1ولما كمل هذا خرج كل اسرائيل الحاضرين الى مدن يهوذا وكسروا الانصاب وقطعوا السواري وهدموا المرتفعات والمذابح من كل يهوذا وبنيامين ومن افرايم ومنسّى حتى افنوها ثم رجع كل اسرائيل كل واحد الى ملكه الى مدنهم.
1Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.
2واقام حزقيا فرق الكهنة واللاويين حسب اقسامهم كل واحد حسب خدمته الكهنة واللاويين للمحرقات وذبائح السلامة للخدمة والحمد والتسبيح في ابواب محلات الرب.
2Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahad naqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda.
3واعطى الملك حصة من ماله للمحرقات محرقات الصباح والمساء والمحرقات للسبوت والاشهر والمواسم كما هو مكتوب في شريعة الرب.
3Oo wuxuu kaloo amray qaybtii boqorka maalkiisa kaga bixi lahayd qurbaannada la gubo, kuwaasoo ah qurbaannada la gubi lahaa subaxda iyo fiidka, iyo qurbaannada la gubi lahaa sabtiyada, iyo kuwii la gubi lahaa markay bilaha cusubu dhashaan iyo kuwii iidaha joogtada ah siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga.
4وقال للشعب سكان اورشليم ان يعطوا حصة الكهنة واللاويين لكي يتمسكوا بشريعة الرب.
4Oo weliba dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ku amray inay wadaaddada iyo kuwa reer Laawiba siiyaan qaybtoodii, si ay ugu xoogaystaan sharciga Rabbiga.
5ولما شاع الأمر كثر بنو اسرائيل من اوائل الحنطة والمسطار والزيت والعسل ومن كل غلة الحقل وأتوا بعشر الجميع بكثرة.
5Oo haddiiba mar alla markii amarkii soo baxay ayaa dadkii Israa'iil bixiyeen wax faro badan oo ah midhihii dhulka ugu horreeyey, oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo malab, iyo wixii dhulka ka baxay oo dhan, oo wax kasta toban meelood meel ayay si badan u keeneen.
6وبنو اسرائيل ويهوذا الساكنون في مدن يهوذا أتوا هم ايضا بعشر البقر والضأن وعشر الاقداس المقدسة للرب الههم وجعلوها صبرا صبرا.
6Oo dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudah oo degganaa magaalooyinkii dalka Yahuudah, iyaguna waxay toban meelood meel ka keeneen lo'da iyo idaha, iyo weliba alaabtii la soocay oo quduuska looga dhigay Rabbiga Ilaahooda ah, wayna iskor tuuleen.
7في الشهر الثالث ابتدأوا بتأسيس الصّبر وفي الشهر السابع اكملوا.
7Oo tuulmooyinka aasaaskoodii waxay bilaabeen bishii saddexaad, waxayna iyaga dhammeeyeen bishii toddobaad.
8وجاء حزقيا والرؤساء ورأوا الصّبر فباركوا الرب وشعبه اسرائيل.
8Oo Xisqiyaah iyo amiirradiiba markay yimaadeen oo arkeen tuulmooyinkii, ayay Rabbiga ku mahad naqeen, dadkiisii reer binu Israa'iilna way u duceeyeen.
9وسأل حزقيا الكهنة واللاويين عن الصّبر.
9Markaasaa Xisqiyaah wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi wax ka weyddiiyey tuulmooyinkii.
10فكلّمه عزريا الكاهن الراس لبيت صادوق وقال منذ ابتدأ بجلب التقدمة الى بيت الرب اكلنا وشبعنا وفضل عنا بكثرة لان الرب بارك شعبه والذي فضل هو هذه الكثرة
10Oo Casaryaah oo ahaa wadaadkii sare oo ahaa reer Saadooq ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Tan iyo markii dadku bilaabay inay qurbaannadii keenaan guriga Rabbiga, waannu cunnay oo dheregnay, oo waxaa naga hadhay wax faro badan, waayo, Rabbigu dadkiisuu barakeeyey, oo wixii hadhayna waa waxan badan.
11وأمر حزقيا باعداد مخادع في بيت الرب فاعدّوا.
11Markaasaa Xisqiyaah amray in guriga Rabbiga qolal laga diyaariyo, waana la diyaariyey.
