الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Deuteronomy

2

1ثم تحولنا وارتحلنا الى البرية على طريق بحر سوف كما كلمني الرب ودرنا بجبل سعير اياما كثيرة.
1Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu ku wareegaynay Buur Seciir.
2ثم كلمني الرب قائلا.
2Markaasaa Rabbigu ila hadlay oo wuxuu igu yidhi,
3كفاكم دوران بهذا الجبل. تحوّلوا نحو الشمال.
3Idinku buurtan wakhti dheer baad ku wareegayseen, haddaba xagga woqooyi u leexda.
4واوص الشعب قائلا. انتم مارّون بتخم اخوتكم بني عيسو الساكنين في سعير فيخافون منكم فاحترزوا جدا.
4Oo adigu waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan u digtoonaada,
5لا تهجموا عليهم لاني لا اعطيكم من ارضهم ولا وطأة قدم لاني لعيسو قد اعطيت جبل سعير ميراثا.
5hana la diririna, waayo, dalkooda idinka siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey reer Ceesaw.
6طعاما تشترون منهم بالفضة لتأكلوا وماء ايضا تبتاعون منهم بالفضة لتشربوا.
6Wax aad cuntaan lacag kaga iibsada, oo weliba biyo aad cabtaanna lacag kaga iibsada.
7لان الرب الهك قد باركك في كل عمل يدك عارفا مسيرك في هذا القفر العظيم. الآن اربعون سنة للرب الهك معك لم ينقص عنك شيء.
7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idinku wada barakeeyey shuqulkii gacantiinna oo dhan, oo isagu wuu yiqiin socodkiinnii aad cidladan soo dhex marteen. Afartankan sannadood ayaa Rabbiga Ilaahinna ahu idinla jiray, oo waxba uma aydaan baahan.
8فعبرنا عن اخوتنا بني عيسو الساكنين في سعير على طريق العربة على أيلة وعلى عصيون جابر ثم تحولنا ومررنا في طريق برية موآب
8Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber.
9فقال لي الرب لا تعاد موآب ولا تثر عليهم حربا لاني لا اعطيك من ارضهم ميراثا. لاني لبني لوط قد اعطيت عار ميراثا.
9Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Reer Moo'aab ha dhibin, dagaalna ha kula diririn, waayo, dalkooda waxba hanti idiinka siin maayo, maxaa yeelay, Caar waxaan hanti u siiyey reer Luud.
10الإيميون سكنوا فيها قبلا. شعب كبير وكثير وطويل كالعناقيين.
10(Waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Eymiim oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq.
11هم ايضا يحسبون رفائيين كالعناقيين لكن الموآبيين يدعونهم إيميين.
11Oo kuwaasna sida reer Canaaq ayaa waxaa la odhan jiray Refaa'iim, laakiinse reer Moo'aab waxay iyaga ku magacaabaan reer Eymiim.
12وفي سعير سكن قبلا الحوريون فطردهم بنو عيسو وابادوهم من قدامهم وسكنوا مكانهم كما فعل اسرائيل بارض ميراثهم التي اعطاهم الرب.
12Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.)
13الآن قوموا واعبروا وادي زارد. فعبرنا وادي زارد.
13Haddaba kaca oo ka gudba durdurka Sered. Oo markaasaynu ka gudubnay durdurkii Sered.
14والايام التي سرنا فيها من قادش برنيع حتى عبرنا وادي زارد كانت ثماني وثلاثين سنة. حتى فني كل الجيل رجال الحرب من وسط المحلّة كما اقسم الرب لهم.
14Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay.
15ويد الرب ايضا كانت عليهم لابادتهم من وسط المحلّة حتى فنوا
15Oo weliba gacantii Rabbigu iyaga gees bay ka ahayd, si iyaga looga wada baabbi'iyo xerada dhexdeeda jeeray wada baabba'aan.
16فعندما فني جميع رجال الحرب بالموت من وسط الشعب
16Markii dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhammu ay wada baabbe'een oo ay dadka dhexdiisii ka wada le'deen,
17كلمني الرب قائلا.
17ayuu Rabbigu ila hadlay oo igu yidhi,
18انت مار اليوم بتخم موآب بعار.
18Maanta waa inaad ka gudubtaa Caar oo ah soohdinta dalka Moo'aab,
19فمتى قربت الى تجاه بني عمون لا تعادهم ولا تهجموا عليهم. لاني لا اعطيك من ارض بني عمون ميراثا لاني لبني لوط قد اعطيتها ميراثا.
