الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Deuteronomy

1

1هذا هو الكلام الذي كلم به موسى جميع اسرائيل في عبر الاردن في البرية في العربة قبالة سوف بين فاران وتوفل ولابان وحضيروت وذي ذهب
1Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.
2احد عشر يوما من حوريب على طريق جبل سعير الى قادش برنيع.
2Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.
3ففي السنة الاربعين في الشهر الحادي عشر في الاول من الشهر كلم موسى بني اسرائيل حسب كل ما اوصاه الرب اليهم.
3Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.
4بعدما ضرب سيحون ملك الاموريين الساكن في حشبون وعوج ملك باشان الساكن في عشتاروث في اذرعي.
4Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.
5في عبر الاردن في ارض موآب ابتدأ موسى يشرح هذه الشريعة قائلا
5Oo meeshaas ee Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi,
6الرب الهنا كلمنا في حوريب قائلا. كفاكم قعود في هذا الجبل.
6Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku filan waad degganaydeen,
7تحولوا وارتحلوا وادخلوا جبل الاموريين وكل ما يليه من العربة والجبل والسهل والجنوب وساحل البحر ارض الكنعاني ولبنان الى النهر الكبير نهر الفرات.
7haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.
8انظر قد جعلت امامكم الارض. ادخلوا وتملكوا الارض التي اقسم الرب لآبائكم ابراهيم واسحق ويعقوب ان يعطيها لهم ولنسلهم من بعدهم
8Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba
9وكلمتكم في ذلك الوقت قائلا لا اقدر وحدي ان احملكم.
9Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu idinma aan qaadi karo keli ahaantay.
10الرب الهكم قد كثركم. وهوذا انتم اليوم كنجوم السماء في الكثرة.
10Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.
11الرب اله آبائكم يزيد عليكم مثلكم الف مرّة ويبارككم كما كلمكم.
11Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo siduu idin ballanqaaday!
12كيف احمل وحدي ثقلكم وحملكم وخصومتكم.
12Oo bal anigoo keligay ah sidee baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna?
13هاتوا من اسباطكم رجالا حكماء وعقلاء ومعروفين فاجعلهم رؤوسكم.
13Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa.
14فاجبتموني وقلتم حسن الامر الذي تكلمت به ان يعمل.
14Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.
15فاخذت رؤوس اسباطكم رجالا حكماء ومعروفين وجعلتهم رؤوسا عليكم رؤساء الوف ورؤساء مئات ورؤساء خماسين ورؤساء عشرات وعرفاء لاسباطكم.
15Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen.
16وأمرت قضاتكم في ذلك الوقت قائلا. اسمعوا بين اخوتكم واقضوا بالحق بين الانسان واخيه ونزيله.
16Oo waagaas ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la jira.
17لا تنظروا الى الوجوه في القضاء. للصغير كالكبير تسمعون. لا تهابوا وجه انسان لان القضاء لله. والامر الذي يعسر عليكم تقدمونه اليّ لاسمعه.
17Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.
18وامرتكم في ذلك الوقت بكل الامور التي تعملونها.
18Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.
19ثم ارتحلنا من حوريب وسلكنا كل ذلك القفر العظيم المخوف الذي رأيتم في طريق جبل الاموريين كما امرنا الرب الهنا. وجئنا الى قادش برنيع.
19Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.
20فقلت لكم قد جئتم الى جبل الاموريين الذي اعطانا الرب الهنا.
20Oo anna markaas waxaan idinku idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.
21انظر. قد جعل الرب الهك الارض امامك. اصعد تملك كما كلمك الرب اله آبائك. لا تخف ولا ترتعب.
21Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina.
22فتقدمتم اليّ جميعكم وقلتم دعنا نرسل رجالا قدامنا ليتجسسوا لنا الارض ويردوا الينا خبرا عن الطريق التي نصعد فيها والمدن التي نأتي اليها.
22Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.
23فحسن الكلام لديّ فاخذت منكم اثني عشر رجلا. رجلا واحدا من كل سبط.
23Oo anna taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil kastaba nin baan ka soocay.
24فانصرفوا وصعدوا الى الجبل وأتوا الى وادي اشكول وتجسّسوه
24Kolkaasay noqdeen oo buurtii u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.
25وأخذوا في ايديهم من اثمار الارض ونزلوا به الينا وردّوا لنا خبرا وقالوا جيدة هي الارض التي اعطانا الرب الهنا
25Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.
26لكنكم لم تشاءوا ان تصعدوا وعصيتم قول الرب الهكم
26Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
27وتمرمرتم في خيامكم وقلتم الرب بسبب بغضته لنا قد اخرجنا من ارض مصر ليدفعنا الى ايدي الاموريين لكي يهلكنا.
27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.
28الى اين نحن صاعدون. قد اذاب اخوتنا قلوبنا قائلين. شعب اعظم واطول منا. مدن عظيمة محصّنة الى السماء وايضا قد راينا بني عناق هناك.
28Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.
29فقلت لكم لا ترهبوا ولا تخافوا منهم.
29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.
30الرب الهكم السائر امامكم هو يحارب عنكم حسب كل ما فعل معكم في مصر امام اعينكم
30Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,
31وفي البرية حيث رأيت كيف حملك الرب الهك كما يحمل الانسان ابنه في كل الطريق التي سلكتموها حتى جئتم الى هذا المكان.
31iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.
32ولكن في هذا الامر لستم واثقين بالرب الهكم
32Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah
33السائر امامكم في الطريق ليلتمس لكم مكانا لنزولكم في نار ليلا ليريكم الطريق التي تسيرون فيها وفي سحاب نهارا.
33oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
34وسمع الرب صوت كلامكم فسخط واقسم قائلا.
34Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,
35لن يرى انسان من هؤلاء الناس من هذا الجيل الشرير الارض الجيدة التي اقسمت ان اعطيها لآبائكم
35Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,
36ما عدا كالب بن يفنّة. هو يراها وله اعطي الارض التي وطئها ولبنيه لانه قد اتبع الرب تماما.
36Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.
37وعليّ ايضا غضب الرب بسببكم قائلا وانت ايضا لا تدخل الى هناك.
37Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.
38يشوع بن نون الواقف امامك هو يدخل الى هناك. شدّده لانه هو يقسمها لاسرائيل.
38Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.
39واما اطفالكم الذين قلتم يكونون غنيمة وبنوكم الذين لم يعرفوا اليوم الخير والشر فهم يدخلون الى هناك ولهم اعطيها وهم يملكونها.
39Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.
40واما انتم فتحولوا وارتحلوا الى البرية على طريق بحر سوف
40Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.
41فاجبتم وقلتم لي قد اخطأنا الى الرب. نحن نصعد ونحارب حسب كل ما امرنا الرب الهنا. وتنطّقتم كل واحد بعدة حربه واستخففتم الصعود الى الجبل.
41Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.
42فقال الرب لي قل لهم لا تصعدوا ولا تحاربوا لاني لست في وسطكم لئلا تنكسروا امام اعدائكم.
42Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.
43فكلمتكم ولم تسمعوا بل عصيتم قول الرب وطغيتم وصعدتم الى الجبل.
43Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.
44فخرج الاموريون الساكنون في ذلك الجبل للقائكم وطردوكم كما يفعل النحل وكسروكم في سعير الى حرمة.
44Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah.
45فرجعتم وبكيتم امام الرب ولم يسمع الرب لصوتكم ولا اصغى اليكم.
45Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen, laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.
46وقعدتم في قادش اياما كثيرة كالايام التي قعدتم فيها
46Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.