الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Esther

4

1ولما علم مردخاي كل ما عمل شق مردخاي ثيابه ولبس مسحا برماد وخرج الى وسط المدينة وصرخ صرخة عظيمة مرّة
1Haddaba markii Mordekay ogaaday wixii la sameeyey oo dhan ayuu dharkiisii jeexjeexay, dhar joonyad ahna wuu xidhay oo dambas ismariyey, markaasuu magaalada dhex galay oo oohin dheer oo qadhaadh ku qayliyey.
2وجاء الى قدام باب الملك لانه لا يدخل احد باب الملك وهو لابس مسحا.
2Wuxuuna hor yimid boqorka iriddiisa; waayo, ninna iridda boqorka ma geli karayn isagoo dhar joonyad ah qaba.
3وفي كل كورة حيثما وصل اليها امر الملك وسنته كانت مناحة عظيمة عند اليهود وصوم وبكاء ونحيب. وانفرش مسح ورماد لكثيرين
3Oo gobol kasta oo qaynuunkii iyo amarkii boqorku gaadhayba waxaa Yuhuuddii ka dhex dhacday baroor weyn, iyo soon, iyo oohin, iyo qaylo; kuwo badanuna dambas bay ku jiifeen iyagoo dhar joonyad ah qaba.
4فدخلت جواري استير وخصيانها واخبروها فاغتمّت الملكة جدا وارسلت ثيابا لإلباس مردخاي ولاجل نزع مسحه عنه فلم يقبل.
4Markaasaa Esteer waxaa u yimid oo xaalkaas u soo sheegay gabdhaheedii iyo midiidinnadeedii; kolkaasay boqoraddii aad iyo aad u murugootay; oo Mordekay ayay u sii dirtay dhar uu xidho, waxayna u sheegtay inuu dharkiisii joonyadda ahaa iska furo; laakiinse dharkii ma uu qaadan.
5فدعت استير هتاخ واحد من خصيان الملك الذي اوقفه بين يديها واعطته وصية الى مردخاي لتعلم ماذا ولماذا.
5Markaasaa Esteer waxay u yeedhay Hatag oo boqorka midiidinnadiisa ka mid ahaa oo uu boqorku u doortay inuu u adeego, oo waxay isagii ku amartay inuu Mordekay u tago oo uu soo ogaado bal waxa xaalkanu ahaa, iyo wuxuu u dhacayba.
6فخرج هتاخ الى مردخاي الى ساحة المدينة التي امام باب الملك
6Sidaas daraaddeed Hatag wuxuu Mordekay ugu tegey magaalada bannaankeedii ka soo hor jeeday boqorka iriddiisa.
7فاخبره مردخاي بكل ما اصابه وعن مبلغ الفضة الذي وعد هامان بوزنه لخزائن الملك عن اليهود لابادتهم
7Markaasaa Mordekay wuxuu isagii u sheegay dhammaan wixii isaga ku dhacay, iyo lacagtii uu Haamaan u ballanqaaday inuu siinayo boqorka khasnadihiisa in Yuhuudda la baabbi'iyo aawadeed.
8واعطاه صورة كتابة الأمر الذي أعطي في شوشن لاهلاكهم لكي يريها لاستير ويخبرها ويوصيها ان تدخل الى الملك وتتضرع اليه وتطلب منه لاجل شعبها.
8Oo weliba wuxuu isagii u dhiibay naqilka warqaddii oo amarku ku qornaa oo Shuushan lagu faafiyey si Yuhuudda loo wada baabbi'iyo, wuxuuna taas u siiyey inuu Esteer tuso oo uu iyada u warramo, oo wuxuu iyada ku amray inay boqorka u gasho, oo ay barido oo ay isaga hortiisa wax ka weyddiisato dadkeeda aawadiis.
9فأتى هتاخ واخبر استير بكلام مردخاي.
9Kolkaasaa Hatag yimid oo wuxuu Esteer u sheegay erayadii Mordekay.
10فكلمت استير هتاخ واعطته وصية الى مردخاي
10Dabadeedna Esteer baa la hadashay Hatag oo waxay farriin ugu sii dhiibtay Mordekay oo ku tidhi,
11ان كل عبيد الملك وشعوب بلاد الملك يعلمون ان كل رجل دخل او امرأة الى الملك الى الدار الداخلية ولم يدع فشريعته واحدة ان يقتل الا الذي يمدّ له الملك قضيب الذهب فانه يحيا. وانا لم أدع لادخل الى الملك هذه الثلاثين يوما.
11Boqorka addoommadiisa oo dhan iyo dadka boqorka gobolladiisa deggan oo dhammu way wada og yihiin in ku alla kii, isagoo aan loo yeedhin, boqorka ugu soo gala barxadda dhexe, ama nin ha ahaado ama naag ha ahaatee, qaynuun baa loo hayaa, waana in isaga la dilo, haddaan boqorku usha dahabka ah fidin, si uu u noolaado aawadeed; laakiinse aniga la iima yeedhin inaan boqorka u soo galo intii soddon maalmood ah.
12فاخبروا مردخاي بكلام استير.
12Kolkaasaa Mordekay loo soo sheegay Esteer erayadeedii.
13فقال مردخاي ان تجاوب استير. لا تفتكري في نفسك انك تنجين في بيت الملك دون جميع اليهود.
13Markaasuu Mordekay iyagii jawaab ugu sii dhiibay Esteer, oo wuxuu ku yidhi, Ha moodin inaad adiga qudhaadu guriga boqorka ku baxsan doontid iyadoo aanay Yuhuudda ka baxsan.
14لانك ان سكتّ سكوتا في هذا الوقت يكون الفرج والنجاة لليهود من مكان آخر واما انت وبيت ابيك فتبيدون. ومن يعلم ان كنت لوقت مثل هذا وصلت الى الملك.
14Waayo, haddaad wakhtigan iska aamustid, waxaa Yuhuudda meel kale uga kici doona furasho iyo samatabbax, laakiinse adiga iyo reerka aabbahaaba waad halligmi doontaan. Bal yaase garanaya inaad wakhtigan oo kale daraaddiis boqortooyada u soo gashay?
15فقالت استير ان يجاوب مردخاي
15Markaasaa Esteer waxay iyaga u sheegtay inay Mordekay jawaab ku celiyaan, oo waxay ku tidhi,
16اذهب اجمع جميع اليهود الموجودين في شوشن وصوموا من جهتي ولا تأكلوا ولا تشربوا ثلاثة ايام ليلا ونهارا. وانا ايضا وجواريّ نصوم كذلك وهكذا ادخل الى الملك خلاف السنّة. فاذا هلكت هلكت.
16Tag, oo soo wada ururi Yuhuudda Shuushan joogta oo dhan, oo ii sooma, oo intii saddex maalmood ah, habeen iyo maalin toona, waxba ha cunina, waxna ha cabbina; oo aniga iyo gabdhahayguna sidaas oo kalaan u soomaynaa; oo kolkaasaan boqorka u gelayaa, taasoo aan sharciga waafaqsanayn; oo haddii aan halligmona, waan halligmayaa.Markaasuu Mordekay iska tegey oo sameeyey wax alla wixii Esteer ku amartay oo dhan.
17فانصرف مردخاي وعمل حسب كل ما اوصته به استير
17Markaasuu Mordekay iska tegey oo sameeyey wax alla wixii Esteer ku amartay oo dhan.