الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Chronicles

7

1وبنو يساكر تولاع وفوّة وياشوب وشمرون اربعة.
1Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac, iyo Fuwaah, iyo Yaashuub, iyo Shimroon, afar bay ahaayeen.
2وبنو تولاع عزّي ورفايا ويريئيل ويحماي ويبسام وشموئيل رؤوس بيت ابيهم تولاع جبابرة بأس حسب مواليدهم. كان عددهم في ايام داود اثنين وعشرين الفا وست مئة.
2Wiilashii Toolacna waxay ahaayeen Cusii, iyo Refaayaah, iyo Yerii'eel, iyo Yahmay, iyo Yibsaam, iyo Shemuu'eel, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahoodii oo ahaa reer Toolac, oo qarnigoodiina rag xoog badan bay ku ahaayeen. Wakhtigii Daa'uud joogayna tiradoodu waxay ahayd laba iyo labaatan kun iyo lix boqol.
3وابن عزي يزرحيا وبنو يزرحيا ميخائيل وعوبديا ويوئيل ويشّيّا خمسة. كلهم رؤوس.
3Farcankii Cusiina waxay ahaayeen Yisraxyaah, iyo wiilashii Yisraxyaah oo ahaa Miikaa'eel, iyo Cobadyaah, iyo Yoo'eel, iyo Yishiyaah, oo waxay isku ahaayeen shan, dhammaantoodna waxay ahaayeen rag madax ah.
4ومعهم حسب مواليدهم وبيوت آبائهم جيوش اجناد الحرب ستة وثلاثون الفا لانهم كثّروا النساء والبنين.
4Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.
5واخوتهم حسب كل عشائر يساكر جبابرة بأس سبعة وثمانون الفا مجمل انتسابهم
5Oo walaalahoodii qolooyinka reer Isaakaar ku dhex jiray oo dhammu waxay ahaayeen rag xoog badan, oo kulligoodna abtiriskooda la tiriyey, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo siddeetan kun oo qof.
6لبنيامين بالع وباكر ويديعئيل. ثلاثة.
6Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Yediica'eel, oo ahaa saddex.
7وبنو بالع اصبون وعزّي وعزيئيل ويرموث وعيري. خمسة. رؤوس بيوت آباء جبابرة بأس وقد انتسبوا اثنين وعشرين الفا واربعة وثلاثين.
7Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.
8وبنو باكر زميرة ويوعاش واليعزر واليوعيناي وعمري ويريموث وابيا وعناثوث وعلامث كل هؤلاء بنو باكر.
8Wiilashii Bekerna waxay ahaayeen Semiiraah, iyo Yoo'aash, iyo Eliiceser, iyo Eliyooceenay, iyo Comrii, iyo Yereemood, iyo Abiiyaah, iyo Canaatood, iyo Calemed. Oo intaas oo dhammu waxay wada ahaayeen wiilashii Beker.
9وانتسابهم حسب مواليدهم رؤوس بيوت آبائهم جبابرة بأس عشرون الفا ومئتان.
9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.
10وابن يديعيئيل بلهان وبنو بلهان يعيش وبنيامين واهود وكنعنة وزيتان وترشيش واخيشاحر.
10Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.
11كل هؤلاء بنو يديعئيل حسب رؤوس الآباء جبابرة البأس سبعة عشر الفا ومئتان من الخارجين في الجيش للحرب.
11Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen farcankii Yediica'eel sidii ay ahaayeen madaxdii reerahoodu, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo intoodii dagaal aawadiis ciidanka u geli kartay waxay ahaayeen toddoba iyo toban kun iyo laba boqol,
12وشفّيم وحفّيم ابنا عير وحوشيم بن احير
12iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.
13بنو نفتالي يحصيئيل وجوني ويصر وشلوم بنو بلهة
13Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.
14بنو منسّى اشريئيل الذي ولدته سرّيته الاراميّة. ولدت ماكير ابا جلعاد.
14Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,
15وماكير اتخذ امرأة اخت حفيم وشفيم واسمها معكة. واسم ابنه الثاني صلفحاد. وكان لصلفحاد بنات.
15Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.
16وولدت معكة امرأة ماكير ابنا ودعت اسمه فرش واسم اخيه شارش وابناه اولام وراقم.
16Oo Macakaah oo ahayd Maakiir naagtiisiina waxay dhashay wiil, oo magiciisiina waxay u bixisay Feresh, oo walaalkiis magiciisana waxaa la odhan jiray Shereesh, wiilashiisiina waxay ahaayeen Uulaam iyo Raaqem.
17وابن اولام بدان. هؤلاء بنو جلعاد بن ماكير بن منسّى.
17Ina Uulaamna wuxuu ahaa Bedaan. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, oo ka sii ahaa ina Manaseh.
18واخته همّولكة ولدت ايشهود وابيعزر ومحلة.
18Oo walaashiis Hammolekedna waxay dhashay Iishood, iyo Abiiceser, iyo Maxlaah.
19وكان بنو شميداع اخيان وشكيم ولقحي وانيعام
19Wiilashii Shemiidaacna waxay ahaayeen Axyaan, iyo Shekem, iyo Liqxii, iyo Aniicaam.
