1وبنيامين ولد بالع بكره واشبيل الثاني واخرخ الثالث
1Oo Benyaamiinna wuxuu dhalay Belac oo ahaa curadkiisii, iyo Ashbeel oo ahaa kii labaad, iyo Axrax oo ahaa kii saddexaad,
2ونوحة الرابع ورافا الخامس.
2iyo Nooxaah oo ahaa kii afraad, iyo Rafaa oo ahaa kii shanaad.
3وكان بنو بالع ادّار وجيرا وابيهود
3Oo Belacna wiilal buu lahaa, oo waxay ahaayeen Addaar, iyo Geeraa, iyo Abiihuud,
4وابيشوع ونعمان واخوخ
4iyo Abiishuuca, iyo Nacaman, iyo Axoo'ax,
5وحيرا وشفوفان وحورام.
5iyo Geeraa, iyo Shefuufaan, iyo Xuuraam.
6وهؤلاء بنو آحود. هؤلاء رؤوس آباء سكان جبع ونقلوهم الى مناحة.
6Kuwanuna waa wiilashii Eehuud, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ahaa dadkii Gebac degganaa, oo iyaga maxaabiis ahaan waa loogu kaxaystay Maanahad.
7اي نعمان واخيّا. وجيرا هو نقلهم وولد عزّا واخيحود.
7Oo weliba wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay Nacaman, iyo Axiiyaah, iyo Geeraa, oo wuxuu dhalay Cuusaah iyo Axiixud.
8وشجرايم ولد في بلاد موآب بعد اطلاقه امرأتيه حوشيم وبعرا.
8Oo Shaxarayimna wuxuu carruur ku dhalay dalkii Moo'aab markuu iska diray naagihiisii ahaa Xushiim iyo Bacaraa dabadeed.
9وولد من خودش امرأته يوباب وظبيا وميشا وملكام
9Oo naagtiisii Xodeshna wuxuu ka dhalay Yoobaab, iyo Sibyaa, iyo Meeshaa, iyo Malkaam,
10ويعوص وشبيا ومرمة. هؤلاء بنو رؤوس آباء.
10iyo Yecuus, iyo Shaakyaah, iyo Mirmaah. Intaasu waa wiilashiisii oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda.
11ومن حوشيم ولد ابيطوب وألفعل.
11Oo Xushiimna wuxuu ka dhalay Abiituub iyo Elfacal.
12وبنو ألفعل عابر ومشعام وشامر وهو بنى اونو ولود وقراها.
12Wiilashii Elfacalna waxay ahaayeen Ceeber iyo Mishcaam iyo Shemed oo ahaa kii dhisay Oonoo iyo Lod iyo magaalooyinkooda oo dhan,
13وبريعة وشمع. هما راسا آباء لسكان ايّلون وهما طردا سكان جتّ.
13iyo Beriicaah, iyo Shemac, oo ahaa madaxdii reeraha dadkii Ayaaloon degganaa oo ahaa kuwii eryay dadkii Gad degganaa,
14واخيو وشاشق ويريموت
14iyo Axiyoo, iyo Shaashaq, iyo Yereemood,
15وزبديا وعراد وعادر
15iyo Sebadyaah, iyo Caraad, iyo Ceeder,
16وميخائيل ويشفة ويوخا ابناء بريعة.
16iyo Miikaa'eel, iyo Yishfaah, iyo Yooxaa, oo ahaa wiilashii Beriicaah,
17وزبديا ومشلام وحزقي وحابر
17iyo Sebadyaah, iyo Meshullaam, iyo Xisqii, iyo Xeber,
18ويشمراي ويزلياه ويوباب ابناء ألفعل.
18iyo Yishmeray, iyo Isliyaah, iyo Yoobaab, oo ahaa wiilashii Elfacal,
19وياقيم وزكري وزبدي
19iyo Yaaqiim, iyo Sikrii, iyo Sabdii,
20واليعيناي وصلّتاي وايليئيل
20iyo Eliiceenay, iyo Silletay, iyo Elii'eel,
21وعدايا وبرايا وشمرة ابناء شمعي.
21iyo Cadaayaah, iyo Beraayaah, iyo Shimraad, oo wada ahaa wiilashii Shimcii,
22ويشفان وعابر وايليئيل
22iyo Yishfaan, iyo Ceeber, iyo Elii'eel,
23وعبدون وزكري وحانان
23iyo Cabdoon, iyo Sikrii iyo Xaanaan,
24وحننيا وعيلام وعنثوثيا
24iyo Xananyaah, iyo Ceelaam, iyo Cantotiyaah,
25ويفدايا وفنوئيل ابناء شاشق.
