1ثم بعد ذلك اتى بنو موآب وبنو عمون ومعهم العمونيون على يهوشافاط للمحاربة.
1Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.
2فجاء اناس واخبروا يهوشافاط قائلين قد جاء عليك جمهور كثير من عبر البحر من ارام وها هم في حصون تامار. هي عين جدي.
2Markaasaa qaar yimid oo waxay Yehooshaafaad u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Waxaa kugu soo socda col faro badan oo ka imanaya badda shishadeeda iyo dalka Suuriya, oo bal eeg haatan waxay joogaan Xasason Taamaar oo ah Ceyn Gedii.
3فخاف يهوشافاط وجعل وجهه ليطلب الرب ونادى بصوم في كل يهوذا.
3Kolkaasaa Yehooshaafaad cabsaday, oo wuxuu isu diyaariyey inuu Rabbiga doondoono, oo dalkii Yahuudah oo dhanna soon buu ku naadiyey.
4واجتمع يهوذا ليسألوا الرب. جاءوا ايضا من كل مدن يهوذا ليسألوا الرب.
4Markaasay dadkii Yahuudah oo dhammu iswada urursadeen inay Rabbiga caawimaad ka weyddiistaan, oo xataa magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan way uga soo baxeen inay Rabbiga doondoonaan.
5فوقف يهوشافاط في جماعة يهوذا واورشليم في بيت الرب امام الدار الجديدة
5Markaasa Yehooshaafaad isdhex taagay shirkii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem iyagoo jooga guriga Rabbiga iyo barxadda cusub horteeda,
6وقال. يا رب اله آبائنا أما انت هو الله في السماء وانت المتسلط على جميع ممالك الامم وبيدك قوة وجبروت وليس من يقف معك.
6oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaahii awowayaashayow, sow ma ahid Ilaaha samada ku jira? Oo sow ma ahid kan u taliya kulli boqortooyooyinka quruumaha oo dhan? Oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal oo sidaas daraaddeed ninna kuma hor istaagi karo.
7ألست انت الهنا الذي طردت سكان هذه الارض من امام شعبك اسرائيل واعطيتها لنسل ابراهيم خليلك الى الابد.
7Ilaahayagow, dadkii dalkan degganaa sow kama aad eryin dadkaaga reer binu Israa'iil hortooda, oo weligiisba sow ma aadan siin saaxiibkaagii Ibraahim farcankiisii?
8فسكنوا فيها وبنو لك فيها مقدسا لاسمك قائلين
8Haddaba iyagu way dhex degganaan jireen, oo waxay magacaaga aawadiis uga dhex dhiseen meel quduus ah, oo waxay yidhaahdeen,
9اذا جاء علينا شر سيف قضاء او وبأ او جوع ووقفنا امام هذا البيت وامامك لان اسمك في هذا البيت وصرخنا اليك من ضيقنا فانك تسمع وتخلص.
9Markii wax shar ahu ay nagu dhacaan hadday yihiin seef ama xukum ama belaayo ama abaar, annagu waxaan soo hor istaagi doonnaa gurigan iyo adiga, (waayo, magacaagu wuxuu ku jiraa gurigan), markaasaannu kuu qayshan doonnaa annagoo dhib ku jirna, oo adna waad na maqli doontaa oo waad na badbaadin doontaa.
10والآن هوذا بنو عمون وموآب وجبل ساعير الذين لم تدع اسرائيل يدخلون اليهم حين جاءوا من ارض مصر بل مالوا عنهم ولم يهلكوهم
10Haddaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in.
11فهوذا هم يكافئوننا بمجيئهم لطردنا من ملكك الذي ملكتنا اياه.
11Bal eeg siday noogu abaal gudeen oo ay noogu soo baxeen iyagoo doonaya inay naga tuuraan hantidaadii aad dhaxal ahaan noo siisay.
12يا الهنا أما تقضي عليهم لانه ليس فينا قوة امام هذا الجمهور الكثير الآتي علينا ونحن لا نعلم ماذا نعمل ولكن نحوك اعيننا.
12Ilaahayagow, miyaadan iyaga xukumi doonayn? Waayo, annagu itaal uma hayno guutadan weyn oo nagu soo socota, oo weliba wax aannu samaynona ma naqaan, laakiinse indhahayagu adigay kuu soo jeedaan.
13وكان كل يهوذا واقفين امام الرب مع اطفالهم ونسائهم وبنيهم
13Oo weliba dadka Yahuudah oo dhammu Rabbigay hor taagnaayeen iyaga iyo dhallaankoodii iyo naagahoodii iyo carruurtoodiiba.