12وأتوا بالتقدمة والعشر والاقداس بامانة وكان رئيسا عليهم كوننيا اللاوي وشمعي اخوه الثاني
12Oo si aaminnimo ah ayaa loo soo keenay qurbaannadii, iyo meeltobnaadyadii, iyo alaabtii quduuska laga dhigay, oo waxaa iyaga u talin jiray Kaananyaah oo ahaa reer Laawi, oo walaalkiis Shimciina wuxuu ahaa kan labaad.
13ويحيئيل وعزريا ونحث وعسائيل ويريموث ويوزاباد وايليئيل ويسمخيا ومحث وبنايا وكلاء تحت يد كوننيا وشمعي اخيه حسب تعيين حزقيا الملك وعزريا رئيس بيت الله.
13Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah.
14وقوري بن يمنة اللاوي البواب نحو الشرق كان على المتبرّع به لله لاعطاء تقدمة الرب واقداس الاقداس.
14Oo Qore ina Yimnaah oo ahaa reer Laawi, oo ahaa iridjoogihii joogay iridda bari, isna wuxuu u talin jiray qurbaannada ikhtiyaarka loogu bixiyo Ilaah inuu qaybiyo qurbaannada Rabbiga iyo waxyaalaha ugu wada quduusan.
15وتحت يده عدن ومنيامين ويشوع وشمعيا وامريا وشكنيا في مدن الكهنة بامانة ليعطوا لاخوتهم حسب الفرق الكبير كالصغير
15Oo isagana waxaa ka hooseeyey Ceeden, iyo Minyaamin, iyo Yeeshuuca, iyo Shemacyaah, iyo Amaryaah, iyo Shekaanyaah, oo joogay magaalooyinkii wadaaddada iyagoo kala haysta jagooyinkoodii lagu aaminay, inay walaalahood qayb u kala siiyaan siday kooxahoodu ahaayeen, kan ugu weyn iyo kan ugu yaru ayan waxba isdheeraysan,
16فضلا عن انتساب ذكورهم من ابن ثلاث سنين فما فوق من كل داخل بيت الرب أمر كل يوم بيومه حسب خدمتهم في حراستهم حسب اقسامهم
16oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen,
17وانتساب الكهنة حسب بيوت آبائهم واللاويين من ابن عشرين سنة فما فوق حسب حراساتهم واقسامهم
17oo waxaa qayb la siiyey kuwii abtiriskooda lagu tiriyey reerihii wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo jiray labaatan sannadood ama ka sii weynaa sidii shuqulkooda loo amray iyo kooxahoodii ay kala ahaayeen,
18وانتساب جميع اطفالهم ونسائهم وبنيهم وبناتهم في كل الجماعة لانهم بامانتهم تقدسوا تقدسا.
18iyo weliba kuwii abtiriskooda lagu tiriyey oo ahaa dhallaankoodii yaryaraa, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodiiba oo shirka oo dhan ku dhex jiray, waayo, iyagu jagadoodii lagu aaminay ayay quduus iskaga dhigeen.
19ومن بني هرون الكهنة في حقول مسارح مدنهم في كل مدينة فمدينة الرجال المعيّنة اسماؤهم لاعطاء حصص لكل ذكر من الكهنة ولكل من انتسب من اللاويين.
19Oo weliba wadaaddadii ahaa farcanka Haaruun oo joogay beeraha magaalooyinkooda agagaarkoodii, magaalo kasta waxaa ugu jiray niman loo magacaabay inay qayb siiyaan wadaaddada inta lab ku jira oo dhan iyo kuwii reer Laawi oo abtiriskooda lagu tiriyey oo dhan.
20هكذا عمل حزقيا في كل يهوذا وعمل ما هو صالح ومستقيم وحق امام الرب الهه.
20Oo Xisqiyaah sidaasuu ku dhex yeelay dalkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu sameeyey wax wanaagsan oo ku qumman, daacadna ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.Oo shuqul kasta oo uu ku bilaabay hawshii gurigii Rabbiga, iyo sharciga, iyo amarrada, si uu u doondoono Ilaahiisa, wuxuu ku samayn jiray qalbigiisa oo dhan, wuuna ku liibaani jiray.
21وكل عمل ابتدأ به في خدمة بيت الله وفي الشريعة والوصية ليطلب الهه انما عمله بكل قلبه وافلح
21Oo shuqul kasta oo uu ku bilaabay hawshii gurigii Rabbiga, iyo sharciga, iyo amarrada, si uu u doondoono Ilaahiisa, wuxuu ku samayn jiray qalbigiisa oo dhan, wuuna ku liibaani jiray.