1وبنو راوبين بكر اسرائيل. لانه هو البكر ولاجل تدنيسه فراش ابيه أعطيت بكوريته لبني يوسف بن اسرائيل فلم ينسب بكرا.
1Oo kuwanuna waa wiilashii Ruubeen kaasoo ahaa curadkii Israa'iil, (laakiinse isagu wuxuu nijaaseeyey gogoshii aabbihiis oo sidaas daraaddeed curadnimadiisii waxaa la siiyey wiilashii Yuusuf ina Israa'iil, oo abtiriskiisiina laguma tirin xagga curadnimadiisii.
2لان يهوذا اعتزّ على اخوته ومنه الرئيس واما البكورية فليوسف
2Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)
3بنو رأوبين بكر اسرائيل حنوك وفلّو وحصرون وكرمي.
3oo wiilashii Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.
4بنو يوئيل ابنه شمعيا وابنه جوج وابنه شمعي.
4Farcankii Yoo'eelna wuxuu ahaa Shemacyaah oo dhalay Juuj, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Miikaah,
5وابنه ميخا وابنه رآيا وابنه بعل
5oo isna dhalay Re'aayaah, oo isna dhalay Bacal,
6وابنه بئيرة الذي سباه تغلث فلناسر ملك اشور. هو رئيس الرأوبينيين.
6oo isna dhalay Be'eeraah, oo ahaa kii boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser la odhan jiray uu maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo isna wuxuu ahaa amiirkii reer Ruubeen.
7واخوته حسب عشائرهم في الانتساب حسب مواليدهم الرئيس يعيئيل وزكريا
7Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah,
8وبالع بن عزاز بن شامع بن يوئيل الذي سكن في عروعير حتى الى نبو وبعل معون.
8iyo Belac oo ahaa ina Caasaas ina Shemac oo ahaa ina Yoo'eel oo degganaan jiray Carooceer, iyo xataa tan iyo Nebo iyo Bacal Mecoon,
9وسكن شرقا الى مدخل البرية من نهر الفرات لان ماشيتهم كثرت في ارض جلعاد.
9oo xagga barina wuxuu degganaan jiray tan iyo xataa meesha laga galo cidlada markii laga soo bilaabo Webi Yufraad, maxaa yeelay, xoolahoodii ayaa ku tarmay dalkii Gilecaad.
10وفي ايام شاول عملوا حربا مع الهاجريين فسقطوا بايديهم وسكنوا في خيامهم في جميع جهات شرق جلعاد.
10Oo wakhtigii Saa'uul ayay la dagaallameen reer Hagrii'iim, oo iyaga gacantooda ku baabba'ay, oo iyana waxay degeen teendhooyinkoodii ku dhex yiil dalkii Gilecaad bari ka xigay oo dhan.
11وبنو جاد سكنوا مقابلهم في ارض باشان حتى الى سلخة.
11Oo waxaa meel iyaga ka soo hor jeedda, oo ah dalka Baashaan iyo tan iyo Salkaah degganaa wiilashii Gaad
12يوئيل الراس وشافاط ثانيه ويعناي وشافاط في باشان.
12kuwaasoo ahaa Yoo'eel oo madax ahaa, iyo Shaafaam oo ahaa kii labaad, iyo Yacnay, iyo Shaafaad, waxay wada joogeen Baashaan,
13واخوتهم حسب بيوت آبائهم ميخائيل ومشلام وشبع ويوراي ويعكان وزيع وعابر. سبعة.
13oo walaalahood oo ay isku reer ahaayeen waxay ahaayeen Miikaa'eel, iyo Meshullaam, iyo Shebac, iyo Yooray, iyo Yackaam, iyo Siica, iyo Ceeber, oo waxay ahaayeen toddoba.
14هؤلاء بنو ابيحايل بن حوري بن ياروح بن جلعاد بن ميخائيل بن يشيشاي بن يحدو بن بوز
14Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii Abiixayil ina Xuurii, oo ahaa ina Yaaroo'ax, oo ahaa ina Gilecaad, oo ahaa ina Miikaa'eel, oo ahaa ina Yeshiishay, oo ahaa ina Yaxdoo, oo ahaa ina Buus;
15واخي بن عبديئيل بن جوني رئيس بيت آبائهم.
15Axii ina Cabdii'eel oo ahaa ina Guunii madax buu u ahaa reerahoodii.
16وسكنوا في جلعاد في باشان وقراها وفي جميع مسارح شارون عند مخارجها.
