الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Esther

3

1بعد هذه الأمور عظّم الملك احشويروش هامان بن همداثا الاجاجي ورقّاه وجعل كرسيه فوق جميع الرؤساء الذين معه.
1Oo waxyaalahaas dabadeed Boqor Ahashwerus wuxuu dalliciyey oo kursigiisii ka sarraysiiyey amiirradii isaga la joogay oo dhan Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo isaga wuu hore mariyey.
2فكان كل عبيد الملك الذين بباب الملك يجثون ويسجدون لهامان لانه هكذا اوصى به الملك. واما مردخاي فلم يجث ولم يسجد.
2Oo waxaa Haamaan u foororsaday oo u sujuuday boqorka addoommadiisii iriddiisa joogay oo dhan, waayo, boqorka ayaa in saas loo yeelo amray. Laakiinse Mordekay uma uu foororsan, umana sujuudin.
3فقال عبيد الملك الذين بباب الملك لمردخاي لماذا تتعدّى امر الملك.
3Markaasaa addoommadii boqorka oo joogay boqorka iriddiisa waxay Mordekay ku yidhaahdeen, War maxaad u jebinaysaa boqorka amarkiisa?
4واذ كانوا يكلمونه يوما فيوما ولم يكن يسمع لهم اخبروا هامان ليروا هل يقوم كلام مردخاي لانه اخبرهم بانه يهودي.
4Haddaba waxaa dhacday, markay maalin kasta saas ku lahaayeen, laakiinse isagu uusan dheg u dhigin, inay warkaas Haamaan u sheegeen inay arkaan bal wuxuu xaalka Mordekay noqdo, waayo, wuxuu iyagii u sheegay inuu Yuhuud yahay.
5ولما رأى هامان ان مردخاي لا يجثو ولا يسجد له امتلأ هامان غضبا.
5Haamaanna markuu arkay inaan Mordekay u foororsan oo aanu u sujuudin, ayuu Haamaan aad u cadhooday.
6وازدري في عينيه ان يمد يده الى مردخاي وحده لانهم اخبروه عن شعب مردخاي فطلب هامان ان يهلك جميع اليهود الذين في كل مملكة احشويروش شعب مردخاي
6Laakiinse wuu quudhsaday inuu Mordekay oo qudha gacanta saaro, waayo, waxaa isaga loo sheegay Mordekay qabiilkiisa; oo sidaas daraaddeed Haamaan wuxuu doonayay inuu wada baabbi'iyo Yuhuudda boqortooyada Ahashwerus deggan oo dhan, kuwaasoo ahaa Mordekay qabiilkiisii.
7في الشهر الاول اي شهر نيسان في السنة الثانية عشرة للملك احشويروش كانوا يلقون فورا اي قرعة امام هامان من يوم الى يوم ومن شهر الى شهر الى الثاني عشر اي شهر اذار.
7Oo sannaddii laba iyo tobnaad oo Boqor Ahashwerus, bisheedii kowaad taasoo ah bisha Niisaan ayay Haamaan hortiisa ku rideen saami magiciisa la yidhaahdo Fuur, oo taasuna waxay socotay maalin ka maalin, iyo bil ka bil, ilaa bishii laba iyo tobnaad oo ah bisha Adaar.
8فقال هامان للملك احشويروش انه موجود شعب ما متشتت ومتفرق بين الشعوب في كل بلاد مملكتك وسننهم مغايرة لجميع الشعوب وهم لا يعملون سنن الملك فلا يليق بالملك تركهم.
8Markaasaa Haamaan wuxuu Boqor Ahashwerus ku yidhi, Waxaa jira dad ku wada dhex firidhsan dadyowga deggan gobollada boqortooyadaada oo dhan, qaynuunnadooduna way ka wada duwan yihiin kuwa dadyowga kale oo dhan. Iyaguna qaynuunnada boqorka ma dhawraan. Sidaas daraaddeed, boqorow, inaad iska daysid faa'iido kuugu ma jirto.
9فاذا حسن عند الملك فليكتب ان يبادوا وانا ازن عشرة آلاف وزنة من الفضة في ايدي الذين يعملون العمل ليؤتى بها الى خزائن الملك.
9Haddaba, boqorow, taas haddaad raalli ka tahay, ha la qoro in iyaga la baabbi'iyo; oo anna waxaan bixin doonaa toban kun oo talanti oo lacag ah, oo waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa boqorka shuqulkiisa u taliya inay iyagu maalkaas geliyaan khasnadaha boqorka.
10فنزع الملك خاتمه من يده واعطاه لهامان بن همداثا الاجاجي عدو اليهود.
10Markaasaa boqorkii wuxuu gacantiisa ka siibay kaatunkiisii oo wuxuu siiyey Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag ee weliba ahaa cadowgii Yuhuudda.
11وقال الملك لهامان الفضة قد أعطيت لك والشعب ايضا لتفعل به ما يحسن في عينيك
11Kolkaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Lacagta adigaa lagu siiyey, oo weliba dadkana waxaad ku samaysaa wax alla wixii kula wanaagsan.
12فدعي كتّاب الملك في الشهر الاول في اليوم الثالث عشر منه وكتب حسب كل ما أمر به هامان الى مرازبة الملك والى ولاة بلاد فبلاد والى رؤساء شعب فشعب كل بلاد ككتابتها وكل شعب كلسانه كتب باسم الملك احشويروش وختم بخاتم الملك
12Oo bishii kowaad maalinteedii saddex iyo tobnaad ayaa loo wada yeedhay boqorka karraaniyadiisii oo dhan, oo waxaa la qoray kulli wixii Haamaan ku amray boqorka saraakiishiisii iyo taliyayaashii gobollada oo dhan xukumayay, iyo amiirradii u talinayay dad kasta, oo gobol kasta waxaa loogu qoray afkiisii. Oo waxaa lagu qoray Boqorka Ahashwerus magiciisa, waxaana lagu shaabadeeyey boqorka kaatunkiisii.
13وأرسلت الكتابات بيد السعاة الى كل بلدان الملك لاهلاك وقتل وابادة جميع اليهود من الغلام الى الشيخ والاطفال والنساء في يوم واحد في الثالث عشر من الشهر الثاني عشر اي شهر اذار وان يسلبوا غنيمتهم.
13Oo warqadona waxaa loo dhiibay warqaadayaal, oo waxaa loo diray boqorka gobolladiisii oo dhan, in Yuhuudda oo dhan la wada baabbi'iyo, oo la wada laayo, oo la halaago dhammaantood, yar iyo weyn, iyo dhallaanka iyo dumarkaba, bisha Adaar oo ah bisha laba iyo tobnaad, maalinteeda saddex iyo tobnaad, iyo in maalkoodana booli ahaan loo dhaco.
14صورة الكتابة المعطاة سنّة في كل البلدان أشهرت بين جميع الشعوب ليكونوا مستعدين لهذا اليوم.
14Oo waxaa dadyowga oo dhan lagu dhex faafiyey warqaddii la qoray naqilkeedii, oo leh amar ha la wada siiyo gobollada oo dhan inay diyaar u noqdaan maalintaas.Oo warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.
15فخرج السعاة وأمر الملك يحثّهم وأعطي الامر في شوشن القصر. وجلس الملك وهامان للشرب واما المدينة شوشن فارتبكت
15Oo warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.