25iyo Yifdeyaah, iyo Fenuu'eel, oo wada ahaa wiilashii Shaashaq,
26وشمشراي وشحريا وعثليا
26iyo Shamsheray, iyo Shexaryaah, iyo Catalyaah,
27ويعرشيا وايليا وزكري ابناء يروحام.
27iyo Yacareshyaah, iyo Eliiyaah, iyo Sikrii, oo wada ahaa wiilashii Yeroxaam.
28هؤلاء رؤوس آباء. حسب مواليدهم رؤوس. هؤلاء سكنوا في اورشليم.
28Oo kuwaasu qarniyadoodii oo dhan waxay ahaayeen madaxdii reerahooda, oo waxay degganaayeen Yeruusaalem.
29وفي جبعون سكن ابو جبعون واسم امرأته معكة.
29Oo Gibecoonna waxaa degganaa Gibecoon aabbihiis Yecii'eel, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah,
30وابنه البكر عبدون ثم صور وقيس وبعل ناداب
30iyo curadkiisii Cabdoon ahaa, iyo Suur, iyo Qiish, iyo Bacal,
31وجدور واخيو وزاكر.
31iyo Naadaab, iyo Gedoor, iyo Axiyoo, iyo Seker.
32ومقلوث ولد شماة. وهم ايضا مع اخوتهم سكنوا في اورشليم مقابل اخوتهم
32Miqloodna wuxuu dhalay Shime'aah. Iyana walaalahood ayay la degganaayeen Yeruusaalem meel walaalahood ka soo hor jeedda.
33ونير ولد قيس وقيس ولد شاول وشاول ولد يهوناثان وملكيشوع وابيناداب واشبعل.
33Neerna wuxuu dhalay Qiish, Qiishna wuxuu dhalay Saa'uul, Saa'uulna wuxuu dhalay Yoonaataan, iyo Melkiishuuca, iyo Abiinaadaab, iyo Eshbacal.
34وابن يهوناثان مريببعل ومريببعل ولد ميخا.
34Wiilkii Yoonaataanna wuxuu ahaa Meriibacal, Meriibacalna wuxuu dhalay Miikaah.
35وبنو ميخا فيثون ومالك وتاريع وآحاز.
35Wiilashii Miikaahna waxay ahaayeen Fiitoon, iyo Meleg, iyo Tareeca, iyo Aaxaas.
36وآحاز ولد يهوعدّة ويهوعدة ولد علمث وعزموت وزمري. وزمري ولد موصا
36Aaxaasna wuxuu dhalay Yehoocaddaah, Yehoocaddaahna wuxuu dhalay Calemed, iyo Casmaawed, iyo Simrii, Simriina wuxuu dhalay Moosaa.
37وموصا ولد بنعة ورافة ابنه والعاسة ابنه وآصيل ابنه
37Moosaana wuxuu dhalay Bincaa, oo wiilkiisiina wuxuu ahaa Rafaah, oo dhalay Elecaasaah, oo isna dhalay Aaseel.
38ولآصيل ستة بنين وهذه اسماؤهم. عزريقام وبكرو واسماعيل وشعريا وعوبديا وحانان. كل هؤلاء بنو آصيل.
38Aaseelna wuxuu lahaa lix wiil, oo magacyadoodiina waa kuwan: Casriiqaam, iyo Bokeruu, iyo Ismaaciil, iyo Shecaryaah, iyo Cobadyaah, iyo Xaanaan. Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen wiilashii Aaseel.
39وبنو عاشق اخيه اولام بكره ويعوش الثاني واليفلط الثالث.
39Ceesheq oo ahaa walaalkiis wiilashiisiina waa kuwan, Uulaam oo curadkiisii ahaa, iyo Yecuush oo ahaa kii labaad, iyo Eliifeled oo ahaa kii saddexaad.Wiilashii Uulaamna waxay ahaayeen rag xoog badan, iyo qaansoley, oo waxay lahaayeen wiilal badan iyo wiilal ay wiilashoodu sii dhaleen, oo isku ah boqol iyo konton nin. Oo intaas oo dhammuna waxay ka yimaadeen wiilashii Benyaamiin.
40وكان بنو اولام رجالا جبابرة بأس يغرقون في القسي كثيري البنين وبني البنين مئة وخمسين. كل هؤلاء من بني بنيامين
40Wiilashii Uulaamna waxay ahaayeen rag xoog badan, iyo qaansoley, oo waxay lahaayeen wiilal badan iyo wiilal ay wiilashoodu sii dhaleen, oo isku ah boqol iyo konton nin. Oo intaas oo dhammuna waxay ka yimaadeen wiilashii Benyaamiin.