1واقاموا ثلاث سنين بدون حرب بين ارام واسرائيل.
1Oo intii saddex sannadood ah ayaanu dagaal dhex marin dadka Suuriya iyo dadka Israa'iil.
2وفي السنة الثالثة نزل يهوشافاط ملك يهوذا الى ملك اسرائيل.
2Oo waxay noqotay sannaddii saddexaad in Yehooshaafaad oo dalka Yahuudah boqor ka ahaa u yimid boqorkii dalka Israa'iil.
3فقال ملك اسرائيل لعبيده أتعلمون ان راموت جلعاد لنا ونحن ساكتون عن اخذها من يد ملك ارام.
3Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn inaan iska leennahay Raamod Gilecaad? Oo annana waannu iska fadhinnaa, oo kalama aannu bixin gacantii boqorka Suuriya!
4وقال ليهوشافاط أتذهب معي للحرب الى راموت جلعاد. فقال يهوشافاط لملك اسرائيل مثلي مثلك. شعبي كشعبك وخيلي كخيلك.
4Oo wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Dagaal baan Raamod Gilecaad u tegayaaye ma i raacaysaa? Oo Yehooshaafaadna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, fardahayguna waa fardahaagoo kale.
5ثم قال يهوشافاط لملك اسرائيل اسأل اليوم عن كلام الرب.
5Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii.
6فجمع ملك اسرائيل الانبياء نحو اربع مئة رجل وقال لهم. أأذهب الى راموت جلعاد للقتال ام امتنع. فقالوا اصعد فيدفعها السيد ليد الملك.
6Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa in ku dhow afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagaa mise waan iska daayaa? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Sayidku wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
7فقال يهوشافاط أما يوجد هنا بعد نبي للرب فنسأل منه.
7Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebiga Rabbigu jirin aan wax weyddiinnee?
8فقال ملك اسرائيل ليهوشافاط انه يوجد بعد رجل واحد لسؤال الرب به ولكني ابغضه لانه لا يتنبأ عليّ خيرا بل شرا وهو ميخا بن يملة. فقال يهوشافاط لا يقل الملك هكذا.
8Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Weli waxaa jira nin kale oo aan Rabbiga wax ka weyddiin karno, kaasuna waa Miikayhuu ina Yimlaah, laakiinse waan nebcahay, maxaa yeelay, isagu wax wanaagsan igama sheego wax xun mooyaane, oo Yehooshaafaadna wuxuu ku yidhi, Boqorow, saas ha odhan.
9فدعا ملك اسرائيل خصيا وقال اسرع اليّ بميخا بن يملة.
9Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u yeedhay mid sirkaal ah, oo wuxuu ku yidhi, Haddiiba ii keen Miikayhuu ina Yimlaah.
10وكان ملك اسرائيل ويهوشافاط ملك يهوذا جالسين كل واحد على كرسيه لابسين ثيابهما في ساحة عند مدخل باب السامرة وجميع الانبياء يتنبأون امامهما.
10Haddaba boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah mid kastaaba wuxuu ku fadhiyey carshigiisii, isagoo dharkii boqornimada qaba, oo waxay fadhiyeen meel bannaan oo ku taal iridda Samaariya laga soo galo, oo nebiyadii oo dhammuna hortooday wax ku sii sheegayeen.
11وعمل صدقيا بن كنعنة لنفسه قرني حديد وقال هكذا قال الرب بهذه تنطح الاراميين حتى يفنوا.
11Oo Sidqiyaah ina Kenacanaah ayaa samaystay geeso bir ah, oo wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Kuwan waad ku hardiyi doontaa reer Suuriya ilaa ay wada baabba'aan.
