1أليس جهاد للانسان على الارض وكايام الاجير ايامه.
1War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?
2كما يتشوّق العبد الى الظل وكما يترجّى الاجير اجرته
2Sida addoon hoos u xiisooda, Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya,
3هكذا تعين لي اشهر سوء وليالي شقاء قسمت لي.
3Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.
4اذا اضطجعت اقول متى اقوم. الليل يطول واشبع قلقا حتى الصبح.
4Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa, Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.
5لبس لحمي الدود مع مدر التراب. جلدي كرش وساخ.
5Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah, Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.
6ايامي اسرع من الوشيعة وتنتهي بغير رجاء
6Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha, Oo rajola'aan baan ku noolahay.
7اذكر ان حياتي انما هي ريح وعيني لا تعود ترى خيرا.
7Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun, Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.
8لا تراني عين ناظري. عيناك عليّ ولست انا.
8Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto, Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono.
9السحاب يضمحل ويزول. هكذا الذي ينزل الى الهاوية لا يصعد.
9Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do, Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.
10لا يرجع بعد الى بيته ولا يعرفه مكانه بعد.
10Isagu mar dambe gurigiisii kuma soo noqon doono, Oo meeshiisiina mar dambe ma ay aqoon doonto.
11انا ايضا لا امنع فمي. اتكلم بضيق روحي. اشكو بمرارة نفسي.
11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.
12أبحر انا ام تنين حتى جعلت عليّ حارسا.
12War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda, Bal maxaad ii daawanaysaa?
13ان قلت فراشي يعزيني مضجعي ينزع كربتي
13Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta, Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,
14تريعني بالاحلام وترهبني برؤى
14Ayaad riyooyin igu bajisaa, Oo waxaad igu cabsiisaa muuqashooyin.
15فاختارت نفسي الخنق الموت على عظامي هذه.
15Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa Ceejin iyo geeri.
16قد ذبت. لا الى الابد احيا. كف عني لان ايامي نفخة.
16Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.
17ما هو الانسان حتى تعتبره وحتى تضع عليه قلبك
17Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?
18وتتعهّده كل صباح وكل لحظة تمتحنه.
18Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa, Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa?
19حتى متى لا تلتفت عني ولا ترخيني ريثما ابلع ريقي.
19Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?
20أأخطأت. ماذا افعل لك يا رقيب الناس. لماذا جعلتني عاثورا لنفسك حتى اكون على نفسي حملا.
20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.
21ولماذا لا تغفر ذنبي ولا تزيل اثمي لاني الآن اضطجع في التراب. تطلبني فلا اكون
21Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.