الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

2 Kings

1

1وعصى موآب على اسرائيل بعد وفاة اخآب
1Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil.
2وسقط اخزيا من الكوّة التي في علّيته التي في السامرة فمرض وارسل رسلا وقال لهم اذهبوا اسألوا بعل زبوب اله عقرون ان كنت ابرأ من هذا المرض.
2Oo Axasyaahna wuxuu ka dhacay daaqaddii qolkiisii sare oo Samaariya ku yiil, wuuna bukooday, markaasuu wargeeyayaal diray, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon waxaad ii soo weyddiisaan bal inaan buktadan ka bogsanayo iyo in kale.
3فقال ملاك الرب لايليا التشبي قم اصعد للقاء رسل ملك السامرة وقل لهم أليس لانه لا يوجد في اسرائيل اله تذهبون لتسألوا بعل زبوب اله عقرون.
3Laakiinse malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi Eliiyaah kii reer Tishbii, Kac oo ka hor tag wargeeyayaasha boqorka Samaariya, oo waxaad ku tidhaahdaa, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad Bacal Sebuub wax u soo weyddiinaysaan?
4فلذلك هكذا قال الرب ان السرير الذي صعدت عليه لا تنزل عنه بل موتا تموت فانطلق ايليا.
4Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey.
5ورجع الرسل اليه فقال لهم لماذا رجعتم.
5Kolkaasaa wargeeyayaashii isagii ku soo noqdeen, oo isna wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo noqoteen?
6فقالوا له صعد رجل للقائنا وقال لنا اذهبوا راجعين الى الملك الذي ارسلكم وقولوا له هكذا قال الرب اليس لانه لا يوجد في اسرائيل اله ارسلت لتسال بعل زبوب اله عقرون. لذلك السرير الذي صعدت عليه لا تنزل عنه بل موتا تموت.
6Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.
7فقال لهم ما هي هيئة الرجل الذي صعد للقائكم وكلمكم بهذا الكلام.
7Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?
8فقالوا له انه رجل اشعر متنطق بمنطقة من جلد على حقويه. فقال هو ايليا التشبي.
8Oo iyana waxay isagii ugu jawaabeen, Wuxuu ahaa nin xaad badan, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. Markaasuu yidhi, Kaasu waa Eliiyaah kii reer Tishbii.
9فارسل اليه رئيس خمسين مع الخمسين الذين له فصعد اليه واذا هو جالس على راس الجبل. فقال له يا رجل الله الملك يقول انزل.
9Markaasaa boqorkii wuxuu u diray sirkaal konton xukuma oo wata kontonkiisii ninba. Isna kor buu ugu baxay, oo bal eeg, buur korkeed buu fadhiyey, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, boqorkii wuxuu kugu soo yidhi, Soo deg oo kaalay.
10فاجاب ايليا وقال لرئيس الخمسين ان كنت انا رجل الله فلتنزل نار من السماء وتأكلك انت والخمسين الذين لك. فنزلت نار من السماء وأكلته هو والخمسين الذين له.
10Oo Eliiyaahna wuxuu ugu jawaabay sirkaalkii kontonka nin xukumay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dab, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
11ثم عاد وارسل اليه رئيس خمسين آخر والخمسين الذين له. فاجاب وقال له يا رجل الله هكذا يقول الملك اسرع وانزل.
11Oo haddana wuxuu isagii u diray sirkaal kale oo konton nin xukuma ee isna wata kontonkiisii. Oo isna intuu u jawaabay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waxaa boqorkii kugu soo yidhi, Soo deg oo haddiiba kaalay.
12فاجاب ايليا وقال لهم ان كنت انا رجل الله فلتنزل نار من السماء وتأكلك انت والخمسين الذين لك. فنزلت نار الله من السماء وأكلته هو والخمسين الذين له.
12Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
13ثم عاد فارسل رئيس خمسين ثالثا والخمسين الذين له. فصعد رئيس الخمسين الثالث وجاء وجثا على ركبتيه امام ايليا وتضرع اليه وقال له. يا رجل الله لتكرم نفسي وانفس عبيدك هؤلاء الخمسين في عينيك.
13Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen.
14هوذا قد نزلت نار من السماء وأكلت رئيسي الخمسينين الاولين وخمسينيهما والآن فلتكرم نفسي في عينيك
14Waayo, bal eeg, dab baa samada ka soo degay oo wada baabbi'iyey labadii sirkaal oo iga soo horreeyey iyo kontonkoodiiba, laakiinse haatan naftaydu hortaada qaali ha ku noqoto.
15فقال ملاك الرب لايليا انزل معه. لا تخف منه. فقام ونزل معه الى الملك.
15Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.
16وقال له هكذا قال الرب. من اجل انك ارسلت رسلا لتسأل بعل زبوب اله عقرون أليس لانه لا يوجد في اسرائيل اله لتسأل عن كلامه. لذلك السرير الذي صعدت عليه لا تنزل عنه بل موتا تموت.
16Oo wuxuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxaad wargeeyayaal u soo dirtay inaad Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon wax soo weyddiiso ee sababtu ma waxay tahay inaan dalka Israa'iil jirin Ilaah aad hadalkiisa wax weyddiiso? Haddaba sidaas daraaddeed sariirtii aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.
17فمات حسب كلام الرب الذي تكلم به ايليا. وملك يهورام عوضا عنه في السنة الثانية ليهورام بن يهوشافاط ملك يهوذا لانه لم يكن له ابن.
17Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn.Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
18وبقية أمور اخزيا التي عمل أما هي مكتوبة في سفر اخبار الايام لملوك اسرائيل
18Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?