الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

11

1فاجاب صوفر النعماتي وقال
1Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2أكثرة الكلام لا يجاوب ام رجل مهذار يتبرر.
2War sow waajib ma aha in laga jawaabo erayada faraha badan? Balse ninka hadalka badan xaq ma laga dhigaa?
3أصلفك يفحم الناس ام تلخ وليس من يخزيك.
3Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa? Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?
4اذ تقول تعليمي زكي وانا بار في عينيك.
4Waayo, waxaad leedahay, Cilmigaygu waa daahir, Oo nadiif baan ku ahay indhahaaga hortooda.
5ولكن يا ليت الله يتكلم ويفتح شفتيه معك
5Bal muu Ilaah hadlo! Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!
6ويعلن لك خفيّات الحكمة انها مضاعفة الفهم فتعلم ان الله يغرمك باقل من اثمك
6Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah, Waayo, way badan yihiin. Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.
7أإلى عمق الله تتصل ام الى نهاية القدير تنتهي.
7War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer? Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?
8هو اعلى من السموات فماذا عساك ان تفعل. اعمق من الهاوية فماذا تدري.
8Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa? Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa?
9اطول من الارض طوله واعرض من البحر.
9Qiyaasteeduna waa ka sii dheer tahay dhulka, waana ka sii ballaadhan tahay badda oo dhan.
10ان بطش او اغلق او جمع فمن يرده.
10Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho, Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?
11لانه هو يعلم اناس السوء ويبصر الاثم فهل لا ينتبه.
11Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah, Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?
12اما الرجل ففارغ عديم الفهم وكجحش الفراء يولد الانسان
12Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay, Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,
13ان اعددت انت قلبك وبسطت اليه يديك
13Haddaad qalbigaaga hagaajisid, Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,
14ان ابعدت الاثم الذي في يدك ولا يسكن الظلم في خيمتك
14Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.
15حينئذ ترفع وجهك بلا عيب وتكون ثابتا ولا تخاف.
15Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn; Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,
16لانك تنسى المشقة. كمياه عبرت تذكرها.
16Waayo, dhibaatadaada waad illoobi doontaa, Oo waxaad u xusuusan doontaa sidii biyo ku dhaafay,
17وفوق الظهيرة يقوم حظك. الظلام يتحول صباحا.
17Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii, Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.
18وتطمئن لانه يوجد رجاء. تتجسس حولك وتضطجع آمنا.
18Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta, Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.
19وتربض وليس من يزعج ويتضرع الى وجهك كثيرون.
19Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan; Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan. Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan, Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.
20اما عيون الاشرار فتتلف ومناصهم يبيد ورجاؤهم تسليم النفس
20Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan. Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan, Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.