1وتقدم رؤوس الآباء من عشيرة بني جلعاد بن ماكير بن منسّى من عشائر بني يوسف وتكلموا قدام موسى وقدام الرؤساء رؤوس الآباء من بني اسرائيل
1Markaas madaxdii qabiilka reer Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, ina Manaseh oo ka mid ahaa qabiilooyinkii ilma Yuusuf way soo dhowaadeen, oo waxay ku hor hadleen Muuse iyo amiirradii ahaa madaxdii qolooyinka reer binu Israa'iil,
2وقالوا. قد أمر الرب سيدي ان يعطي الارض بقسمة بالقرعة لبني اسرائيل. وقد أمر سيدي من الرب ان يعطي نصيب صلفحاد اخينا لبناته.
2oo waxay yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, Rabbigu wuxuu kugu amray inaad reer binu Israa'iil dalka dhaxal ahaan saami ugu kala qaybiso, oo weliba, sayidkayagiiyow, waxaa Rabbigu kugu amray inaad walaalkayo Selaafexaad gabdhihiisa dhaxalka siiso.
3فان صرن نساء لاحد من بني اسباط بني اسرائيل يؤخذ نصيبهنّ من نصيب آبائنا ويضاف الى نصيب السبط الذي صرن له. فمن قرعة نصيبنا يؤخذ.
3Oo hadday guursadaan wiilasha qabiilooyinka kale oo reer binu Israa'iil, markaas dhaxalkoodii waa laga gooynayaa dhaxalka awowayaashayo, oo waxaa lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa looga qaadan doonaa qaybtii dhaxalkayaga.
4ومتى كان اليوبيل لبني اسرائيل يضاف نصيبهنّ الى نصيب السبط الذي صرن له ومن نصيب سبط آبائنا يؤخذ نصيبهنّ
4Oo markii reer binu Israa'iil ay gaadhaan sannaddii Yubilii, ayaa dhaxalkooda lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa dhaxalkooda looga qaadi doonaa dhaxalka qabiilka awowayaashayo.
5فامر موسى بني اسرائيل حسب قول الرب قائلا. بحق تكلم سبط بني يوسف.
5Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil ku amray sidii uu eraygii Rabbigu ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Qabiilka ilma Yuusuf wax qumman bay ku hadleen.
6هذا ما امر به الرب عن بنات صلفحاد قائلا. من حسن في اعينهنّ يكنّ له نساء ولكن لعشيرة سبط آبائهنّ يكنّ نساء.
6Waxyaalaha ku saabsan Selaafexaad gabdhihiisa oo Rabbigu amray waa kuwan, oo wuxuu yidhi, Iyagu ha guursadeen kii la wanaagsan iyaga, laakiinse qabiilka aabbahood uun ha ka guursadeen.
7فلا يتحول نصيب لبني اسرائيل من سبط الى سبط بل يلازم بنو اسرائيل كل واحد نصيب سبط آبائه.
7Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis.
8وكل بنت ورثت نصيبا من اسباط بني اسرائيل تكون امرأة لواحد من عشيرة سبط ابيها لكي يرث بنو اسرائيل كل واحد نصيب آبائه.
8Oo gabadh kasta oo dhaxal ku leh qabiilooyinka reer binu Israa'iil middood waa inay afo u ahaato mid ka mid ah qolada qabiilka aabbaheed, si reer binu Israa'iil nin waluba u lahaado dhaxalkii awowayaashiis.
9فلا يتحول نصيب من سبط الى سبط آخر بل يلازم اسباط بني اسرائيل كل واحد نصيبه
9Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa.
10كما أمر الرب موسى كذلك فعلت بنات صلفحاد.
10Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen,
11فصارت محلة وترصة وحجلة وملكة ونوعة بنات صلفحاد نساء لبني اعمامهنّ.
11waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood.
12صرن نساء من عشائر بني منسّى بن يوسف فبقي نصيبهنّ في سبط عشيرة ابيهنّ
12Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.
13هذه هي الوصايا والاحكام التي اوصى بها الرب الى بني اسرائيل عن يد موسى في عربات موآب على اردن اريحا
13Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.