الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Deuteronomy

23

1لا يدخل مخصيّ بالرضّ او مجبوب في جماعة الرب.
1Oo kii xiniinyaha ka tuman ama guska ka jaran waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
2لا يدخل ابن زنى في جماعة الرب. حتى الجيل العاشر لا يدخل منه احد في جماعة الرب.
2Oo garacna waa inuusan shirka Rabbiga gelin, oo xataa hadduu toban qarni joogo farcankiisu waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
3لا يدخل عموني ولا موآبي في جماعة الرب. حتى الجيل العاشر لا يدخل منهم احد في جماعة الرب الى الابد.
3Oo mid reer Cammoon ah ama mid reer Moo'aab ahu waa inuusan shirka Rabbiga gelin, xataa hadday toban qarni joogaan wax ay farcankoodu leeyihiin waa inayan weligood shirka Rabbiga gelin,
4من اجل انهم لم يلاقوكم بالخبز والماء في الطريق عند خروجكم من مصر ولانهم استأجروا عليك بلعام بن بعور من فتور ارام النهرين لكي يلعنك.
4maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.
5ولكن لم يشإ الرب الهك ان يسمع لبلعام فحول لاجلك الرب الهك اللعنة الى بركة لان الرب الهك قد احبك.
5Habase yeeshee Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu diiday inuu Balcaam dhegaysto, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu habaarkii idiinku beddelay duco, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin jeclaa.
6لا تلتمس سلامهم ولا خيرهم كل ايامك الى الابد.
6Cimrigiinna oo dhan waa inaydaan weligiinba iyaga u doonin nabad iyo barwaaqo toona.
7لا تكره ادوميا لانه اخوك لا تكره مصريا لانك كنت نزيلا في ارضه.
7Waa inaydaan karhin mid reer Edom ah, maxaa yeelay, waa walaalkiin. Waana inaydaan karhin mid Masri ah, maxaa yeelay, dalkiisaad qariib ku ahaan jirteen.
8الاولاد الذين يولدون لهم في الجيل الثالث يدخلون منهم في جماعة الرب
8Oo carruurta qarnigooda saddexaad u dhalataa ha soo galeen shirka Rabbiga.
9اذا خرجت في جيش على اعدائك فاحترز من كل شيء رديء.
9Markaad cadaawayaashiinna kula baxdaan ciidanka waa inaad wax kasta oo shar ah iska jirtaan.
10ان كان فيك رجل غير طاهر من عارض الليل يخرج الى خارج المحلّة لا يدخل الى داخل المحلّة.
10Oo hadduu idinku jiro nin aan nadiif ahayn oo habeenkii isku januubay, xerada dibadda ha uga baxo, oo waa inuusan xerada soo gelin.
11ونحو اقبال المساء يغتسل بماء وعند غروب الشمس يدخل الى داخل المحلّة
11Laakiinse markay casar gaabadkii tahay, biyo ha ku maydho, oo kolkii qorraxdu dhacdo, xerada ha soo galo.
12ويكون لك موضع خارج المحلّة لتخرج اليه خارجا.
12Oo xerada dibaddeeda waxaad ka yeelataan meel aad u baxdaan,
13ويكون لك وتد مع عدّتك لتحفر به عندما تجلس خارجا وترجع وتغطي برازك.
13oo hubkiinna waxaad la qaadataan taki, oo kolkaad dibadda saxaro u fadhiisataan waa inaad takida god ku qoddaan oo intaad dib u soo jeesataan wixii idinka soo baxay waa inaad ciid ku aastaan.
14لان الرب الهك سائر في وسط محلّتك لكي ينقذك ويدفع اعداءك امامك. فلتكن محلّتك مقدسة لئلا يرى فيك قذر شيء فيرجع عنك
14Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu xeradiinnuu dhex socdaa inuu idin samatabbixiyo oo uu cadaawayaashiinnana gacantiinna soo geliyo, oo sidaas daraaddeed xeradiinnu waa inay quduus ahaataa si uusan dhexdiinna ugu arag wax nijaas ah oo uusan idiinka sii jeesan.
15عبدا ابق اليك من مولاه لا تسلم الى مولاه.
15Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.
16عندك يقيم في وسطك في المكان الذي يختاره في احد ابوابك حيث يطيب له. لا تظلمه
16Isagu ha idinla joogo, oo dhexdiinna ha joogo meeshuu irdihiinna middood ka doorto oo uu jecel yahay. Waa inaydaan isaga dulmin.
17لا تكن زانية من بنات اسرائيل ولا يكون مأبونون من بني اسرائيل.
17Dumarka reer binu Israa'iil waa inaan laga helin dhillo, nimanka reer binu Israa'iilna waa inaan laga helin mid khaniis ah.
18لا تدخل اجرة زانية ولا ثمن كلب الى بيت الرب الهك عن نذر ما لانهما كليهما رجس لدى الرب الهك
18Dhillo kiradeed iyo eey kiradiis toona waa inaydaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah u soo gelin nidar aawadiis, waayo, labadaasuba waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahiinna ah.
19لا تقرض اخاك بربا ربا فضة او ربا طعام او ربا شيء ما مما يقرض بربا.
19Waa inaydaan walaalkiin intaad wax deymisaan korsaar ka qaadan, ha ahaadeen lacag korsaar ah, ama cunto korsaar ah, ama wax kale oo korsaar laysku deymiyo toona.
20للاجنبي تقرض بربا ولكن لاخيك لا تقرض بربا لكي يباركك الرب الهك في كل ما تمتد اليه يدك في الارض التي انت داخل اليها لتمتلكها
20Kii shisheeye ah korsaar wax baad ku deymi kartaan, laakiinse walaalkiin waa inaydaan korsaar wax ku deymin, in Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku barakeeyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba intaad joogtaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
21اذا نذرت نذرا للرب الهك فلا تؤخر وفاءه. لان الرب الهك يطلبه منك فتكون عليك خطية.
21Oo markaad Rabbiga Ilaahiinna ah nidar u nidartaan waa inaydaan ka raagin inaad waxaas bixisaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu hubaal kaas wuu idin weyddiin doonaa, oo dembi buu idinku noqon lahaa.
22ولكن اذا امتنعت ان تنذر لا تكون عليك خطية
22Laakiinse haddaydnan nidar gelin taasu dembi idinkuma ahaan doonto.
23ما خرج من شفتيك احفظ واعمل كما نذرت للرب الهك تبرعا كما تكلم فمك
23Wax alla wixii afkiinna ka soo baxay waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu nidarteen, oo wixii aad ikhtiyaarkiinna afka ugu ballanqaaddeen waa inaad bixisaan.
24اذا دخلت كرم صاحبك فكل عنبا حسب شهوة نفسك شبعتك ولكن في وعائك لا تجعل.
24Markaad soo gashaan beerta canabka ah ee deriskiinna, canabka uga dherga si alla saad doonaysaan, laakiinse waa inaydaan weelkiinna waxba kaga qaadan.Oo markaad timaadaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna, sabuulka gacanta waad ku goosan kartaan, laakiinse waa inaydaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna manjo ku gooyn.
25اذا دخلت زرع صاحبك فاقطف سنابل بيدك ولكن منجلا لا ترفع على زرع صاحبك
25Oo markaad timaadaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna, sabuulka gacanta waad ku goosan kartaan, laakiinse waa inaydaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna manjo ku gooyn.