1الانسان مولود المرأة قليل الايام وشبعان تعبا.
1Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
2يخرج كالزهر ثم ينحسم ويبرح كالظل ولا يقف.
2Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.
3فعلى مثل هذا حدقت عينيك واياي احضرت الى المحاكمة معك.
3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?
4من يخرج الطاهر من النجس. لا احد.
4Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
5ان كانت ايامه محدودة وعدد اشهره عندك وقد عينت اجله فلا يتجاوزه
5Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.
6فاقصر عنه ليسترح الى ان يسرّ كالاجير بانتهاء يومه
6Bal ha nastee isaga ka sii jeeso, Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.
7لان للشجرة رجاء. ان قطعت تخلف ايضا ولا تعدم خراعيبها.
7Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.
8ولو قدم في الارض اصلها ومات في التراب جذعها
8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
9فمن رائحة الماء تفرخ وتنبت فروعا كالغرس.
9Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.
10اما الرجل فيموت ويبلى. الانسان يسلم الروح فاين هو.
10Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa, Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?
11قد تنفد المياه من البحرة والنهر ينشف ويجف
11Biyuhu badda way ka dhammaadaan, Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,
12والانسان يضطجع ولا يقوم. لا يستيقظون حتى لا تبقى السموات ولا ينتبهون من نومهم
12Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco, Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan, Oo hurdadoodana kama kici doonaan.
13ليتك تواريني في الهاوية وتخفيني الى ان ينصرف غضبك وتعيّن لي اجلا فتذكرني.
13Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!
14ان مات رجل أفيحيا. كل ايام جهادي اصبر الى ان يأتي بدلي.
14Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.
15تدعو فانا اجيبك. تشتاق الى عمل يدك.
15Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa; Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.
16اما الآن فتحصي خطواتي. ألا تحافظ على خطيتي.
16Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga, Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?
17معصيتي مختوم عليها في صرّة وتلفّق عليّ فوق اثمي
17Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay, Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.
18ان الجبل الساقط ينتثر والصخر يزحزح من مكانه.
18Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.
19الحجارة تبليها المياه وتجرف سيولها تراب الارض. وكذلك انت تبيد رجاء الانسان.
19Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
20تتجبر عليه ابدا فيذهب. تغير وجهه وتطرده.
20Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa, Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.
21يكرم بنوه ولا يعلم او يصغرون ولا يفهم بهم.
21Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga; Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.
22انما على ذاته يتوجع لحمه وعلى ذاتها تنوح نفسه
22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.