12وتنبأ جميع الانبياء هكذا قائلين اصعد الى راموت جلعاد وافلح فيدفعها الرب ليد الملك
12Oo nebiyadii oo dhammuna saasay sii wada sheegeen, iyagoo leh, Raamod Gilecaad tag oo guulayso, maxaa yeelay, Rabbigu wuu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
13واما الرسول الذي ذهب ليدعو ميخا فكلمه قائلا هوذا كلام جميع الانبياء بفم واحد خير للملك. فليكن كلامك مثل كلام واحد منهم وتكلم بخير.
13Oo wargeeyskii Miikayhuu loo diray inuu u soo yeedho wuu la hadlay oo ku yidhi, Bal eeg, nebiyadii war wanaagsan bay u sheegeen boqorkii, oo isku af bay ku wada hadleen. Haddaba waxaan kaa baryayaa in eraygaagu la mid noqdo eraygooda, oo adigu wax wanaagsan ku hadal.
14فقال ميخا حيّ هو الرب ان ما يقوله لي الرب به اتكلم.
14Markaasaa Miikayhuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaan sheegayaa wax alla wixii Rabbigu igu yidhaahdo.
15ولما اتى الى الملك قال له الملك يا ميخا أنصعد الى راموت جلعاد للقتال ام نمتنع. فقال له اصعد وافلح فيدفعها الرب ليد الملك.
15Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mase waannu iska daynaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Tag, oo ku soo guulayso; oo Rabbiguna iyaduu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
16فقال له الملك كم مرة استحلفتك ان لا تقول لي الا الحق باسم الرب.
16Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa?
17فقال رأيت كل اسرائيل مشتّتين على الجبال كخراف لا راعي لها. فقال الرب ليس لهؤلاء اصحاب فليرجعوا كل واحد الى بيته بسلام.
17Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
18فقال ملك اسرائيل ليهوشافاط أما قلت لك انه لا يتنبأ عليّ خيرا بل شرا.
18Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?
19وقال فاسمع اذا كلام الرب. قد رأيت الرب جالسا على كرسيه وكل جند السماء وقوف لديه عن يمينه وعن يساره.
19Markaasuu Miikayhuu yidhi, Haddaba erayga Rabbiga maqal, Waxaan arkay Rabbiga oo carshigiisa ku fadhiya oo ciidankii samada oo dhammuna taagan yihiin midigtiisa iyo bidixdiisa.
20فقال الرب من يغوي اخآب فيصعد ويسقط في راموت جلعاد. فقال هذا هكذا وقال ذاك هكذا.
20Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu yidhi, mid kalena sidaasuu yidhi.
21ثم خرج الروح ووقف امام الرب وقال انا اغويه. وقال له الرب بماذا.
21Markaasaa ruux soo baxay, oo Rabbiga hortiisa istaagay oo yidhi, Anigaa soo sasabaya.
22فقال اخرج واكون روح كذب في افواه جميع انبيائه. فقال انك تغويه وتقتدر. فاخرج وافعل هكذا.
22Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.
23والآن هوذا قد جعل الرب روح كذب في افواه جميع انبيائك هؤلاء والرب تكلم عليك بشر.
23Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan oo dhan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah.
24فتقدم صدقيا بن كنعنة وضرب ميخا على الفكّ وقال من اين عبر روح الرب مني ليكلمك.
24Markaasaa Sidqiyaah ina Kenacanaah intuu Miikayhuu u soo dhowaaday dhabanka ku dhuftay, oo wuxuu ku yidhi, War ruuxii Rabbigu xaggee buu iga maray inuu kula hadlo?
25فقال ميخا انك سترى في ذلك اليوم الذي تدخل فيه من مخدع الى مخدع لتختبئ.
25Kolkaasaa Miikayhuu ku yidhi, Waad arki doontaa maalinta aad qol hoose u geli doonto inaad ku dhuumato.
26فقال ملك اسرائيل خذ ميخا وردّه الى آمون رئيس المدينة والى يوآش ابن الملك
26Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil yidhi, Miikayhuu qabta oo u celiya Aamoon oo ah taliyaha magaalada, iyo Yoo'aash oo ah ina boqor;
27وقل هكذا قال الملك ضعوا هذا في السجن واطعموه خبز الضيق وماء الضيق حتى آتي بسلام.
27oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo.
28فقال ميخا ان رجعت بسلام فلم يتكلم الرب بي. وقال اسمعوا ايها الشعب اجمعون
28Markaasaa Miikayhuu ku yidhi, Sinaba haddaad ku soo nabad noqotid, Rabbigu igama dhex hadlin. Oo wuxuu kaloo yidhi, Dadkoo dhammow, maqla.
29فصعد ملك اسرائيل ويهوشافاط ملك يهوذا الى راموت جلعاد.
29Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.
30فقال ملك اسرائيل ليهوشافاط اني اتنكّر وادخل الحرب. واما انت فالبس ثيابك. فتنكّر ملك اسرائيل ودخل الحرب.
30Oo boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Anigu waan ismidab qarinayaa, oo dagaalkaan dhex gelayaa; laakiinse adigu dharkaaga xidho. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuu ismidab qariyey oo dagaalkuu dhex galay.
31وامر ملك ارام رؤساء المركبات التي له الاثنين والثلاثين وقال لا تحاربوا صغيرا ولا كبيرا الا ملك اسرائيل وحده.
31Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray laba iyo soddonkii sirkaal oo u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.
32فلما رأى رؤساء المركبات يهوشافاط قالوا انه ملك اسرائيل فمالوا عليه ليقاتلوه فصرخ يهوشافاط.
32Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isyidhaahdeen, Hubaal kanu waa boqorkii dalka Israa'iil, markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed; kolkaasaa Yehooshaafaad qayliyey.
33فلما رأى رؤساء المركبات انه ليس ملك اسرائيل رجعوا عنه.
33Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.
34وان رجلا نزع في قوسه غير متعمد وضرب ملك اسرائيل بين اوصال الدرع. فقال لمدير مركبته رد يدك واخرجني من الجيش لاني قد جرحت.
34Oo nin baa intuu qaansadiisii xooday kama' ahaan fallaadh u ganay, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil kaga dhuftay meesha dharkiisa dagaalku isaga yimaadeen. Markaasuu boqorku kii gaadhifaraskiisa kaxaynayay ku yidhi, Gacantaada leexi, oo ciidanka iga dhex bixi, waayo, aad baan u dhaawacmay.
35واشتدّ القتال في ذلك اليوم وأوقف الملك في مركبته مقابل ارام ومات عند المساء وجرى دم الجرح الى حضن المركبة.
35Oo maalintaas dagaalkii waa sii kordhay, oo boqorkiina gaadhifaraskiisii ayaa la dhex taagay, isagoo ka hor jeeda dadkii Suuriya, oo wuxuu dhintay makhribkii, oo dhiiggii dhaawaca ka baxay wuxuu iska dareerayay gaadhifaraska salkiisa.
36وعبرت الرنّة في الجند عند غروب الشمس قائلا كل رجل الى مدينته وكل رجل الى ارضه.
36Oo markii qorraxdu sii dhacaysay ayaa qaylo ka dhex baxday ciidankii oo dhan, oo waxay lahaayeen, War nin waluba ha tago magaaladiisii iyo waddankiisiiba.
37فمات الملك وأدخل السامرة فدفنوا الملك في السامرة.
37Oo sidaasuu boqorkii u dhintay, oo waxaa la keenay Samaariya, oo waxaana boqorkii lagu aasay Samaariya.
38وغسلت المركبة في بركة السامرة فلحست الكلاب دمه. وغسلوا سلاحه. حسب كلام الرب الذي تكلم به.
38Oo gaadhifaraskii waxaa lagu maydhay balligii Samaariya agtiisa, oo dhiiggiisiina eeyahaa leefleefay, oo waxay noqotay siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay. (Haddaba dhillooyinkii halkaasay isku maydheen.)