19oo markaad u soo dhowaato reer Cammoon, iyaga ha dhibin hana la diririn, waayo, waxba hanti idiinka siin maayo dalka reer Cammoon, maxaa yeelay, halkaas waxaan hanti u siiyey reer Luud.
20هي ايضا تحسب ارض رفائيين. سكن الرفائيون فيها قبلا لكن العمونيين يدعونهم زمزميين.
20(Weliba dalkaasna waxaa lagu tiriyaa inuu yahay dalkii reer Refaa'iim, maxaa yeelay, waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Refaa'iim, laakiinse reer Cammoon waxay iyaga ku magacaabaan Samsummiim,
21شعب كبير وكثير وطويل كالعناقيين ابادهم الرب من قدامهم فطردوهم وسكنوا مكانهم.
21oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq, laakiinse Rabbiga ayaa hortooda ka baabbi'iyey, kolkaasay daba hantiyeen oo meeshoodii degeen,
22كما فعل لبني عيسو الساكنين في سعير الذين اتلف الحوريين من قدامهم فطردوهم وسكنوا مكانهم الى هذا اليوم ً.
22siduu reer Ceesaw oo Buur Seciir deggan u sameeyey markuu hortooda ka baabbi'iyey reer Xor oo ay daba hantiyeen oo ay meeshoodii degeen ilaa maantadan la joogo.
23والعوّيون الساكنون في القرى الى غزّة ابادهم الكفتوريون الذين خرجوا من كفتور وسكنوا مكانهم.
23Oo reer Caw oo degganaa tuulooyin tan iyo Gaasa yiil waxaa wada baabbi'iyey oo meeshoodii degay reer Kaftoriim oo ka soo baxay Kaftoor.)
24قوموا ارتحلوا واعبروا وادي ارنون. انظر. قد دفعت الى يدك سيحون ملك حشبون الاموري وارضه. ابتدئ تملك وأثر عليه حربا.
24Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga la dagaallantaa.
25في هذا اليوم أبتدئ اجعل خشيتك وخوفك امام وجوه الشعوب تحت كل السماء. الذين يسمعون خبرك يرتعدون ويجزعون امامك
25Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.
26فارسلت رسلا من برية قديموت الى سيحون ملك حشبون بكلام سلام قائلا.
26Oo anigu waxaan cidladii Qedemood uga diray boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa wargeeyayaal hadallo nabdeed sida, oo waxaan ku idhi,
27امرّ في ارضك. اسلك الطريق الطريق. لا اميل يمينا ولا شمالا.
27Dalkaaga aan dhex maree. Waxaan iska marayaa jidka weyn, oo u leexan maayo xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
28طعاما بالفضة تبيعني لآكل وماء تعطيني بالفضة لاشرب. امرّ برجليّ فقط.
28Wax aan cuno lacag igaga iibso, oo biyo aan cabbana lacag iga siiso, haddaba waxaa keliyahoo aad ii yeeshaa inaan dalka cagahayga ku dhex maro,
29كما فعل بي بني عيسو الساكنون في سعير والموآبيون الساكنون في عار. الى ان اعبر الاردن الى الارض التي اعطانا الرب الهنا.
29oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.
30لكن لم يشأ سيحون ملك حشبون ان يدعنا نمر به. لان الرب الهك قسّى روحه وقوّى قلبه لكي يدفعه الى يدك كما في هذا اليوم.
30Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay.
31وقال الرب لي. انظر. قد ابتدأت ادفع امامك سيحون وارضه. ابتدئ تملّك حتى تمتلك ارضه.
31Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad hantidid aad dalkiisa dhaxashide.
32فخرج سيحون للقائنا هو وجميع قومه للحرب الى ياهص.
32Markaasaa Siixon iyo dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas.
33فدفعه الرب الهنا امامنا فضربناه وبنيه وجميع قومه.
33Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.
34واخذنا كل مدنه في ذلك الوقت وحرمنا من كل مدينة الرجال والنساء والاطفال. لم نبق شاردا.
34Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna kama aynu reebin.
35لكن البهائم نهبناها لانفسنا وغنيمة المدن التي اخذنا
35Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay.
36من عروعير التي على حافة وادي ارنون والمدينة التي في الوادي الى جلعاد لم تكن قرية قد امتنعت علينا. الجميع دفعه الرب الهنا امامنا.
36Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.Laakiinse waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna ahu inoo diiday.
37ولكن ارض بني عمون لم نقربها. كل ناحية وادي يبوق ومدن الجبل وكل ما اوصى الرب الهنا
37Laakiinse waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna ahu inoo diiday.