1اذا كانت خصومة بين اناس وتقدموا الى القضاء ليقضي القضاة بينهم فليبرروا البار ويحكموا على المذنب.
1Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.
2فان كان المذنب مستوجب الضرب يطرحه القاضي ويجلدونه امامه على قدر ذنبه بالعدد.
2Oo haddii ninkii gardarnaa karbaash istaahilo xaakinku waa inuu hortiisa jiifiyaa si isaga loogu hor karbaasho, oo intii gardarradiisu ahayd ha loo tiriyo.
3اربعين يجلده لا يزد لئلا اذا زاد في جلده على هذه ضربات كثيرة يحتقر اخوك في عينيك.
3Wuxuu ku xukumi karaa afartan karbaash, laakiinse yuusan uga sii badin, waaba intaasoo hadduu intaas uga sii badiyo oo karbaash badan la dhaco aad walaalkaa fududaysataa.
4لا تكمّ الثور في دراسه
4Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo.
5اذا سكن اخوة معا ومات واحد منهم وليس له ابن فلا تصر امرأة الميت الى خارج لرجل اجنبي. اخو زوجها يدخل عليها ويتخذها لنفسه زوجة ويقوم لها بواجب اخي الزوج.
5Haddii walaalo wada deggan yihiin, oo midkood dhinto, laakiinse uusan wiil lahayn, kan dhintay naagtiisu yaanay dibadda ka guursan mid shisheeye ah. Ninkeedii walaalkiis waa inuu u guri galo oo dumaalo, oo uu ku sameeyo wixii ku habboon ninkeedii walaalkiis inuu ku sameeyo.
6والبكر الذي تلده يقوم باسم اخيه الميت لئلا يمحى اسمه من اسرائيل
6Si uusan ku dhintay magiciisu reer binu Israa'iil uga dhex baabbi'in ninkeedu wiilka ugu horreeya oo ay dhali doonto ha u bixiyo magicii walaalkiisii dhintay.
7وان لم يرضى الرجل ان يأخذ امرأة اخيه تصعد امرأة اخيه الى الباب الى الشيوخ وتقول قد ابى اخو زوجي ان يقيم لاخيه اسما في اسرائيل. لم يشأ ان يقوم لي بواجب اخي الزوج.
7Laakiinse hadduusan ninku doonaynin inuu dumaalo naagtii walaalkiis, markaas naagta walaalkiis waa inay odayaasha ugu tagtaa iridda magaalada oo ay ku tidhaahdaa, Ninkaygii walaalkiis wuu diiday inuu walaalkiis magac uga dhex kiciyo reer binu Israa'iil, oo dooni maayo inuu igu sameeyo waxa ku habboon in dumaashigay igu sameeyo.
8فيدعوه شيوخ مدينته ويتكلمون معه فان اصرّ وقال لا ارضى ان اتخذها
8Oo markaas odayaasha magaaladiisu waa inay isaga u yeedhaan oo la hadlaan, oo markaas hadduu ka soo istaago oo yidhaahdo, Dooni maayo inaan dumaalo,
9تتقدم امرأة اخيه اليه امام اعين الشيوخ وتخلع نعله من رجله وتبصق في وجهه وتصرح وتقول هكذا يفعل بالرجل الذي لا يبني بيت اخيه.
9markaas naagta walaalkiis waa inay ugu timaadaa odayaasha hortooda, oo ay kabtiisa ka siibtaa, oo ay wejigana candhuuf uga tuftaa, oo iyadu waa inay jawaabtaa oo tidhaahdaa, Saas ha lagu sameeyo ninkii aan dhisin reerka walaalkiis.
10فيدعى اسمه في اسرائيل بيت مخلوع النعل
10Oo magiciisa reer binu Israa'iil dhexdooda ha loogu yeedho, Reerkii kan kabtiisii laga siibay.
11اذا تخاصم رجلان بعضهما بعضا رجل واخوه وتقدمت امرأة احدهما لكي تخلّص رجلها من يد ضاربه ومدّت يدها وامسكت بعورته
11Oo markii niman isdiriraan, haddii mid naagtiisu u soo dhowaato si ay ninkeeda uga samatabbixiso gacanta kan isaga dilaya, hadday gacanta soo fidiso oo ay isaga xiniinyaha ku dhegto,
12فاقطع يدها ولا تشفق عينك
12markaas waa inaad iyada gacanta ka gooysaa oo aadan innaba u nixin.
13لا يكن لك في كيسك اوزان مختلفة كبيرة وصغيرة.
13Waa inaadan kolaygaaga ku haysan miisaanno kala cayn ah oo ah mid weyn iyo mid yar.
14لا يكن لك في بيتك مكاييل مختلفة كبيرة وصغيرة.
14Oo waa inaadan gurigaaga ku haysan weelal qiyaaseed oo kala cayn ah oo ah mid weyn iyo mid yar.
15وزن صحيح وحق يكون لك ومكيال صحيح وحق يكون لك لكي تطول ايامك على الارض التي يعطيك الرب الهك.
15Waa inaad haysataa miisaan qumman oo xaq ah, oo waa inaad haysataa weel qiyaaseed oo qumman oo xaq ah, in cimrigaagu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo.
16لان كل من عمل ذلك كل من عمل غشا مكروه لدى الرب الهك
16Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.
17اذكر ما فعله بك عماليق في الطريق عند خروجك من مصر.
17Bal xusuusta wixii ay reer Camaaleq idinku sameeyeen markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen,
18كيف لاقاك في الطريق وقطع من مؤخرك كل المستضعفين وراءك وانت كليل ومتعب ولم يخف الله.
18iyo siday jidka idiinkaga hor yimaadeen oo ay u laayeen dabaadigiinnii, kuwaas oo ahaa kulli intiinnii taagta darnayd oo dambaysay, markaad tabarta darnaydeen oo daallanaydeen. Iyaguse Ilaah kama ay cabsan.Sidaas daraaddeed markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka nasiyo cadaawayaashiinna hareerahiinna ku wareegsan oo dhan, idinkoo jooga dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxal idiin siinayo inaad hantidaan aawadeed, waa inaad reer Camaaleq ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo taas ha illoobina.
19فمتى اراحك الرب الهك من جميع اعدائك حولك في الارض التي يعطيك الرب الهك نصيبا لكي تمتلكها تمحو ذكر عماليق من تحت السماء. لا تنسى
19Sidaas daraaddeed markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka nasiyo cadaawayaashiinna hareerahiinna ku wareegsan oo dhan, idinkoo jooga dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxal idiin siinayo inaad hantidaan aawadeed, waa inaad reer Camaaleq ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo taas ha illoobina.