الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

10

1قد كرهت نفسي حياتي. اسيب شكواي. اتكلم في مرارة نفسي
1Naftaydu noloshadayday la daallan tahay, Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa, Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.
2قائلا لله لا تستذنبني. فهمني لماذا تخاصمني.
2Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
3احسن عندك ان تظلم ان ترذل عمل يديك وتشرق على مشورة الاشرار.
3Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
4ألك عينا بشر ام كنظر الانسان تنظر.
4Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi, Mase sida dadkaad wax u aragtaa?
5أأيامك كايام الانسان ام سنوك كايام الرجل
5Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa? Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?
6حتى تبحث عن اثمي وتفتش على خطيتي.
6Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa, Oo aad dembigayga u baadhaysaa,
7في علمك اني لست مذنبا ولا منقذ من يدك
7In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?
8يداك كوّنتاني وصنعتاني كلي جميعا. أفتبتلعني.
8Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay, Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.
9اذكر انك جبلتني كالطين. أفتعيدني الى التراب.
9Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey, Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?
10ألم تصبّني كاللبن وخثّرتني كالجبن.
10War sow sidii caano iima aadan daadin, Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?
11كسوتني جلدا ولحما فنسجتني بعظام وعصب.
11Waxaad i huwisay harag iyo hilib, Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.
12منحتني حياة ورحمة وحفظت عنايتك روحي.
12Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo, Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.
13لكنك كتمت هذه في قلبك. علمت ان هذا عندك.
13Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay; Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.
14ان اخطأت تلاحظني ولا تبرئني من اثمي.
14Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa, Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.
15ان اذنبت فويل لي. وان تبررت لا ارفع راسي. اني شبعان هوانا وناظر مذلتي.
15Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay, Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo Anigoo ceeb ka buuxa Oo dhibaatadayda fiirinaya.
16وان ارتفع تصطادني كاسد ثم تعود وتتجبر عليّ.
16Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale, Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.
17تجدد شهودك تجاهي وتزيد غضبك عليّ. نوب وجيش ضدي
17Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub, Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa, Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.
18فلماذا اخرجتني من الرحم. كنت قد اسلمت الروح ولم ترني عين
18Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday? Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
19فكنت كاني لم اكن فأقاد من الرحم الى القبر.
19Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin, Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.
20أليست ايامي قليلة. اترك. كف عني فاتبلج قليلا
20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
21قبل ان اذهب ولا اعود. الى ارض ظلمة وظل الموت
21Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn, Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah, Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn, Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.
22ارض ظلام مثل دجى ظل الموت وبلا ترتيب واشراقها كالدجى
22Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah, Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn, Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.