الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

2 Chronicles

6

1حينئذ قال سليمان. قال الرب انه يسكن في الضباب.
1Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso.
2وانا بنيت لك بيت سكنى مكانا لسكناك الى الابد.
2Laakiinse waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah oo ah meel aad weligaa degganaanayso.
3وحول الملك وجهه وبارك كل جمهور اسرائيل وكل جمهور اسرائيل واقف.
3Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.
4وقال مبارك الرب اله اسرائيل الذي كلم بفمه داود ابي واكمل بيديه قائلا
4Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,
5منذ يوم اخرجت شعبي من ارض مصر لم اختر مدينة من جميع اسباط اسرائيل لبناء بيت ليكون اسمي هناك ولا اخترت رجلا يكون رئيسا لشعبي اسرائيل.
5Tan iyo maalintii aan dadkayga ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, oo weliba ninna uma aan dooran inuu ahaado amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil.
6بل اخترت اورشليم ليكون اسمي فيها واخترت داود ليكون على شعبي اسرائيل.
6Laakiinse Yeruusaalem baan u doortay si magacaygu halkaas ugu jiro, oo Daa'uudna baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.
7وكان في قلب داود ابي ان يبني بيتا لاسم الرب اله اسرائيل.
7Haddaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
8فقال الرب لداود ابي من اجل انه كان في قلبك ان تبني بيتا لاسمي قد احسنت بكون ذلك في قلبك.
8Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.
9الا انك انت لا تبني البيت بل ابنك الخارج من صلبك هو يبني البيت لاسمي.
9Habase yeeshee adigu gurigii ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona.
10واقام الرب كلامه الذي تكلم به وقد قمت انا مكان داود ابي وجلست على كرسي اسرائيل كما تكلم الرب وبنيت البيت لاسم الرب اله اسرائيل.
10Haddaba Rabbigu wuu oofiyey eraygiisii uu ku hadlay, waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday, oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.
11ووضعت هناك التابوت الذي فيه عهد الرب الذي قطعه مع بني اسرائيل
11Oo halkaasna waxaan dhigay sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu reer binu Israa'iil la dhigtay.
12ووقف امام مذبح الرب تجاه كل جماعة اسرائيل وبسط يديه.
12Markaasuu hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga, iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, kolkaasuu gacmihiisii kala bixiyey
13لان سليمان صنع منبرا من نحاس وجعله في وسط الدار طوله خمس اذرع وعرضه خمس اذرع وارتفاعه ثلاث اذرع ووقف عليه ثم جثا على ركبتيه تجاه كل جماعة اسرائيل وبسط يديه نحو السماء
13(waayo, Sulaymaan wuxuu sameeyey mambar naxaas ah oo dhererkiisu ahaa shan dhudhun, ballaadhkiisuna shan dhudhun, sarajooggiisuna saddex dhudhun, oo wuxuu qotomiyey barxadda dhexdeedii, oo intuu ku kor istaagay ayuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku jilba joogsaday, oo gacmihiisuu xagga samada u kala bixiyey).
14وقال. ايها الرب اله اسرائيل لا اله مثلك في السماء والارض حافظ العهد والرحمة لعبيدك السائرين امامك بكل قلوبهم.
14Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, samada iyo dhulka toona Ilaah kula mid ahu kuma jiro, adoo axdiga xajiya oo u naxariista addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.
15الذي قد حفظت لعبدك داود ابي ما كلمته به فتكلمت بفمك واكملت بيدك كهذا اليوم.
15Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay.
16والآن ايها الرب اله اسرائيل احفظ لعبدك داود ابي ما كلمته به قائلا لا يعدم لك امامي رجل يجلس على كرسي اسرائيل ان يكن بنوك طرقهم يحفظون حتى يسيروا في شريعتي كما سرت انت امامي.
16Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.
17والآن ايها الرب اله اسرائيل فليتحقق كلامك الذي كلمت به عبدك داود.
17Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, eraygaagii aad addoonkaagii Daa'uud kula hadashay ha rumoobo.
18لانه هل يسكن الله حقا مع الانسان على الارض. هوذا السموات وسماء السموات لا تسعك فكم بالاقل هذا البيت الذي بنيت.
18Haddaba ma dhab baa in Ilaah dadka la degganaan doono dhulka? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa?
19فالتفت الى صلاة عبدك والى تضرّعه ايها الرب الهي واسمع الصراخ والصلاة التي يصليها عبدك امامك.
19Oo weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo,
20لتكون عيناك مفتوحتين على هذا البيت نهارا وليلا على الموضع الذي قلت انك تضع اسمك فيه لتسمع الصلاة التي يصلّيها عبدك في هذا الموضع
20in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacayga halkaasaan dhigi doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo.
21واسمع تضرعات عبدك وشعبك اسرائيل الذين يصلّون في هذا الموضع واسمع انت من موضع سكناك من السماء واذا سمعت فاغفر.
21Bal maqal baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno. Kaas ka maqal meeshaad deggan tahay oo ah samada, oo markaad maqashid na cafi.
