الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

2 Chronicles

30

1وارسل حزقيا الى جميع اسرائيل ويهوذا وكتب ايضا رسائل الى افرايم ومنسّى ان يأتوا الى بيت الرب في اورشليم ليعملوا فصحا للرب اله اسرائيل.
1Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
2فتشاور الملك ورؤساؤه وكل الجماعة في اورشليم ان يعملوا الفصح في الشهر الثاني
2Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad.
3لانهم لم يقدروا ان يعملوه في ذلك الوقت لان الكهنة لم يتقدسوا بالكفاية والشعب لم يجتمعوا الى اورشليم.
3Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin.
4فحسن الأمر في عيني الملك وعيون كل الجماعة.
4Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba.
5فاعتمدوا على اطلاق النداء في جميع اسرائيل من بئر سبع الى دان ان يأتوا لعمل الفصح للرب اله اسرائيل في اورشليم لانهم لم يعملوه كما هو مكتوب منذ زمان كثير.
5Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran.
6فذهب السعاة بالرسائل من يد الملك ورؤسائه في جميع اسرائيل ويهوذا وحسب وصية الملك كانوا يقولون يا بني اسرائيل ارجعوا الى الرب اله ابراهيم واسحق واسرائيل فيرجع الى الناجين الباقين لكم من يد ملوك اشور.
6Sidaas daraaddeed niman wargeeys ah ayaa boqorkii iyo amiirradiisii ka qaadeen warqadihii, waxayna dhex marsiiyeen dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah oo dhan, waxayna ku socdeen si waafaqsan boqorka amarkiisii, iyagoo leh, Reer binu Israa'iilow, mar kale ku soo noqda Rabbiga ah Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil, inuu isagu ku soo jeedsado kuwiinna ka baxsaday gacantii boqorradii Ashuur.
7ولا تكونوا كآبائكم وكاخوتكم الذين خانوا الرب اله آبائهم فجعلهم دهشة كما انتم ترون.
7Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan.
8الآن لا تصلّبوا رقابكم كآبائكم بل اخضعوا للرب وادخلوا مقدسه الذي قدسه الى الابد واعبدوا الرب الهكم فيرتدّ عنكم حمو غضبه.
8Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.
9لانه برجوعكم الى الرب يجد اخوتكم وبنوكم رحمة امام الذين يسبونهم فيرجعون الى هذه الارض لان الرب الهكم حنّان ورحيم ولا يحوّل وجهه عنكم اذا رجعتم اليه
9Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan.
10فكان السعاة يعبرون من مدينة الى مدينة في ارض افرايم ومنسّى حتى زبولون فكانوا يضحكون عليهم ويهزأون بهم.
10Sidaas daraaddeed nimankii wargeeyska ahaa magaaloba magaalay u sii dhex mareen dalkii reer Efrayim iyo kii reer Manaseh oo dhan, iyo xataa ilaa kii reer Sebulun, laakiinse iyaga waa lagu qoslay, waana lagu majaajilooday.
11الا ان قوم من اشير ومنسّى وزبولون تواضعوا وأتوا الى اورشليم.
11Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.
12وكانت يد الله في يهوذا ايضا فاعطاهم قلبا واحدا ليعملوا بأمر الملك والرؤساء حسب قول الرب.
12Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga.
13فاجتمع الى اورشليم شعب كثير لعمل عيد الفطير في الشهر الثاني جماعة كثيرة جدا.
13Haddaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn.
14وقاموا وازالوا المذابح التي في اورشليم وازالوا كل مذابح التبخير وطرحوها الى وادي قدرون.
14Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon.
15وذبحوا الفصح في الرابع عشر من الشهر الثاني والكهنة واللاويون خجلوا وتقدسوا وادخلوا المحرقات الى بيت الرب.
15Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.
16واقاموا على مقامهم حسب حكمهم كناموس موسى رجل الله. كان الكهنة يرشون الدم من يد اللاويين.
16Markaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi.
17لانه كان كثيرون في الجماعة لم يتقدسوا فكان اللاويون على ذبح الفصح عن كل من ليس بطاهر لتقديسهم للرب.
17Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan.
18لان كثيرين من الشعب كثيرين من افرايم ومنسّى ويساكر وزبولون لم يتطهروا بل اكلوا الفصح ليس كما هو مكتوب. الا ان حزقيا صلّى عنهم قائلا الرب الصالح يكفّر عن
18Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii
19كل من هيّأ قلبه لطلب الله الرب اله آبائه وليس كطهارة القدس.
19qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.
20فسمع الرب لحزقيا وشفى الشعب
20Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.
21وعمل بنو اسرائيل الموجودون في اورشليم عيد الفطير سبعة ايام بفرح عظيم وكان اللاويون والكهنة يسبّحون الرب يوما فيوما بآلات حمد للرب.
21Oo reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer.
22وطيب حزقيا قلوب جميع اللاويين الفطنين فطنة صالحة للرب وأكلوا الموسم سبعة ايام يذبحون ذبائح سلامة ويحمدون الرب اله آبائهم.
22Oo Xisqiyaahna wuxuu dhiirrigeliyey kuwii reer Laawi oo hawsha Rabbiga aad u yiqiin. Oo toddobadii maalmood ee iiddu socotayba wax bay cunayeen, iyagoo qurbaanno nabaadiino bixinaya, oo Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood u mahad naqaya.
23وتشاور كل الجماعة ان يعملوا سبعة ايام اخرى فعملوا سبعة ايام بفرح.
23Oo shirkii oo dhammuna waxay ku tashadeen inay toddoba maalmood oo kale sii iidaan, oo haddana toddoba maalmood oo kale ayay sii iidayeen iyagoo faraxsan.
24لان حزقيا ملك يهوذا قدم للجماعة الف ثور وسبعة آلاف من الضأن والرؤساء قدموا للجماعة الف ثور وعشرة آلاف من الضأن وتقدس كثيرون من الكهنة.
24Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen.
25وفرح كل جماعة يهوذا والكهنة واللاويون وكل الجماعة الآتين من اسرائيل والغرباء الآتون من ارض اسرائيل والساكنون في يهوذا.
25Oo shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen.
26وكان فرح عظيم في اورشليم لانه من ايام سليمان بن داود ملك اسرائيل لم يكن كهذا في اورشليم.
26Oo Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa.Markaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.
27وقام الكهنة اللاويون وباركوا الشعب فسمع صوتهم ودخلت صلاتهم الى مسكن قدسه الى السماء
27Markaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.