14وان يحزيئيل بن زكريا بن بنايا بن يعيئيل بن متّنيا اللاوي من بني آساف كان عليه روح الرب في وسط الجماعة
14Markaasaa ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yaxasii'eel ina Sekaryaah, kaasoo ahaa ina Benaayaah, oo ahaa ina Yecii'eel, oo ahaa ina Matanyaah, oo reer Aasaaf ahaa, oo reer Laawi ka sii ahaa, isagoo shirka ku dhex jira.
15فقال اصغوا يا جميع يهوذا وسكان اورشليم وايها الملك يهوشافاط. هكذا قال الرب لكم لا تخافوا ولا ترتاعوا بسبب هذا الجمهور الكثير لان الحرب ليست لكم بل لله.
15Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.
16غدا انزلوا عليهم. هوذا هم صاعدون في عقبة صيص فتجدوهم في اقصى الوادي امام برية يروئيل.
16Haddaba idinku berrito u dhaadhaca iyaga, oo bal eeg, waxay soo korayaan jiirta Siis, oo waxaad ka heli doontaan meesha dooxadu ku dhammaato oo ka horraysa cidlada Yeruu'eel.
17ليس عليكم ان تحاربوا في هذه. قفوا اثبتوا وانظروا خلاص الرب معكم يا يهوذا واورشليم لا تخافوا ولا ترتاعوا. غدا اخرجوا للقائهم والرب معكم.
17Idinku uma baahnaan doontaan inaad dagaalkan gashaan, haddaba dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalemow, joogsada, oo iska taagnaada, oo eega badbaadada Rabbigu idin badbaadinayo; berrito iyaga u baxa, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idinla jira.
18فخرّ يهوشافاط لوجهه على الارض وكل يهوذا وسكان اورشليم سقطوا امام الرب سجودا للرب.
18Markaasaa Yehooshaafaad madaxa foororshay oo wejiga dhulka saaray, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuna Rabbiga hortiisay isku tuureen oo u sujuudeen.
19فقام اللاويون من بني القهاتيين ومن بني القورحيين ليسبحوا الرب اله اسرائيل بصوت عظيم جدا
19Kolkaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa reer Qohaad iyo reer Qorax waxay u istaageen inay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil cod aad iyo aad u weyn ku ammaanaan.
20وبكّروا صباحا وخرجوا الى برية تقوع وعند خروجهم وقف يهوشافاط وقال اسمعوا يا يهوذا وسكان اورشليم آمنوا بالرب الهكم فتأمنوا. آمنوا بانبيائه فتفلحوا.
20Markaasay aroor hore kaceen oo waxay u ambabbaxeen xagga cidladii Teqooca, oo intay baxayeen ayaa Yehooshaafaad istaagay oo yidhi, Dadka Yahuudah iyo kuwiinna Yeruusaalem degganow, i maqla, rumaysta Rabbiga Ilaahiinna ah oo waad xoogaysan doontaan, oo rumaysta nebiyadiisa oo waad liibaani doontaan.
21ولما استشار الشعب اقام مغنين للرب ومسبحين في زينة مقدسة عند خروجهم امام المتجردين وقائلين احمدوا الرب لان الى الابد رحمته.
21Oo markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahad naqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
22ولما ابتدأوا في الغناء والتسبيح جعل الرب اكمنة على بني عمون وموآب وجبل ساعير الآتين على يهوذا فانكسروا
22Oo markay bilaabeen inay gabyaan oo Ilaah ammaanaan ayaa Rabbigu rag gaadmo ah ku soo kiciyey reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo ku soo kacay dadkii Yahuudah, oo iyagii waa la laayay.
23وقام بنو عمون وموآب على سكان جبل ساعير ليحرّموهم ويهلكوهم. ولما فرغوا من سكان ساعير ساعد بعضهم على اهلاك بعض.
23Waayo, reer Cammoon iyo reer Moo'aab ayaa is hortaageen dadkii degganaa Buur Seciir inay dhammaantood laayaan oo wada baabbi'iyaan, oo markay wada baabbi'iyeen dadkii Buur Seciir degganaa ayaa mid kastaaba kan kale ku caawiyey inuu nin kale dilo.
24ولما جاء يهوذا الى المرقب في البرية تطلعوا نحو الجمهور واذا هم جثث ساقطة على الارض ولم ينفلت احد.
24Oo dadkii Yahuudah markay yimaadeen meeshii dheerayd ee cidlada ee wax laga dhawro ayay fiiriyeen dadkii faraha badnaa, oo waxay arkeen inay yihiin meydad dhulka ku dhacay, oo midna ma baxsan.