39وبقية أمور اخآب وكل ما فعل وبيت العاج الذي بناه وكل المدن التي بناها أما هي مكتوبة في سفر اخبار الايام لملوك اسرائيل.
39Haddaba Axaab falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo gurigii uu dhisay oo foolka maroodiga ahaa, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma wada qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
40فاضطجع اخآب مع آبائه وملك أخزيا ابنه عوضا عنه
40Markaasuu Axaab dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo wiilkiisii Axasyaah ayaa meeshiisii boqor ka noqday.
41وملك يهوشافاط ابن آسا على يهوذا في السنة الرابعة لاخآب ملك اسرائيل.
41Oo Yehooshaafaad ina Aasaa wuxuu boqor ka noqday dalka Yahuudah boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa sannaddiisii afraad.
42وكان يهوشافاط ابن خمس وثلاثين سنة حين ملك وملك خمسا وعشرين سنة في اورشليم واسم امه عزوبة بنت شلحي.
42Oo Yehooshaafaad markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood. Oo Yeruusaalemna shan iyo labaatan sannadood boqor buu ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Casuubaah ina Shilxii.
43وسار في كل طريق آسا ابيه. لم يحد عنها. اذ عمل المستقيم في عيني الرب. الا ان المرتفعات لم تنتزع بل كان الشعب لا يزال يذبح ويوقد على المرتفعات.
43Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa ku socday oo dhan, oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sare.
44وصالح يهوشافاط ملك اسرائيل.
44Oo Yehooshaafaadna nabad buu la dhigtay boqorkii dalka Israa'iil.
45وبقية امور يهوشافاط وجبروته الذي اظهره وكيف حارب أما هي مكتوبة في سفر اخبار الايام لملوك يهوذا.
45Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, iyo xooggiisii uu muujiyey, iyo sidii uu u dagaallamayba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
46وبقية المأبونين الذين بقوا في ايام آسا ابيه ابادهم من الارض.
46Oo makhnuudyadii intii wakhtigii aabbihiis Aasaa ka hadhayna dalka wuu ka wada eryay.
47ولم يكن في ادوم ملك. ملك وكيل.
47Oo Edomna boqor ma lahayn, laakiinse waxaa u talin jiray boqor-ku-xigeen.
48وعمل يهوشافاط سفن ترشيش لكي تذهب الى اوفير لاجل الذهب فلم تذهب لان السفن تكسرت في عصيون جابر.
48Oo Yehooshaafaadna wuxuu samaystay doonniyo Tarshiish inay Oofir tagaan oo dahab u doonaan aawadeed, laakiinse halkaas ma ay tegin, maxaa yeelay, doonniyihii waxay ku burbureen Cesyoon Geber agteeda.
49حينئذ قال اخزيا بن اخآب ليهوشافاط ليذهب عبيدي مع عبيدك في السفن. فلم يشأ يهوشافاط.
49Markaasaa Axasyaah oo ahaa ina Axaab ayaa Yehooshaafaad ku yidhi, Addoommadaydu addoommadaada doonniyaha ha la raaceen, laakiinse Yehooshaafaad wuu diiday taas.
50واضطجع يهوشافاط مع آبائه ودفن مع آبائه في مدينة داود ابيه فملك يهورام ابنه عوضا عنه
50Oo Yehooshaafaadna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooraam.
51اخزيا ابن اخآب ملك على اسرائيل في السامرة في السنة السابعة عشرة ليهوشافاط ملك يهوذا. ملك على اسرائيل سنتين.
51Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.
52وعمل الشر في عيني الرب وسار في طريق ابيه وطريق امه وطريق يربعام بن نباط الذي جعل اسرائيل يخطئ
52Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.
53وعبد البعل وسجد له واغاظ الرب اله اسرائيل حسب كل ما فعل ابوه
53Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.