1ورجع يهوشافاط ملك يهوذا الى بيته بسلام الى اورشليم.
1Markaasaa Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah nabad ugu noqday gurigiisa Yeruusaalem ku yaal.
2وخرج للقائه ياهو بن حناني الرائي وقال للملك يهوشافاط أتساعد الشرير وتحب مبغضي الرب. فلذلك الغضب عليك من قبل الرب.
2Oo waxaa baxay oo isagii ka hor tegey Yeehuu ina Xanaanii oo wax arkihii ahaa, oo wuxuu Boqor Yehooshaafaad ku yidhi, War ma waxaa kuu ekayd inaad caawiso kuwa sharka ah iyo inaad jeclaato kuwo Rabbiga neceb? Waxan daraaddiis waxaa kugu soo degtay cadho Rabbiga hortiisa ka timid.
3غير انه وجد فيك أمور صالحة لانك نزعت السواري من الارض وهيّأت قلبك لطلب الله
3Habase ahaatee waxyaalo wanaagsan baa lagaa helay, maxaa yeelay, waxaad dalka ka saartay geedihii Asheeraah, oo qalbigaagana waxaad u diyaarisay inaad Rabbiga doondoonto.
4واقام يهوشافاط في اورشليم ثم رجع وخرج ايضا بين الشعب من بئر سبع الى جبل افرايم وردّهم الى الرب اله آبائهم.
4Yehooshaafaad wuxuu degganaan jiray Yeruusaalem, oo haddana wuxuu dhex maray dadkii tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo iyagii wuxuu u soo celiyey Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood.
5واقام قضاة في الارض في كل مدن يهوذا المحصّنة في كل مدينة فمدينة.
5Oo dalkii oo dhan iyo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dadka Yahuudah wuxuu magaalo ka magaalo fadhiisiyey xaakinno.
6وقال للقضاة انظروا ما انتم فاعلون لانكم لا تقضون للانسان بل للرب وهو معكم في امر القضاء.
6Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa.
7والآن لتكن هيبة الرب عليكم. احذروا وافعلوا. لانه ليس عند الرب الهنا ظلم ولا محاباة ولا ارتشاء.
7Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ka cabsada, iska jira, oo saas yeela, waayo, xagga Rabbiga Ilaaheenna ah dembi ma jiro, dadkana looma kala eexdo, laaluushna lama qaato.
8وكذا في اورشليم اقام يهوشافاط من اللاويين والكهنة ومن رؤوس آباء اسرائيل لقضاء الرب والدعاوي. ورجعوا الى اورشليم.
8Oo markay Yeruusaalem ku noqdeen ayaa Yehooshaafaad weliba Yeruusaalemna fadhiisiyey kuwii reer Laawi iyo wadaaddadii iyo madaxdii reeraha dadka Israa'iil inay sameeyaan Rabbiga garsooriddiisa iyo inay kuwii murma u garsooraan.
9وأمرهم قائلا هكذا تفعلون بتقوى الرب بامانة وقلب كامل.
9Oo wuxuu iyagii amray oo ku yidhi, Saas yeela idinkoo Rabbiga ka cabsanaya oo aamin ah oo qalbigiinnu qumman yahay.
10وفي كل دعوى تاتي اليكم من اخوتكم الساكنين في مدنهم بين دم ودم بين شريعة ووصية من جهة فرائض او احكام حذّروهم فلا ياثموا الى الرب فيكون غضب عليكم وعلى اخوتكم. هكذا افعلوا فلا تاثموا.
10Oo mar alla markii dacwo idiinka timaado walaalihiinna magaalooyinkooda deggan, taasoo u dhexaysa oo ah dhiig iyo dhiig, iyo sharci iyo amar, iyo qaynuun iyo xukummo, de markaas waa inaad u digtaan si aanay Rabbiga ugu dembaabin, oo aan taas aawadeed cadhada Rabbigu ugu soo degin idinka iyo walaalihiinba. Saas yeela oo eed lahaan maysaan.Oo bal eega, axwaasha Rabbiga oo dhan waxaa idiinku sarrayn doona Amaryaah ah wadaadka sare, oo axwaasha boqorka oo dhanna waxaa idiinku sarrayn doona Sebadyaah ina Ismaaciil oo ah taliyaha reer Yahuudah, oo weliba reer Laawina hortiinnay saraakiil ku ahaan doonaan. Haddaba dhiirranaada oo Rabbiguna ha la jiro kuwii wanaagga sameeya.
11وهوذا امريا الكاهن الراس عليكم في كل امور الرب وزبديا بن يشمعئيل الرئيس على بيت يهوذا في كل امور الملك والعرفاء اللاويين امامكم. تشددوا وافعلوا وليكن الرب مع الصالح
11Oo bal eega, axwaasha Rabbiga oo dhan waxaa idiinku sarrayn doona Amaryaah ah wadaadka sare, oo axwaasha boqorka oo dhanna waxaa idiinku sarrayn doona Sebadyaah ina Ismaaciil oo ah taliyaha reer Yahuudah, oo weliba reer Laawina hortiinnay saraakiil ku ahaan doonaan. Haddaba dhiirranaada oo Rabbiguna ha la jiro kuwii wanaagga sameeya.