1وكان عند اصعاد الرب ايليا في العاصفة الى السماء ان ايليا واليشع ذهبا من الجلجال.
1Oo markii Rabbigu doonayay inuu Eliiyaah samada dabayl cirwareen ah ugu qaado ayaa Eliiyaah wuxuu Gilgaal ka raacay Eliishaa.
2فقال ايليا لاليشع امكث هنا لان الرب قد ارسلني الى بيت ايل. فقال اليشع حيّ هو الرب وحية هي نفسك اني لا اتركك ونزلا الى بيت ايل.
2Markaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel.
3فخرج بنو الانبياء الذين في بيت ايل الى اليشع وقالوا له أتعلم انه اليوم يأخذ الرب سيدك من على راسك فقال نعم اني اعلم فاصمتوا.
3Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Beytel joogay ayaa Eliishaa u soo baxay, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ku yidhi, Haah, waan ogahaye iska aamusa.
4ثم قال له ايليا يا اليشع امكث هنا لان الرب قد ارسلني الى اريحا. فقال حيّ هو الرب وحية هي نفسك اني لا اتركك. وأتيا الى اريحا.
4Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo.
5فتقدم بنو الانبياء الذين في اريحا الى اليشع وقالوا له أتعلم انه اليوم يأخذ الرب سيدك من على راسك. فقال نعم اني اعلم فاصمتوا.
5Oo haddana qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ayaa Eliishaa u soo dhowaaday, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ogahaye iska aamusa.
6ثم قال له ايليا امكث هنا لان الرب قد ارسلني الى الاردن. فقال حيّ هو الرب وحية هي نفسك اني لا اتركك. وانطلقا كلاهما.
6Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen.
7فذهب خمسون رجلا من بني الانبياء ووقفوا قبالتهما من بعيد. ووقف كلاهما بجانب الاردن.
7Oo waxaa tegey konton nin oo qoonkii nebiyada ahaa ah, oo waxay istaageen meel hortooda ah oo cabbaar ka fog; oo labadoodiina waxay istaageen Webi Urdun agtiisa.
8واخذ ايليا رداءه ولفه وضرب الماء فانفلق الى هنا وهناك فعبرا كلاهما في اليبس.
8Markaasaa Eliiyaah go'iisii qaaday oo duudduubay, oo biyihii ku dhuftay, iyana xagga iyo xagga ayay u kala qaybsameen, sidaas daraaddeed labadoodiiba waxay mareen dhul engegan.
9ولما عبرا قال ايليا لاليشع اطلب ماذا افعل لك قبل ان أوخذ منك. فقال اليشع ليكن نصيب اثنين من روحك عليّ.
9Oo haddana markii ay ka gudbeen, Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, War intaan layga kaa qaadin ka hor i weyddiiso wax aan kuu sameeyo. Markaasaa Eliishaa yidhi, Waan ku baryayaaye ruuxaaga labanlaabkiis ha igu soo dego.
10فقال صعّبت السؤال. فان رايتني أوخذ منك يكون لك كذلك والا فلا يكون.
10Isna wuxuu yidhi, Wax aad u adag baad i weyddiisatay; habase yeeshee haddaad i aragtid markii layga kaa qaado, sidaasay kuu ahaanaysaa, haddii kalese saas ahaan mayso.
11وفيما هما يسيران ويتكلمان اذا مركبة من نار وخيل من نار ففصلت بينهما فصعد ايليا في العاصفة الى السماء.
11Oo intii ay sii socdeen, oo ay sheekaysanayeen ayaa waxaa u muuqday gaadhifaras dab ah iyo fardo dab ah, oo labadoodii bay kala dhex mareen, markaasaa Eliiyaah wuxuu kor u raacay dabayl cirwareen ah oo wuxuu galay samada.
12وكان اليشع يرى وهو يصرخ يا ابي يا ابي مركبة اسرائيل وفرسانها. ولم يره بعد. فامسك ثيابه ومزّقها قطعتين.
12Oo Eliishaana taas wuu arkay, oo wuxuu ku qayliyey, Aabbow, Aabbow, gaadhifardoodkii dadkii Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! Oo isna mar dambe uma uu jeedin; oo dharkiisii buu intuu ku dhegay laba inood u kala jeexay.
13ورفع رداء ايليا الذي سقط عنه ورجع ووقف على شاطئ الاردن.
13Markaasuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo dib buu u noqday oo soo istaagay Webi Urdun qarkiisa.
14فأخذ رداء ايليا الذي سقط عنه وضرب الماء وقال اين هو الرب اله ايليا ثم ضرب الماء ايضا فانفلق الى هنا وهناك فعبر اليشع.
