الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

9

1فاجاب ايوب وقال
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2صحيح. قد علمت انه كذا. فكيف يتبرر الانسان عند الله.
2Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay, Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?
3ان شاء ان يحاجه لا يجيبه عن واحد من الف.
3Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga, Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.
4هو حكيم القلب وشديد القوة. من تصلب عليه فسلم.
4Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?
5المزحزح الجبال ولا تعلم. الذي يقلبها في غضبه
5Isagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin, Markuu cadhadiisa ku afgembiyo.
6المزعزع الارض من مقرها فتتزلزل اعمدتها
6Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.
7الآمر الشمس فلا تشرق ويختم على النجوم.
7Wuxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo, Xiddigahana wuu xidhaa.
8الباسط السموات وحده والماشي على اعالي البحر.
8Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya, Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.
9صانع النعش والجبار والثريا ومخادع الجنوب.
9Oo wuxuu sameeyey ururrada xiddigaha oo la yidhaahdo Orsada iyo Oriyon iyo Toddobaadyada, Iyo xiddigaha koonfureed.
10فاعل عظائم لا تفحص وعجائب لا تعد
10Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.
11هوذا يمرّ عليّ ولا اراه ويجتاز فلا اشعر به.
11Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.
12اذا خطف فمن يرده ومن يقول له ماذا تفعل.
12Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?
13الله لا يرد غضبه. ينحني تحته اعوان رهب.
13Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.
14كم بالاقل انا اجاوبه واختار كلامي معه.
14Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?
15لاني وان تبررت لا اجاوب بل استرحم ديّاني.
15In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.
16لو دعوت فاستجاب لي لما آمنت بانه سمع صوتي
16Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.
17ذاك الذي يسحقني بالعاصفة ويكثر جروحي بلا سبب.
17Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan, Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.
18لا يدعني آخذ نفسي ولكن يشبعني مرائر.
18Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.
19ان كان من جهة قوة القوي يقول هانذا. وان كان من جهة القضاء يقول من يحاكمني.
19Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?
20ان تبررت يحكم عليّ فمي. وان كنت كاملا يستذنبني
20In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona, In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.
21كامل انا. لا ابالي بنفسي. رذلت حياتي.
21Anigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro, Noloshaydana waan quudhsadaa.
22هي واحدة. لذلك قلت ان الكامل والشرير هو يفنيهما.
22Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa, Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba.
23اذا قتل السوط بغتة يستهزئ بتجربة الابرياء.
23Haddii belaayadu haddiiba wax disho, Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin.
24الارض مسلّمة ليد الشرير. يغشي وجوه قضاتها. وان لم يكن هو فاذا من.
24Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?
25ايامي اسرع من عدّاء. تفر ولا ترى خيرا.
25Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.
26تمرّ مع سفن البردي. كنسر ينقض الى قنصه.
26Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.
27ان قلت انسى كربتي اطلق وجهي واتبلج
27Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,
28اخاف من كل اوجاعي عالما انك لا تبرئني.
28Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.
29انا مستذنب فلماذا اتعب عبثا.
29Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?
30ولو اغتسلت في الثلج ونظفت يدي بالاشنان
30Haddaan biyo baraf ah ku maydho, Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo,
31فانك في النقع تغمسني حتى تكرهني ثيابي.
31Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.
32لانه ليس هو انسانا مثلي فاجاوبه فنأتي جميعا الى المحاكمة.
32Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.
33ليس بيننا مصالح يضع يده على كلينا.
33Ma jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.
34ليرفع عني عصاه ولا يبغتني رعبه
34Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.
35اذا اتكلم ولا اخافه. لاني لست هكذا عند نفسي
35Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.