25فأتى يهوشافاط وشعبه لنهب اموالهم فوجدوا بينهم اموالا وجثثا وامتعة ثمينة بكثرة فاخذوها لانفسهم حتى لم يقدروا ان يحملوها وكانوا ثلاثة ايام ينهبون الغنيمة لانها كانت كثيرة.
25Oo Yehooshaafaad iyo dadkiisii markay u yimaadeen inay iyaga furtaan waxay dhexdoodii ka heleen maal badan oo meydadka la yaal iyo alaab qaali ah oo ay nafsaddooda u furteen, oo waxaasuna waxay qaadan karaan waa ka badnaayeen, oo intii saddex maalmood ah ayay dhicii guranayeen, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u badnaa.
26وفي اليوم الرابع اجتمعوا في وادي بركة لانهم هناك باركوا الرب لذلك دعوا اسم ذلك المكان وادي بركة الى اليوم.
26Oo maalintii afraad ayay ku shireen dooxada Barako, waayo, halkaasay Rabbiga ku ammaaneen, sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Barako, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.
27ثم ارتد كل رجال يهوذا واورشليم ويهوشافاط براسهم ليرجعوا الى اورشليم بفرح لان الرب فرحهم على اعدائهم.
27Markaasaa dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem oo dhammu iyagoo Yehooshaafaad u horreeyo waxay ku noqdeen Yeruusaalem iyagoo faraxsan, waayo, Rabbigu wuxuu kaga farxiyey libtii ay cadaawayaashoodii ka heleen.
28ودخلوا اورشليم بالرباب والعيدان والابواق الى بيت الرب.
28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.
29وكانت هيبة الله على كل ممالك الاراضي حين سمعوا ان الرب حارب اعداء اسرائيل.
29Oo boqortooyooyinkii dalalka oo dhan waxaa ku soo degtay Ilaah cabsidiis markay maqleen in Rabbigu la diriray cadaawayaashii dadkii Israa'iil.
30واستراحت مملكة يهوشافاط واراحه الهه من كل جهة
30Sidaas daraaddeed Yehooshaafaad boqortooyadiisii way xasilloonayd, waayo, Ilaahiis ayaa ka nasiyey hareerihiisa oo dhan.
31وملك يهوشافاط على يهوذا. كان ابن خمس وثلاثين سنة حين ملك وملك خمس وعشرين سنة في اورشليم واسم امه عزوبة بنت شلحي.
31Yehooshaafaad boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah, oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna shan iyo labaatan sannadood buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Casuubaah ina Shilxii.
32وسار في طريق ابيه آسا ولم يحد عنها اذ عمل المستقيم في عيني الرب.
32Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey.
33الا ان المرتفعات لم تنتزع بل كان الشعب لم يعدّوا بعد قلوبهم لإله آبائهم.
33Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli qalbigooda oo dhan ulama ay jeesan Ilaahii awowayaashood.
34وبقية امور يهوشافاط الاولى والاخيرة ها هي مكتوبة في اخبار ياهو بن حناني المذكور في سفر ملوك اسرائيل.
34Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Yeehuu ina Xanaanii taasoo ku qoran kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil.
35ثم بعد ذلك اتحد يهوشافاط ملك يهوذا مع اخزيا ملك اسرائيل الذي اساء في عمله.
35Oo taas dabadeedna Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah xidhiidh buu la yeeshay Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil kaasoo shuqulkiisii aad iyo aad u xumaa,
36فاتحد معه في عمل سفن تسير الى ترشيش فعملا السفن في عصيون جابر.
36oo wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber.Markaasaa Eliiceser ina Dodaawaahuu oo ahaa reer Maareeshaah ayaa Yehooshaafaad wax ka sii sheegay oo yidhi, Heshiiska aad Axasyaah la heshiisay aawadiis ayaa Rabbigu u burburiyey shuqulkaagii. Oo doonniyihiina way wada jajabeen, oo way kari waayeen inay Tarshiish u dhoofaan.
37وتنبأ اليعزر بن دوداواهو من مريشة على يهوشافاط قائلا لانك اتحدت مع اخزيا قد اقتحم الرب اعمالك. فتكسرت السفن ولم تستطع السير الى ترشيش
37Markaasaa Eliiceser ina Dodaawaahuu oo ahaa reer Maareeshaah ayaa Yehooshaafaad wax ka sii sheegay oo yidhi, Heshiiska aad Axasyaah la heshiisay aawadiis ayaa Rabbigu u burburiyey shuqulkaagii. Oo doonniyihiina way wada jajabeen, oo way kari waayeen inay Tarshiish u dhoofaan.