الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

13

1هذا كله رأته عيني. سمعته اذني وفطنت به.
1Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay, Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.
2ما تعرفونه عرفته انا ايضا. لست دونكم.
2Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale, Anigu idinkama liito innaba.
3ولكني اريد ان اكلم القدير وان أحاكم الى الله.
3Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.
4اما انتم فملفقو كذب. اطباء بطالون كلكم.
4Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa, Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.
5ليتكم تصمتون صمتا. يكون ذلك لكم حكمة.
5Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.
6اسمعوا الآن حجتي واصغوا الى دعاوي شفتيّ.
6Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.
7أتقولون لاجل الله ظلما وتتكلمون بغش لاجله.
7War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?
8أتحابون وجهه ام عن الله تخاصمون.
8War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?
9أخير لكم ان يفحصكم ام تخاتلونه كما يخاتل الانسان.
9War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho? Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?
10توبيخا يوبخكم ان حابيتم الوجوه خفية.
10Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan Isagu wuu idin canaanan doonaa.
11فهلا يرهبكم جلاله ويسقط عليكم رعبه.
11War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?
12خطبكم امثال رماد وحصونكم حصون من طين
12Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah, Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah.
13اسكتوا عني فاتكلم انا وليصبني مهما اصاب.
13Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.
14لماذا آخذ لحمي باسناني واضع نفسي في كفي.
14Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.
15هوذا يقتلني. لا انتظر شيئا. فقط ازكي طريقي قدامه.
15Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
16فهذا يعود الى خلاصي ان الفاجر لا يأتي قدامه.
16Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda, Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.
17سمعا اسمعوا اقوالي وتصريحي بمسامعكم.
17Hadalkayga aad u dhegaysta, Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.
18هانذا قد احسنت الدعوى. اعلم اني اتبرر.
18Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.
19من هو الذي يخاصمني حتى اصمت الآن واسلم الروح
19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.
20انما أمرين لا تفعل بي فحينئذ لا اختفي من حضرتك.
20Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.
21ابعد يديك عني ولا تدع هيبتك ترعبني
21Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.
22ثم ادع فانا اجيب او اتكلم فتجاوبني.
22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.
23كم لي من الآثام والخطايا. اعلمني ذنبي وخطيتي.
23Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa? Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii.
24لماذا تحجب وجهك وتحسبني عدوا لك.
24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?
25اترعب ورقة مندفعة وتطارد قشا يابسا.
25Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa? Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay?
26لانك كتبت عليّ أمورا مرّة وورثتني اثام صباي
26Waayo, waxyaalo qadhaadh baad iga qortaa, Oo waxaad i dhaxalsiisaa xumaatooyinkii dhallinyaranimadayda.
27فجعلت رجليّ في المقطرة ولاحظت جميع مسالكي وعلى اصول رجليّ نبشت.
27Oo weliba cagahayga waxaad gelisaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada fiirisaa, Cagahaygana xad baad u dhigtaa.Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.
28وانا كمتسوس يبلى كثوب اكله العث
28Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.