14Oo wuxuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo intuu biyihii ku dhuftay ayuu yidhi, Meeh Rabbiga ah Ilaaha Eliiyaah? Oo markuu biyihii ku dhuftay ayay xagga iyo xagga u kala qaybsameen; markaasaa Eliishaa ka gudbay.
15ولما رآه بنو الانبياء الذين في اريحا قبالته قالوا قد استقرت روح ايليا على اليشع. فجاءوا للقائه وسجدوا له الى الارض.
15Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ee isaga ka soo hor jeeday markay arkeen waxay yidhaahdeen, Eliiyaah ruuxiisii wuxuu ku dul hadhay Eliishaa. Oo intay isagii ka hor yimaadeen ayay hortiisa ku sujuudeen.
16وقالوا له هوذا مع عبيدك خمسون رجلا ذوو بأس فدعهم يذهبون ويفتشون على سيدك لئلا يكون قد حمله روح الرب وطرحه على احد الجبال او في احد الاودية. فقال لا ترسلوا.
16Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War waannu ku baryaynaaye annagoo addoommadaada ah waxaa nala jira konton nin oo xoog leh, haddaba iyagu ha tageen oo sayidkaagii ha dooneen, waayo, waaba intaasoo Ruuxa Rabbigu isagii qaaday, oo uu ku xooray buur dusheed ama dooxo. Oo isna wuxuu yidhi, Waa inaydaan cid dirin.
17فالحّوا عليه حتى خجل وقال ارسلوا. فارسلوا خمسين رجلا ففتشوا ثلاثة ايام ولم يجدوه.
17Oo way ku sii adkeeyeen ilaa uu xishooday, kolkaasuu yidhi, Dira. Sidaas daraaddeed waxay direen konton nin; oo waxay isagii doondoonayeen saddex maalmood, laakiinse sooma ay helin.
18ولما رجعوا اليه وهو ماكث في اريحا قال لهم أما قلت لكم لا تذهبوا
18Markaasay u soo noqdeen isagoo weli Yerixoo iska jooga; oo wuxuu ku yidhi, Sow idinkuma odhan, Ha tegina?
19وقال رجال المدينة لاليشع هوذا موقع المدينة حسن كما يرى سيدي واما المياه فرديّة والارض مجدبة.
19Markaasaa dadkii magaaladu waxay Eliishaa ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye bal eeg, meeshay magaaladanu taal way wanaagsan tahay sidaad aragto, sayidkayagow, laakiinse biyuhu way xun yihiin, oo dhulkuna si wanaagsan wax uma bixiyo.
20فقال ايتوني بصحن جديد وضعوا فيه ملحا فاتوه به.
20Isna wuxuu yidhi, Waxaad ii keentaan weel cusub oo cusbo ku soo shuba. Oo iyana way u keeneen.
21فخرج الى نبع الماء وطرح فيه الملح وقال هكذا قال الرب قد ابرأت هذه المياه لا يكون فيها ايضا موت ولا جدب.
21Oo isna wuxuu tegey ishii biyaha, oo intuu cusbo ku tuuray ayuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Biyahan waan bogsiiyey. Oo hadda ka dib ma yeelan doonaan dhimasho iyo waxbixinla'aan toona.
22فبرئت المياه الى هذا اليوم حسب قول اليشع الذي نطق به
22Sidaas daraaddeed biyihii way bogsadeen ilaa maantadan la joogo, oo way noqotay sidii eraygii Eliishaa ku hadlay.
23ثم صعد من هناك الى بيت ايل. وفيما هو صاعد في الطريق اذا بصبيان صغار خرجوا من المدينة وسخروا منه وقالوا له اصعد يا اقرع. اصعد يا اقرع.
23Markaasuu halkaas uga kacay Beytel, oo intuu jidka sii socday ayaa carruur yaryaru magaaladii ka soo baxday oo ku majaajiloodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Bidaar weyne bax, bidaar weyne bax.
24فالتفت الى ورائه ونظر اليهم ولعنهم باسم الرب. فخرجت دبّتان من الوعر وافترستا منهم اثنين واربعين ولدا.
24Oo isna markaasuu gadaashiisa dhugtay oo arkay iyagii, oo magicii Rabbiga ayuu ku habaaray. Markaasaa dhirtii waxaa ka soo baxay laba orso oo dhaddig oo waxay dildillaacsadeen laba iyo afartan carruurtii ka mid ahaa.Oo isna halkaasuu uga kacay Buur Karmel, markaasuu meeshaas uga noqday Samaariya.
25وذهب من هناك الى جبل الكرمل ومن هناك رجع الى السامرة
25Oo isna halkaasuu uga kacay Buur Karmel, markaasuu meeshaas uga noqday Samaariya.