الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

12

1فاجاب ايوب وقال
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2صحيح انكم انتم شعب ومعكم تموت الحكمة.
2Shakila'aan waxaad tihiin dadkii, Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.
3غير انه لي فهم مثلكم. لست انا دونكم. ومن ليس عنده مثل هذه.
3Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale, Oo weliba idinkama aan liito. Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?
4رجلا سخرة لصاحبه صرت. دعا الله فاستجابه. سخرة هو الصديق الكامل.
4Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto, Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay, Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
5للمبتلي هوان في افكار المطمئن مهيّا لمن زلت قدمه.
5Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada, Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.
6خيام المخربين مستريحة والذين يغيظون الله مطمئنون الذين ياتون بالههم في يدهم
6Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
7فاسأل البهائم فتعلمك وطيور السماء فتخبرك.
7Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,
8او كلم الارض فتعلمك ويحدثك سمك البحر.
8Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa, Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.
9من لا يعلم من كل هؤلاء ان يد الرب صنعت هذا.
9Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?
10الذي بيده نفس كل حيّ وروح كل البشر.
10Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
11أفليست الاذن تمتحن الاقوال كما ان الحنك يستطعم طعامه.
11War sow dhegtu erayada ma kala soocdo, Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
12عند الشيب حكمة وطول الايام فهم
12Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
13عنده الحكمة والقدرة. له المشورة والفطنة
13Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
14هوذا يهدم فلا يبنى. يغلق على انسان فلا يفتح.
14Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa, Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo, Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.
15يمنع المياه فتيبس . ‎ يطلقها فتقلب الارض.
15Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan, Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.
16عنده العزّ والفهم . ‎ له المضل والمضل.
16Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
17يذهب بالمشيرين اسرى ويحمق القضاة.
17Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.
18يحل مناطق الملوك ويشد احقاءهم بوثاق.
18Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.
19يذهب بالكهنة اسرى ويقلب الاقوياء.
19Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
20يقطع كلام الامناء وينزع ذوق الشيوخ.
20Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.
21يلقي هوانا على الشرفاء ويرخي منطقة الاشداء.
21Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.
22يكشف العمائق من الظلام ويخرج ظل الموت الى النور.
22Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer, Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
23يكثر الامم ثم يبيدها. يوسع للامم ثم يجليها.
23Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa, Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
24ينزع عقول رؤساء شعب الارض ويضلهم في تيه بلا طريق.
24Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka, Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.
25يتلمسون في الظلام وليس نور ويرنحهم مثل السكران
25Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.