1اذا اخذ رجل امرأة وتزوج بها فان لم تجد نعمة في عينيه لانه وجد فيها عيب شيء وكتب لها كتاب طلاق ودفعه الى يدها واطلقها من بيته
1Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo.
2ومتى خرجت من بيته ذهبت وصارت لرجل آخر
2Oo iyadu markay gurigiisa ka tagto way tegi kartaa oo nin kale naagtiis way noqon kartaa.
3فان ابغضها الرجل الاخير وكتب لها كتاب طلاق ودفعه الى يدها واطلقها من بيته او اذا مات الرجل الاخير الذي اتخذها له زوجة
3Oo ninka dambena hadduu iyada nebcaado, oo uu qoro warqaddii furniinta, oo uu iyada gacanta u geliyo, oo uu gurigiisana ka eryo, amase haddii ninka dambe oo iyada guursaday uu dhinto,
4لا يقدر زوجها الاول الذي طلقها ان يعود ياخذها لتصير له زوجة بعد ان تنجست. لان ذلك رجس لدى الرب. فلا تجلب خطية على الارض التي يعطيك الرب الهك نصيبا
4ninkeedii hore oo iyada eryay yuusan mar dambe naagnimo u qaadan, kolkii iyadu ay nijaasowday dabadeed, maxaa yeelay, taasu Rabbiga hortiisa karaahiyo bay ku tahay, oo waa inaydaan dembi keenin dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo.
5اذا اتخذ رجل امرأة جديدة فلا يخرج في الجند ولا يحمل عليه امر ما. حرا يكون في بيته سنة واحدة ويسرّ امرأته التي اخذها
5Markii nin naag dhowaan guursado waa inuusan dagaalka gelin, hawl kalena waa inaan loo dirin, laakiinse intii sannad ah waa inuu gurigiisa ikhtiyaar ku joogaa oo waa inuu ka farxiyaa naagtii uu guursaday.
6لا يسترهن احد رحى او مرداتها لانه انما يسترهن حياة
6Ninna waa inuusan rahaamad u qaadan dhagaxa hoose ama dhagaxa sare oo wax lagu shiido, waayo, taasu waxay la mid tahay isagoo rahaamad u qaatay waxa lagu noolyahay.
7اذا وجد رجل قد سرق نفسا من اخوته بني اسرائيل واسترقه وباعه يموت ذلك السارق فتنزع الشر من وسطك
7Haddii nin la helo isagoo mid ka mid ah walaalihiisa reer binu Israa'iil intuu xaday uu ugu macaamiloodo sidii addoon oo kale, amase uu isaga iibiyo, markaas tuuggaas waa in la dilaa, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
8احرص في ضربة البرص لتحفظ جدا وتعمل حسب كل ما يعلّمك الكهنة واللاويون. كما امرتهم تحرصون ان تعملوا.
8Xagga cudurka baraska ah waa inaad isjirtaan, oo waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan wax alla wixii wadaaddada reer Laawi ay idin baraan oo dhan, oo sidaan iyaga ugu amray, idinku waa inaad saas u dhawrtaan oo u yeeshaan.
9اذكر ما صنع الرب الهك بمريم في الطريق عند خروجكم من مصر
9Bal xusuusta wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu ku sameeyey Maryan, markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen.
10اذا اقرضت صاحبك قرضا ما فلا تدخل بيته لكي ترتهن رهنا منه.
10Markaad deriskaaga wax amaahiso, deyn kasta ha ahaadee, waa inaadan gurigiisa gelin si aad rahaamadda uga soo qaadato.
11في الخارج تقف والرجل الذي تقرضه يخرج اليك الرهن الى الخارج.
11Waa inaad dibadda istaagtaa, oo ninkii aad wax deymisay waa inuu dibadda kuugu keenaa rahaamadda.
12وان كان رجلا فقيرا فلا تنم في رهنه.
12Oo isagu hadduu yahay nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta,
13رد اليه الرهن عند غروب الشمس لكي ينام في ثوبه ويباركك فيكون لك بر لدى الرب الهك
13laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo.
14لا تظلم اجيرا مسكينا وفقيرا من اخوتك او من الغرباء الذين في ارضك في ابوابك.
14Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira.
15في يومه تعطيه اجرته ولا تغرب عليها الشمس لانه فقير واليها حامل نفسه لئلا يصرخ عليك الى الرب فتكون عليك خطية
15Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin, oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo ay taasu dembi kugu noqotaaye.
16لا يقتل الآباء عن الاولاد ولا يقتل الاولاد عن الآباء. كل انسان بخطيته يقتل
16Aabbayaasha waa inaan loo dilin carruurtooda, carruurtana waa inaan loo dilin aabbayaashood, laakiinse nin kasta waa in loo dilaa dembigiisa uu isagu falay.
17لا تعوج حكم الغريب واليتيم ولا تسترهن ثوب الارملة.
17Waa inaydaan qalloocin garta qariibka iyo agoonta, oo naag carmal ah dharkeedna waa inaydaan rahaamad u qaadan,
18واذكر انك كنت عبدا في مصر ففداك الرب الهك من هناك. لذلك انا اوصيك ان تعمل هذا الامر
18laakiinse waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaas idinka soo furtay, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.
19اذا حصدت حصيدك في حقلك ونسيت حزمة في الحقل فلا ترجع لتأخذها. للغريب واليتيم والارملة تكون لكي يباركك الرب الهك في كل عمل يديك.
19Oo markaad beertaada goosatid haddaad xidhmo sabuullo ah beerta ku soo dhex illowdo waa inaadan dib ugu noqon si aad u soo qaadato. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka, si uu Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu barakeeyo wixii ay gacmahaagu qabtaan oo dhan.
20واذا خبطت زيتونك فلا تراجع الاغصان وراءك. للغريب واليتيم والارملة يكون.
20Oo markaad geedkaaga saytuunka ah midhaha ka garaacdid, mar dambe laamaha ha ku noqon. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.
21اذا قطفت كرمك فلا تعلله وراءك. للغريب واليتيم والارملة يكون.
21Oo markaad midhaha ka soo urursatid beertaada canabka ah waa inaadan dib u soo xaaxaabin. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.Waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.
22واذكر انك كنت عبدا في ارض مصر. لذلك انا اوصيك ان تعمل هذا الامر
22Waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.