20وبنو افرايم شوتالح وبرد ابنه وتحث ابنه والعادا ابنه وتحث ابنه
20Farcankii Efrayimna waxay ahaayeen Shuutelax oo dhalay Bered, oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Elcaadaah, oo isna dhalay Taxad,
21وزاباد ابنه وشوتالح ابنه وعزر والعاد وقتلهم رجال جتّ المولودون في الارض لانهم نزلوا ليسوقوا ماشيتهم.
21oo isna dhalay Saabaad, oo isna dhalay Shuutelax, iyo weliba Ceser, iyo Elcaad oo ay dileen dadkii reer Gad oo dalka ku dhashay, maxaa yeelay, iyagu waxay u soo degeen inay xoolahooda dhacaan.
22وناح افرايم ابوهم اياما كثيرة واتى اخوته ليعزّوه.
22Oo aabbahood Efrayimna maalmo badan ayuu aawadood u barooranayay, laakiinse waxaa isaga u yimid walaalihiis inay tacsiyeeyaan.
23ودخل على امرأته فحبلت وولدت ابنا فدعا اسمه بريعة لان بلية كانت في بيته.
23Oo isna markaasuu naagtiisii u tegey, kolkaasay uuraysatay oo waxay dhashay wiil. Markaasuu magiciisii u bixiyey Beriicaah, maxaa yeelay, belaayaa reerkiisii ku dhacday.
24وبنته شيرة. وقد بنت بيت حورون السفلى والعليا وأزّين شيرة.
24Oo gabadhiisana waxaa la odhan jiray She'eraah, oo iyadu waxay dhistay Beytxooroon tan hoose iyo tan sareba, iyo weliba Useen She'eraah.
25ورفح ابنه ورشف وتلح ابنه وتاحن ابنه
25Oo wuxuu dhalay Refax, oo isna dhalay Reshef, iyo wiilkiisii Telax, oo isna dhalay Tahan,
26ولعدان ابنه وعميهود ابنه واليشمع ابنه
26oo isna dhalay Lacdaan, oo isna dhalay Cammiihuud, oo isna dhalay Eliishaamaa,
27ونون ابنه ويهوشوع ابنه.
27oo isna dhalay Nuun, oo isna dhalay Yashuuca.
28واملاكهم ومساكنهم بيت ايل وقراها وشرقا نعران وغربا جازر وقراها وشكيم وقراها الى غزّة وقراها.
28Oo hantidoodii iyo hoygoodiiba waxay ahaayeen Beytel iyo magaalooyinkeeda, iyo xagga bari Nacaraan, iyo xagga galbeed Geser, iyo magaalooyinkeeda, iyo weliba Shekem iyo magaalooyinkeedii, iyo Casaah iyo magaalooyinkeedii,
29ولجهة بني منسّى بيت شان وقراها وتعنك وقراها ومجدو وقراها ودور وقراها. في هذه سكن بنو يوسف بن اسرائيل
29iyo xagga reer Manasehna Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo Door iyo magaalooyinkeedii. Magaalooyinkaas waxaa degganaa reer Yuusuf ina Israa'iil.
30بنو اشير يمنة ويشوة ويشوي وبريعة وسارح اختهم.
30Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.
31وابنا بريعة حابر وملكيئيل. هو ابو برزاوث.
31Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.
32وحابر ولد يفليط وشومير وحوثام وشوعا اختهم.
32Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.
33وبنو يفليط فاسك وبمهال وعشوة. هؤلاء بنو يفليط.
33Wiilashii Yafleedna waxay ahaayeen Faasag, iyo Bimhaal, iyo Cashwaad. Intaasu waa ilma Yafleed.
34وبنو شامر اخي ورهجة ويحبّة وارام.
34Wiilashii Shemerna waxay ahaayeen Axii, iyo Raahgaah, iyo Yehubbaah, iyo Araam.
35وبنو هيلام اخيه صوفح ويمناع وشالش وعامال.
35Oo walaalkiisii Xeelem wiilashiisiina waxay ahaayeen Soofax, iyo Yimnaac, iyo Sheelesh iyo Caamaal.
36وبنو صوفح سوح وحرنفر وشوعال وبيري ويمرة
36Wiilashii Soofaxna waxay ahaayeen Suu'ax, iyo Xarnefer, iyo Shuucaal, iyo Beerii, iyo Yimraah,
37وباصر وهود وشمّا وشلشة ويثران وبئيرا.
37iyo Beser, iyo Xood, iyo Shammaa, iyo Shilshaah, iyo Yitraan, iyo Be'eeraa.
38وبنو يثر يفنة وفسفة وارا.
38Wiilashii Yeterna waxay ahaayeen Yefunneh, iyo Fisfaah, iyo Araa.
39وبنو علا آرح وحنيئيل ورصيا.
39Wiilashii Cullaana waxay ahaayeen Aarax, iyo Xannii'eel, iyo Risyaa.Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.
40كل هؤلاء بنو اشير رؤوس بيوت آباء منتخبون جبابرة بأس رؤوس الرؤساء وانتسابهم في الجيش في الحرب عددهم من الرجال ستة وعشرون الفا
40Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.