الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Job

8

1فاجاب بلدد الشوحي وقال
1Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2الى متى تقول هذا وتكون اقوال فيك ريحا شديدة.
2Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa? Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?
3هل الله يعوّج القضاء او القدير يعكس الحق.
3War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?
4اذ اخطأ اليه بنوك دفعهم الى يد معصيتهم.
4Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.
5فان بكرت انت الى الله وتضرعت الى القدير.
5Haddaad aad u barido Ilaaha, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,
6ان كنت انت زكيا مستقيما فانه الآن يتنبه لك ويسلم مسكن برك.
6Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
7وان تكن اولاك صغيرة فآخرتك تكثر جدا
7Oo in kastoo bilowgaagii yaraa, Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.
8اسأل القرون الاولى وتأكد مباحث آبائهم.
8Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,
9لاننا نحن من امس ولا نعلم لان ايامنا على الارض ظل.
9(Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)
10فهلا يعلمونك. يقولون لك ومن قلوبهم يخرجون اقوالا قائلين
10War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?
11هل ينمي البردي في غير الغمقة او تنبت الحلفاء بلا ماء.
11War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn? Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?
12وهو بعد في نضارته لم يقطع ييبس قبل كل العشب.
12Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.
13هكذا سبل كل الناسين الله ورجاء الفاجر يخيب
13Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale, Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.
14فينقطع اعتماده ومتكله بيت العنكبوت.
14Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa, Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.
15يستند الى بيته فلا يثبت. يتمسك به فلا يقوم.
15Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono. Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.
16هو رطب تجاه الشمس وعلى جنته تنبت خراعيبه.
16Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
17واصوله مشتبكة في الرجمة فترى محل الحجارة.
17Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.
18ان اقتلعه من مكانه يجحده قائلا ما رايتك.
18Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo, Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.
19هذا هو فرح طريقه ومن التراب ينبت آخر
19Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.
20هوذا الله لا يرفض الكامل ولا يأخذ بيد فاعلي الشر.
20Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman, Kuwa sharka falase tiirin maayo.
21عندما يملأ فاك ضحكا وشفتيك هتافا.
21Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol, Bushimahaagana qaylo farxad leh,Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.
22يلبس مبغضوك خزيا. اما خيمة الاشرار فلا تكون
22Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.