الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

2 Chronicles

5

1وكمل جميع العمل الذي عمله سليمان لبيت الرب وادخل سليمان اقداس داود ابيه. والفضة والذهب وجميع الآنية جعلها في خزائن بيت الله.
1Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan u sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Ilaah.
2حينئذ جمع سليمان شيوخ اسرائيل وكل رؤوس الاسباط رؤساء الآباء لبني اسرائيل الى اورشليم لاصعاد تابوت عهد الرب من مدينة داود. هي صهيون.
2Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.
3فاجتمع الى الملك جميع رجال اسرائيل في العيد الذي في الشهر السابع.
3Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen boqorkii wakhtigii iidda ah bisha toddobaad.
4وجاء جميع شيوخ اسرائيل وحمل اللاويون التابوت
4Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.
5واصعدوا التابوت وخيمة الاجتماع مع جميع آنية القدس التي في الخيمة اصعدها الكهنة واللاويون.
5Oo way keeneen sanduuqii axdiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan; oo intaas oo dhan waxaa soo qaaday wadaaddadii reer Laawi.
6والملك سليمان وكل جماعة اسرائيل المجتمعين اليه امام التابوت كانوا يذبحون غنما وبقرا ما لا يحصى ولا يعدّ من الكثرة.
6Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.
7وادخل الكهنة تابوت عهد الرب الى مكانه في محراب البيت في قدس الاقداس الى تحت جناحي الكروبين.
7Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.
8وكان الكروبان باسطين اجنحتهما على موضع التابوت وظلّل الكروبان التابوت وعصيه من فوق.
8Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.
9وجذبوا العصي فتراءت رؤوس العصي من التابوت امام المحراب ولم تر خارجا وهي هناك الى هذا اليوم.
9Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arki jiray sanduuqii ka horreeya meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasuu yaal ilaa maantadan.
10لم يكن في التابوت الا اللوحان اللذان وضعهما موسى في حوريب حين عاهد الرب بني اسرائيل عند خروجهم من مصر
10Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dhulkii Masar ka soo baxeen mooyaane.
11وكان لما خرج الكهنة من القدس لان جميع الكهنة الموجودين تقدسوا. لم تلاحظ الفرق.
11Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd, (waayo, kulli wadaaddadii joogay oo dhammu way isdaahiriyeen oo milahoodiina ma ay dhawrin,
12واللاويون المغنون اجمعون آساف وهيمان ويدوثون وبنوهم واخوتهم لابسين كتانا بالصنوج والرباب والعيدان واقفين شرقي المذبح ومعهم من الكهنة مئة وعشرون ينفخون في الابواق.
12oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, )
13وكان لما صوّت المبوقون والمغنون كواحد صوتا واحدا لتسبيح الرب وحمده ورفعوا صوتا بالابواق والصنوج وآلات الغناء والتسبيح للرب لانه صالح لان الى الابد رحمته ان البيت بيت الرب امتلأ سحابا.
13oo haddana markii kuwii turumbada afuufayay iyo kuwii gabayaaga ahaaba ay luuqdii isla heleen sidii iyagoo ah isku nin, si ay u sameeyaan cod keliya oo laga maqlo Rabbiga ammaaniddiisa iyo ku-mahadnaqiddiisa, oo markay codkoodii kor u qaadeen oo ay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii iyo suxuuntii laysku garaacayay iyo alaabtii muusikada, oo ay Rabbiga ammaaneen iyagoo leh, Wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu way raagtaa weligeedba, ayaa daruuri ka buuxsantay gurigii Rabbiga,oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed, waayo, Rabbiga ammaantiisa ayaa ka buuxsantay gurigii Ilaah.
14ولم يستطع الكهنة ان يقفوا للخدمة بسبب السحاب لان مجد الرب ملأ بيت الله
14oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed, waayo, Rabbiga ammaantiisa ayaa ka buuxsantay gurigii Ilaah.