22ان اخطأ احد الى صاحبه ووضع عليه حلف ليحلفه وجاء الحلف امام مذبحك في هذا البيت
22Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,
23فاسمع انت من السماء واعمل واقضي بين عبيدك اذ تعاقب المذنب فتجعل طريقه على راسه وتبرر البار اذ تعطيه حسب بره.
23de markaas samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun, adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaal guddid sida xaqnimadiisu tahay.
24وان انكسر شعبك اسرائيل امام العدو لكونهم اخطأوا اليك ثم رجعوا واعترفوا باسمك وصلّوا وتضرعوا امامك نحو هذا البيت
24Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan oo magacaaga qirtaan, oo hortaada ku tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,
25فاسمع انت من السماء واغفر خطية شعبك اسرائيل وارجعهم الى الارض التي اعطيتها لهم ولآبائهم
25markaas samada ka maqal, oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad iyaga iyo awowayaashoodba siisay.
26اذا اغلقت السماء ولم يكن مطر لكونهم اخطأوا اليك ثم صلّوا في هذا المكان واعترفوا باسمك ورجعوا عن خطيتهم لانك ضايقتهم
26Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas daraaddeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qirtaan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,
27فاسمع انت من السماء واغفر خطية عبيدك وشعبك اسرائيل فتعلمهم الطريق الصالح الذي يسلكون فيه واعطي مطرا على ارضك التي اعطيتها لشعبك ميراثا.
27de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay.
28اذا صار في الارض جوع اذا صار وبأ او لفح او يرقان او جراد او جردم او اذا حاصرهم اعداؤهم في ارض مدنهم في كل ضربة وكل مرض
28Hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadaawayaashoodu ay ku hareereeyaan dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,
29فكل صلاة وكل تضرع تكون من اي انسان كان او من كل شعبك اسرائيل الذين يعرفون كل واحد ضربته ووجعه فيبسط يديه نحو هذا البيت
29kolkaas haddii nin kastaaba amase dadkaaga reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan, oo nin kastaba ogaado belaayadiisa iyo murugtiisa, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,
30فاسمع انت من السماء مكان سكناك واغفر واعط كل انسان حسب كل طرقه كما تعرف قلبه لانك انت وحدك تعرف قلوب بني البشر.
30de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo nin walba ugu abaal gud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira, )
31لكي يخافوك ويسيروا في طرقك كل الايام التي يحيون فيها على وجه الارض التي اعطيت لآبائنا.
31inay kaa cabsadaan oo ay jidkaaga maraan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay.
32وكذلك الاجنبي الذي ليس هو من شعبك اسرائيل وقد جاء من ارض بعيدة من اجل اسمك العظيم ويدك القوية وذراعك الممدودة فمتى جاءوا وصلّوا في هذا البيت
32Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan,
33فاسمع انت من السماء مكان سكناك وافعل حسب كل ما يدعوك به الاجنبي لكي يعلم كل شعوب الارض اسمك فيخافوك كشعبك اسرائيل ولكي يعلموا ان اسمك قد دعي على هذا البيت الذي بنيت
33de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
34اذا خرج شعبك لمحاربة اعدائه في الطريق الذي ترسلهم فيه وصلّوا اليك نحو هذه المدينة التي اخترتها والبيت الذي بنيت لاسمك
34Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
35فاسمع من السماء صلاتهم وتضرعهم واقضي قضائهم.
35de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.
36اذا اخطأوا اليك لانه ليس انسان لا يخطئ وغضبت عليهم ودفعتهم امام العدو وسباهم سابوهم الى ارض بعيدة او قريبة
36Haddii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee,
37فاذا ردّوا الى قلوبهم في الارض التي يسبون اليها ورجعوا وتضرعوا اليك في ارض سبيهم قائلين قد اخطأنا وعوجنا واذنبنا
37oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,
38ورجعوا اليك من كل قلوبهم ومن كل انفسهم في ارض سبيهم التي سبوهم اليها وصلّوا نحو ارضهم التي اعطيتها لآبائهم والمدينة التي اخترت والبيت الذي بنيت لاسمك
38oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
39فاسمع من السماء من مكان سكناك صلاتهم وتضرعاتهم واقضي قضاءهم واغفر لشعبك ما اخطأوا به اليك.
39de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay.
40الآن يا الهي لتكن عيناك مفتوحتين واذناك مصغيتين لصلاة هذا المكان.
40Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.
41والآن قم ايها الرب الاله الى راحتك انت وتابوت عزّك. كهنتك ايها الرب الاله يلبسون الخلاص واتقياؤك يبتهجون بالخير
41Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen.Rabbiyow, Ilaahow, ha iga jeesan anoo ah kan aad subkatay, oo bal xusuuso raxmaddii aad u samaysay addoonkaagii Daa'uud.
42ايها الرب الاله لا ترد وجه مسيحك. اذكر مراحم داود عبدك
42Rabbiyow, Ilaahow, ha iga jeesan anoo ah kan aad subkatay, oo bal xusuuso raxmaddii aad u samaysay addoonkaagii Daa'uud.