء بيت الله كانوا من بني العازار ومن بني ايثامار.
5Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba.
6وكتبهم شمعيا بن نثنئيل الكاتب من اللاويين امام الملك والرؤساء وصادوق الكاهن واخيمالك بن ابياثار ورؤوس الآباء للكهنة واللاويين فاخذ بيت اب واحد لالعازار وأخذ واحد لايثامار.
6Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.
7فخرجت القرعة الاولى ليهوياريب. الثانية ليدعيا.
7Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,
8الثالثة لحاريم. الرابعة لسعوريم.
8kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim,
9الخامسة لملكيا. السادسة لميّامين.
9kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin,
10السابعة لهقّوص. الثامنة لابيّا.
10kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,
11التاسعة ليشوع. العاشرة لشكنيا.
11kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah,
12الحادية عشرة لالياشيب. الثانية عشرة لياقيم.
12kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,
13الثالثة عشرة لحفّة. الرابعة عشرة ليشبآب.
13kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,
14الخامسة عشرة لبلجة. السادسة عشرة لإيمير.
14kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,
15السابعة عشرة لحيزير. الثامنة عشرة لهفصيص.
15kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,
16التاسعة عشرة لفتحيا. العشرون ليحزقيئيل.
16kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,
17الحادية والعشرون لياكين. الثانية والعشرون لجامول.
17kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,
18الثالثة والعشرون لدلايا. الرابعة والعشرون لمعزيا.
18kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.
19فهذه وكالتهم وخدمتهم للدخول الى بيت الرب حسب حكمهم عن يد هرون ابيهم كما أمره الرب اله اسرائيل
19Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.
20واما بنو لاوي الباقون فمن بني عمرام شوبائيل ومن بني شوبائيل يحديا.
20Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.
21واما رحبيا فمن بني رحبيا الراس يشّيّا.
21Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa.
22ومن اليصهاريين شلوموث ومن بني شلوموث يحث
22Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad.
23ومن بني حبرون يريا وامريا الثاني ويحزيئيل الثالث ويقمعام الرابع.
23Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.
24من بني عزّيئيل ميخا. من بني ميخا شامور.
24Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir.
25اخو ميخا يشّيّا ومن بني يشّيّا زكريا.
25Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah.
26ابنا مراري محلي وموشي. ابن يعزيا بنو.
26Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.
27من بني مراري ليعزيا بنو وشوهم وزوكور وعبري.
27Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii.
28من محلي العازار ولم يكن له بنون.
28Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn.
29واما قيس فابن قيس يرحمئيل.
29Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel.
30وبنو موشي محلي وعادر ويريموث. هؤلاء بنو اللاويين حسب بيوت آبائهم.
30Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen.Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.
31والقوا هم ايضا قرعا مقابل اخوتهم بني هرون امام داود الملك وصادوق واخيمالك ورؤؤس آباء الكهنة واللاويين. الآباء الرؤوس كما اخوتهم الاصاغر
31Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.