16Oo waxay degganaayeen Gilecaad oo Baashaan ku tiil iyo magaalooyinkeedii, iyo Shaaroon agagaarkeedii oo dhan, iyo tan iyo soohdintooda meesha ugu fog.
17جميعهم انتسبوا في ايام يوثام ملك يهوذا وفي ايام يربعام ملك اسرائيل
17Oo kuwan oo dhan abtiriskooda waxaa la tiriyey wakhtigii Yootam oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa iyo wakhtigii Yaaraabcaam oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa.
18بنو رأوبين والجاديون ونصف سبط منسّى من بني البأس رجال يحملون الترس والسيف ويشدّون القوس ومتعلمون القتال اربعة واربعون الفا وسبع مئة وستون من الخارجين في الجيش.
18Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan.
19وعملوا حربا مع الهاجريين ويطور ونافيش ونوداب.
19Oo iyagu waxay la dagaallameen reer Hagrii'iim iyo reer Yetuur, iyo reer Naafiish, iyo reer Naadaab.
20فانتصروا عليهم فدفع ليدهم الهاجريون وكل من معهم لانهم صرخوا الى الله في القتال فاستجاب لهم لانهم اتكلوا عليه.
20Oo iyagiina waa looga hiiliyey, markaasaa reer Hagrii'iim waxaa la soo geliyey gacantoodii, iyagii iyo kuwii kale oo la jiray oo dhanba, waayo, intay dagaalka ku jireen ayay Ilaah u qayshadeen, wuuna aqbalay, maxaa yeelay, isagay isku halleeyeen.
21ونهبوا ماشيتهم جمالهم خمسين الفا وغنما مئتين وخمسين الفا وحميرا الفين وسبوا اناسا مئة الف.
21Oo waxay iyagii ka dhaceen xoolahoodii kuwaasoo ahaa geel ah konton kun, iyo ido ah laba boqol iyo konton kun, iyo dameerro ah laba kun, iyo dad tiradiisu tahay boqol qof.
22لانه سقط قتلى كثيرون لان القتال انما كان من الله. وسكنوا مكانهم الى السبي
22Oo qaar badan baa laga laayay, maxaa yeelay, dagaalku wuxuu ka yimid xag Ilaah. Oo meeshoodii bayna degeen tan iyo waagii maxaabiisnimada.
23وبنو نصف سبط منسّى سكنوا في الارض وامتدّوا من باشان الى بعل حرمون وسنير وجبل حرمون.
23Oo qabiilkii reer Manaseh badhkoodna dalkay degeen, oo waxay ku kordheen tan iyo Baashaan, iyo ilaa Bacal Xermoon, iyo tan iyo Seniir, iyo ilaa Buur Xermoon.
24وهؤلاء رؤوس بيوت آبائهم. عافر ويشعي واليئيل وعزريئيل ويرميا وهودوبا ويحديئيل رجال جبابرة بأس وذوو اسم ورؤوس لبيوت آبائهم.
24Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.
25وخانوا اله آبائهم وزنوا وراء آلهة شعوب الارض الذين طردهم الرب من امامهم.
25Oo iyagu waxay ku xadgudbeen Ilaahii awowayaashood, oo sidii naag ninkeedii ka dhillowday ayay raaceen ilaahyadii dadkii dalka degganaa, oo Ilaah hortooda ku baabbi'iyey.Oo markaasaa Ilaah wuxuu kiciyey boqorkii Ashuur ee Fuul ahaa, kaasoo ahaa boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser ahaa, oo isna iyagii buu kaxaystay xataa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu iyagii geeyey Xalax, iyo Xaaboor, iyo Haaraa, iyo tan iyo webiga Goosaan, oo halkaasay joogaan ilaa maantadan.
26فنبّه اله اسرائيل روح فول ملك اشور وروح تلغث فلناسر ملك اشور فسباهم الرأوبينيين والجاديين ونصف سبط منسّى واتى بهم الى حلح وخابور وهارا ونهر جوزان الى هذا اليوم
26Oo markaasaa Ilaah wuxuu kiciyey boqorkii Ashuur ee Fuul ahaa, kaasoo ahaa boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser ahaa, oo isna iyagii buu kaxaystay xataa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu iyagii geeyey Xalax, iyo Xaaboor, iyo Haaraa, iyo tan iyo webiga Goosaan, oo halkaasay joogaan ilaa maantadan.